Keeydka | August, 2009

Ciidamada Darawiishta oo la wareegay Ex koontarool Afgooye

Posted on 31 August 2009 by dadweyne

Ciidamo fara badan oo kuwa Daraawiishta ah ayaa goor dhoweyd la wareegay gacan ku heynta Ex Koontarool Afgooye oo ah isgoys muhiim u ah isu socodka gaadiidka qeybo ka mid ah Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamadan oo ku hubeysnaa Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa horkacayay Goobaanle oo ah Taliyaha Ciidamada Daraawiishta, isla markaana ka mid ah Saraakiisha gacanta midig u ah Madaxweyne Shariif.

Munaasabad lagu kala wareegaya Ex Koontarool oo ka dhacday Xaruntii Asluubta ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Indha Cadde, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Dhagaxtuur iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Goobaanle.

Ciidamada Daraawiishta ayaa lagu badalay Ciidamo Boolis iyo Ciidamo daacad u ahaa Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasoo lacago leejo ah uga qaadayay Gaadiidka isaga kala goosha Afgooye iyo Muqdisho.

Xaalada Ex Koontarool ayaa ah mid degan waxaana soo buux dhaafiyay Ciidamo fara badan oo ku hubeysan gaadiidka, kuwaasoo ammaanka si weyn u sugayay, waxaana Gaadiidka halkaas isticmaalayay uu ahaa mid aanu jirin wax lacago ah oo laga qaadayay.

Ciidamada laga badalay goobtaas oo ahaa kuwo had iyo jeer shacabka iyo gaadiidka dhib ku hayay ayaa la ogeyn halka la geyn doono, waxaana Taliska Daraawiishta uu maalmahan ku howlanaa sidii loo sugi lahaa Ammaanka.

Comments (0)

Shabaabkii Magaalada Jowhar oo qabiil u kala jabay

Posted on 31 August 2009 by dadweyne

Dablaydii shabaabka ee Magaalada Jowhar maamul ku sheega ka dhisay ayaa u kala jabay dhawr jufo oo beesha abgaal ka tirsan iyadoo dadaal uu waday Abuu Mansuur oo ku doonayay in maamulka maleeshiyada shabaab ee Jowhar is fahamsiiyo habeenkii xalay ahaa burbur ku dhamaaday.

Kulamo maalmahan u socday shabaabka Jowhar ayaa xalay lagu kala tagay xilli adag oo shabaabka weeraro maamuladooda ka dhan ah ka soo socdaan Gobolada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.

Horjoogaha maleeshiyada shabaab ee shabeellaha dhexe iyo ninka amaanka u qaabilsan maamulkaas ayaa is khilaafay iyagoo u kala jabay labo beelood oo ka wada tirsan beesha abgaal.

Sidoo kale muranka iyo khilaafka ayaa qeyb ka ah maleeshiyada beesha Gaaljacayl oo iyagana qeyb ka ah dablayda joogta Jowhar.

Abuu Mansuur ayaa ku sigtay xalay in isagu naftiisu la rasaaseeyo kadib markii uu isku deeyay inuu qeyb ka mid ah maleeshiyada hubka gaadiidka saaran ka qaado, Abuu mansuur waxaa la socda Fu’aad shangole

Xaaladda Magaalada Jowhar ayaa kacsan lamana oga waxyaabaha ku dambeyn doonta

Comments (0)

Inter Milan oo Cashar siisay kooxda Ac Milan

Posted on 30 August 2009 by dadweyne

Kooxda haysata horyaalka kubadda dalka Talyaaniga ee Inter Milan ayaa xalay wacdaro ka dhigtay garoonka Caalamiga ee Magaalada Milano kadib markii ay 4-0 kaga badisay kooxda kale ee Milan ee uu leeyahay Ra’iisal Wasaaraha Italy.

Maadama Labada koox ay ka wada dhisan yihiin Magaalada Milano haddana kooxda Inter ayaa waxay ahayd marti oo garoonka waxaa ku badnaa taageerayaasha Naadiga AC Milan balse waxaase waa la iska tagay Inter waxay muujisay awood iyadoo ka dhalisay naadiga Ac Milan 4 gool.

Goolasha Inter waxay ahaayeen kuwa sidii Roobka oo kale u da’ayeen waxaana 3 ka mid ah dhaliyay ciyaartoyda reer Braziil Miccon,Milto iyo Motta.

