Qeeybaha| Wararka

Maxeey yihiin tilmaamaha ugu waaweeyn ee lagu garto shabaab

Posted on 03 August 2009 by dadweyne

Labiska laga keenay Asia Bari ee Foog waa astaan lagu garto shabaab sida dadku inta badan u yaqaanaan, hase yeeshe tilmaamtaasi waa mid yar marki la darso kooxda qodabada kaleh ee lagu garan karo oo aad badan.
Waxaase ugu caansan 3 qodob ee la isku raacay iney yihiin kuwa ugu mudan in la xuso.
1 – shabaab maha Muslimiin fiican ee ku dhqma diinta sida Ilaahey u soo dajiyay

2 – Shabaab ma xurmeeyaan Somaalinimada iyo xeerarka la xiriira

3 – Shabaab ma jecla nabada waa dad nool qalalaanso

Wixi kasta ee ad ka sheegtid kooxdan sadeexda qodob ayeey soo galayaan, matalan haddi ad fiirisid sidi ay rabitaankooda ugu fuliyaan diinta Islaamka oo dad u dilaan, qaar ugu tacadiyan ama ula dhaqmaan qof ku hoos nool inaba shaki kaama geli karo ineey shabaab yihiin qaar islaanimada ku xun.
Haddi ad u fiirsatid sida ay yla dhaqmaan Calanka Somaaliya ee u fidiyaan mid laga keenay dalal kaleh ee midabkiisu madow yahay waxaad qaadaneeysa aragti ah iney aneey Somaalinimo rabin.
Mid kaleh ee sheegaya in anay cidna kala hadleeyn oo dib u heshiisiin aney ku soo hor fariisaneeyn oo wax kasta ay ku doonayaan xoog ayaa muujineeysa in ay nabadu raqiis la tahay oo ay yihiin koox ku dhisan cadaawad.
Waxaad la imaan karta ficilo ay shabaab ku dhawaaqeen ama ku dhaqmeen waxaanad ka fiirin karta 3 qodob ee lagu sifeeyay milishiyadan.
Waxa ay diidaan oo dad ku dileen iney xuseen mowliidki nabiga oo masaajid ku weerareen, waa islaanimo xumo.
Kismaayo waxa ka dajiyeen calanka Somaaliya oo ay ku badaleen kan al qaacida ee madow, waa Somaalinimo xumo.
Waxay qasbeen in ururada samafalku ka baxaan dagaanada ay xooga uga taliyaan, waa nabad diidnimo.
Fadlan tijaabi adiguna oo ku fiiri eedeeynta ad u heeyso dableeyda shabaab sida ay ugu aadan yihiin, soo qor aragtidaada.

Sheikh Xirsi Cabdi

dadweyne@gmail.com

Leave a Reply