Qeeybaha| Qubane

Ra’iisal Wasaare Cumar” Shabaab iyo anaga waxaa naga dhaxeeya xabad oo kaliya”

Posted on 09 August 2009 by dadweyne

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in Dowladda wado istiraatiijiyad cusub oo ay xididaha ugu siibeyso Kooxo uu ku tilmaamay Xag-jiriin oo aan dooneyn Qaranimada Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay Wakaalada Wararka u faafisay Faransiiska AFP ayaa waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in Kooxda Alshabaab dooneyso inay dalka gacanta u geliso Urur weynaha Al-Qaacidah sida uu hadalka u dhigay.

“Marar badan waa jirtay inaan gacan wada hadal u fidinayo Alshabaab, balse waxay noogu jawaabeen Xabad iyo Ismiidaamin”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo sidoo kale sheegay in aanu aaminsaneyd in Alshabaab dooneyso Qaranimo Soomaaliyed.

Dr, Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale sheegay in aanu jirin waddo u furan iyaga iyo Alshabaab oo wada hadal ah, isagoona ku goodiyay inay dagaal kala hortagi doonaan waqtiyada dhow.

Hadalka ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha ayaa imaanaya xilli Dowladda KMG wado gulufyo xoogan, kaas oo maalmihii u dambeeyay diyaar garowgeeda laga dareemayay gobolada dalka iyo Caasimada

2 Fikradaada

  1. lilikindsli Says:

    Pirlzs I want to say – thank you for this!

  2. xasan yare Says:

    Qofka safka gaalada Ugandhayska iyo kuwa burundi ka soo dagaal galo maxay ka qabtaa diinta islaamka?

Leave a Reply