Guushaas Inter gaartay ayaa ka dhigaysa in ay tahay koox awood u leh weli in ay difaacato horyaalka dalkeeda.

Comments (0)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo xalay ku hoyday Magaalada Nairobi ayaa saaka u dhoofay dalka Liibiya

Posted on 30 August 2009 by dadweyne

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo xalay ku hoyday magaaladan Nairobi ayaa saaka u dhoofay dalka Liibiya.

Ra’iisal Wasaare Cumar oo ay la socdaan dhawr Wasiir oo Xukuumaddiisa ka tirsan kuwaas oo uu ka mid yahay Wasiirka hantida Qaranka Maxamed Mursal iyo Safiirka Liibiya u fadhiya somalkiya Ciisa Canshuur.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo xalay ku hoyday mid ka mid ah Hotelada ugu caansan Magaalada Nairobi ayaa ku mashquulsanaa qaabilaada dadka somalida oo sidii raxan oo kale saf ugu jiray aragtida Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa Liibiya kaga qeybgalaya shir aan caadi ahayn oo midowga Afrika halkaas ku yeelan doonaan iyo sanadguurada hoggaamiyaha Liibiya oo u dabaaldegaya markii uu qabsaday xukunka dalka

Comments (0)

Madaxweyne Shariif oo gaaray Dubai

Posted on 29 August 2009 by dadweyne

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waabarigii saaka ka degay Magaalada Dubai ee dalka isuy taga Imaaraadka Carabta, iyadoona Madaxweyne si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne Shariif oo ka soo kicitimay Magaalada Doxa ee dalka Qadar oo uu gaaray maalinimadii Khamiista ayaa Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibada Cali Axmed Jaamac Jengli iyo xubno kale.

Madaxweynaha ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii taageero ugu heli lahaa dalalka Carabta, isagoo doonaya inuu dib u soo nooleeyo xiriirka Carabta iyo Soomaaliya oo mudooyinkii u dambeeyay ku jiray mad madow.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa la kulmi doona Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta,iyadoo la filayo in taageero dhaqaale ka helaan, waxaana Imaaraadka Carabtu ka mid aheyd dalalka carabta ee dhaqaalaha faraha badan ugu yaboohi jiray Dowladda Soomaaliya

Comments (0)

Roobab ka da’ay nawaaxiga degmada Afgooye ayaa saameeyay dadka ka barakacay magaalada muqdisho

Posted on 29 August 2009 by dadweyne

Roobab ay Xalay saqdii dhexe ka bilawdeen degaano ka tirsan Gobolka shabeellaha dhexe ayaa ilaa saakay aroortii waxaa ay ka da’ayeen deegaanada hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Afgooye oo qiyaastii 30 km dhinaca koonfureed kaga toosan magaalada muqdisho roobabka ayaa saameeyey qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ee daadsan nawaaxiga degmada afgooye iyo afka hore gobolka banaadir.

Roobabka iyo neecoowda Alle ayaan geysan wax qasaare ah iyadoo ay si xowli ah ugu da’een deegaanada lagu barakacay gaar ahaan wadada dheer ee Xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Inta u dhaxeysa Afgooye iyo muqdisho ayaa waxaa degan oo degaano rasmi ah ku yeeshay kumanaan barakacayaal ah oo ka qaxay dagaalada ka socda muqdisho tan iyo bishii Decembar 2006 kii waqtigaas oo magaalada caasimadda ah gudaha u galeen ciidamadii itoobiya.

Comments (0)

Maleeshiyada Shabaab ee Magaalada Jowhar oo khilaaf soo dhexgalay

Posted on 28 August 2009 by dadweyne

Khilaaf dhanka awooda maamulka ayaa soo kala dhex galay maleeshiyada Alshabaab ee gacanta ku haya Magaalada Jowhar iyo deegaanada Shabellaha Dhexe, waxaana khilaafkan salka ku haya arrimo dhaqaale.

Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Alshabaab ee Gobolka Sh/Dhexe uu eriyay Sarkaal qaabilsan dhinaca ammaanka, waxaana durba ceyrintaas ka dhalatay khilaaf adag.

Khilaafkan ayaa waxaa uu ku saleysan yahay arrimo ay ugu weyn tahay alaabihii laga bililaqeystay Xarunta Unicef, waxaana isku dayo la doonayay in gudi loo dhiibo xarunta Unicef ee magaalada Jowhar keentay inay isku mari waayaan saraakiisha qaar.

Xarunta Unicef ayaa noqotay tubo dhaqaale oo saraakiil dhowr ah ka dhuuqeen, kadib markii ay kala baxen alaabo muhiim ah oo xarunta laga bililaqeystay, taasoo gaareysa ilaa Nus milyan, waxaana tani keentay inay isku qabtaan saraakiisha qaar.

Khilaafka Mas’uuliyiinta Alshabaab ayaa si weyn looga dareemay magaalada xilli ay ku sugan yihiin ciidamo fara badan iyo saraakiil sar sare, kuwaasoo magaalada isugu geeyay cudud milateri oo ay ku difaacaan deegaanada yoolka saaran yahay in laga fara maroojiyo

Xubnaha Jowhar ku sugan waxaa ka mid ah abuu Mansuur

Comments (0)

Edward Kennedy, 1932-2009

Posted on 28 August 2009 by dadweyne

US Senator Edward Kennedy has died, aged 77. He had been suffering from brain cancer.

Brother of former president John F Kennedy and senator Robert F Kennedy, both of whom were assassinated in the 1960s, Edward was one of the most influential American politicians of the 20th and 21st centuries.

He served nine terms in the US senate as Democratic Senator for Massachusetts. He was the third-longest serving senator of all time, and at the time of his death was the second most senior member in the Senate.

Kennedy became an icon of the liberal left in America. He was viewed as a symbolic keeper of the legacy of his brother John, who as president in the early 1960s had championed civil rights and equality.

President Obama paid tribute to Kennedy, saying: “For five decades, virtually every major piece of legislation to advance the civil rights, health and economic wellbeing of the American people bore his name and resulted from his efforts. I cherished his confidence and momentous support in my race for the presidency… I’ve profited as president from his encouragement and wisdom. An important chapter in our history has come to an end.”

Comments (0)

Ciidamada ahlu sunna oo soo qabtay Nin Gacan ku dhiigle ah

Posted on 28 August 2009 by dadweyne

Wararka ka imaanaya Magaalada Cabuud Waaq ee Gobolka G/gaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca inay gacanta ku soo dhigeen nin xalay deegankasi nin kale ku dilay.

Ninka ay qabteen Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa la sheegay inuu ninka uu dilay u adeegsaday dilkiisa Torey, waxaana la sheegayaa in gacan ku dhiiglaha ay hada hayaan Ahlu Suna Waljamaaca.

Dhacdadaan aya noqotay mid si aad ugu shaacday Degmada C/waaq ee Gobolka G/gaduud ayaa waxaa saxaafada uga warbixiyay Afhayeenka Ciidamada Maamulka degmada Cabudwaaq Bile Bashiir Cali ayaa sheegay inay si aad ah uga xun yihiin falkaasi xalay ka dhacay Degmada C/Waaq.

Culumaa’udiinka Ahlu Suna Waljamaca ayaa sheegay inay gacan ku dhiiglaha ku qaadi doonaan sharciga waxa uu ka qabo, islamarkaana ay shareecadda Islamka waxa ay ka qabto

Farxan Xasan

Comments (0)

Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo rasaaseeyay Diyaarad Helicopter

Posted on 27 August 2009 by dadweyne

Saraakiil saaran Markab dagaal oo uu Mareykanka leeyahay oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in kooxo burcad Badeed ah oo Markab ay qafaasheen ku heysta Xeebaha Soomaaliya ay rasaas ku fureen Diyaarad Helicopter ah oo ay Ciidamada Badda Mareykanka leeyihiin.

Saraakiishan waxay sheegeen in shalay oo Arbaco ahayd la rasaaseeyay Diyaaraddaas, waxay ay xuseen in ay jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray diyaaradda iyo ciidamadii saarnaa.

Diyaaraddaas Helicopterka ah ee la rasaaseeyay ayaa waxay ka soo dul-kacday Markab dagaal oo uu Mareykanka leeyahay, kaasi oo lagu magacaabo USS Chancelorsville, iyadoo xiligaasna ay diyaarada duuleysay hawada Degmada Hobyo oo ah halka lagu heysto Markab sita Calanka Taiwan, kaasi oo lagu magacaabo Win Far.

Markabka Win Far ee ay heystaan Kooxaha Burcad Badeedka ayaa waxaa saaran 30 shaqaale ah, waxaana la qafaashay bishii April ee aynu ka soo gudubnay. Xeebaha Soomaaliya oo ay haatan ku sugan Maraakiib dagaal iyo Ciidamo badan oo ka socda dalalka Caalamka ayaa waxaa weli ka qowleysta kooxo Burcad Badeed ah oo qafaasha Doomaha iyo Maraakiibta ku socdaala

Comments (0)

Two Somali women’s organizations now open, offering nearly identical services

Posted on 27 August 2009 by dadweyne

On the second floor of an old brick building in downtown Willmar, the Somali Women’s Connection Center is open for business.

From 9 a.m. to 5 p.m., five days a week, Muslim women can go there to exercise in private, get help from a group of volunteers in finding a job or just work on improving their English.

Downstairs, in the same building, they can do the same thing during the same times at the similarly titled Somali Women Organization.

It’s confusing to many people, said Fatima Jason, who volunteers at the Somali Women’s Connection Center, and it brings up a word not often associated with nonprofits: competition.

“We’re two organizations that have the same goals, and we’ll have to compete for the same funds,” said Jason.

Both groups claim they were the first to initiate the idea of a center catered to Somali women. The Somali Women’s Connection Center’s organizers point to the fact that their doors opened first. Their center opened in June and was featured in an article in the West Central Tribune.

Organizers of the Somali Women Organization, though, said they had been developing a detailed plan of operation for over two years. Their opening may have come a month later, they said, but they contend that they were undercut by an upstart with little regard for their previous efforts.

When it comes to finding sources of funding, though, which came first probably won’t matter, said Stacey Roberts, the executive director of the United Way of West Central Minnesota. She said that when agencies like the United Way choose programs to fund, they are looking for one that will show a proven ability to get results.

“We usually don’t fund two programs that are doing the same thing,” she said.

Maqsuud Ali Adeys, a 2006 Willmar Senior High School graduate and director of the Somali Women Organization, said that with this competition for funding, one organization would likely emerge with more legitimacy than the other.

“Right now, it’s just talk, talk, talk,” she said. “We’re both new, so people don’t know who’s up to do the work.”

But judging by the progress both centers have made already, they both plan to stick around.

Source: West Central Tribune, August 26, 2009

Lul Yusuf, director of the Somali Women’s Connection Center, said the organization has seen a lot of community support in the weeks since its formation. What were bare walls at the office are now covered in fresh coats of light blue and orange paint. People have brought in chairs, rugs and a treadmill. A local woman has promised a sewing machine.

The Somali Women Organization is moving along swiftly as well since its opening last month. It now has Internet access and letters on the window announce the organization’s name and phone number. It also has something that Yusuf’s organization doesn’t: the backing of an established organizing apparatus.

That would be the Coalition of African Community Services and its executive director, Abdi Duh. He has gotten behind the Somali Women Organization, assisting it with attaining nonprofit status and other legal and financial issues.

Duh says he is now working to get the two organizations to work together.

“The way it is now is unacceptable,” he said. “Working together is the best way to exist in America.”

Cawo Abdi, a professor of sociology at the University of Minnesota who has studied East African migrant communities in the Twin Cities, said she has never seen a case like this before in the Somali community.

“There is a large Somali community in the Twin Cities, and I’ve never seen two services of the same kind in the same building,” she said.

Asked if clan politics brought over from Somalia could be a factor in the conflict with the women’s organizations in Willmar, Abdi said that was unlikely. Somali community leaders know that there are limited resources available for their programs, she said, so they have learned to work together despite their differences.

“Otherwise, there would be 20, 30 different centers. It wouldn’t make any sense,” she said

Comments (0)

Hakad ku yimid isu socodka Afgooye iyo Muqdisho kadib dagaalo halkaas ka qarxay

Posted on 27 August 2009 by dadweyne

In ka badan 15 dablayda shabaab ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa muqdisho iyo afgooye ee caasimadda somaliya halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada Dowladda iyo kooxaha xiriirka la leh al qaacida.

Dagaalka ayaa bilawday markii shabaabku ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda ee saldhigga ku leh Ex Contarol Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in dhimashada maleeshiyada shabaab ay ka badan tahay nambarka kor ku xusan balse waxaa jira dhawacyo aad u badan oo soo gaaray maleeshiyada shabaab.

Shabaabka ayaa ah koox qas wadayaal ah oo dhibaato ku haaya shacabka soomaaliyed iyagoo aysan qiimeynin bisha barakacaysan ee ramadaanka.

Dadka degan inta u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayan in ay qaati ka taagan yihiin kooxda shabaab waxayna caddeeyen in saacad walba hanjabaado kala kulmayaan wiilasha yar yar ee hubeysan kana tirsan kooxda shabaab.

Sidoo kale dadka goobaha ganacsiga ku leh wadadaas ayaa waxay sheegeen in mar walba laga qaado lacago baad ah oo lagu sheegay taakuleynta shabaabka, waxayna yiraahdeen raali kama nihin bixinta lacagtaas balse haddii loo diido shabaabka lacagta waxay taa bedelkeedu dhacayaan goobaha ganacsiga

Comments (0)

Dowladda KMG ah ayaa xaqiijisay in gacanta dowladda uu ku jiro ninkii Faransiiska ahaa ee ka soo baxsaday Shabaab

Posted on 26 August 2009 by dadweyne

Wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Dahir Maxamuud Geelle ayaa xaqiijiyay in gacanta Dowladda uu ku jiro mid ka mid ah La heystayaashii faransiiska ee afduubka u aheysteen Xoogaga islaamiyiinta.

Isagoo warbaahinta si kooban uga warbixinayay Sarkaalka Faransiiska ee ka soo baxsaday gacanta kooxaha afduubka ku heystay ayuu sheegay in faah faahin ka bixin doonaan saacadaha soo socda.

Dahir Geelle ayaa sheegay inuu ku sugan yahay Xarunta Madaxtooyada uuna bad qabo sarkaalka Faransiiska, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay afduubka loo geystay.

maleeshiyada shabaab ayaa wali gacanta ugu jira mid ka mid ah Saraakiisha Faransiiska oo aan la ogeyn halka ay ku hayaan, waxaana warar si xoogan u soo baxayay saacadihii u dambeeyay uu sheegayay in sarkaalkan uu soo baxsaday xalay saqdii dhexe.

14-kii bishii Juun ayay aheyd markii Kooxo Hubeysan ka qafaasheen Hotelka Saxafi Labo nin oo saraakiil faransiis ah, kuwaasoo aaqirkii u gacan galay Xoogaga Islaamiyiinta

Comments (0)

Nin u dhashay Faransiiska oo ka soo baxsaday gacanta kooxda shabaab

Posted on 26 August 2009 by dadweyne

Warar lagu kalsoonyahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in mid ka mid ah raggii Faransiiska ee dhawaan lagu afduubtay Muqdisho uu ka baxsaday gacanta kooxihii Afduubka ku haystay.

Mid ka mid ah labo Sarkaal oo Faransiis u dhashay ayaa kooxo hubaysan waxay kala baxeen Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in uu ka soo baxsaday gacanta kooxihii afduubka u heystay iyadoo haatan la sheegay in uu galay dhanka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Sarkaalkan oo aan Magaciisha la shaacin ayaa waxaa uu mudooyinkii ugu dambeyay ku jiray gacanta shabaab,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ninkaasi uu la socday wariye kale oo cadaan ah kaasoo ilaa iyo hadda la la’yahay meel uu carib iyo Jaan dhigay.

Sarkaalkan soo baxsaday oo la hadlayay Masuuliyiin ka tirsan Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo baxsaday xili habeen ah islamarkaana ay is waayeen wariye cadaan ah oo ay isla soo baxsadeen.

Comments (0)

Shabaabka ma jirto qof ka dhimata balse ehelkoodeey ka maqnaadaan

Posted on 25 August 2009 by dadweyne

Kooxda shabaab aya billabay in ka tagaan qofka ka dhinta isago u dagaalamaya meeydkiisa madaama shaqsigaas aanu iyaga ka mid aheeyn oo dagaal kaleh anu u galeeyn, ama u fuliyay inti dan ah ee laga laha.

Sheekh qeeylow oo hadla daraawiishta dowlada aya sheegay in la amray in meeydka shabaab loola dhaqmo sida ay shareecadu qabto gacantana loo galiyo eheladooda looga soo duufsaday si khiyaano ah.

“Shabaab wax kama dhintaan ee dhalinta geeyriyoota waxay ka maqan yihiin waalidkooda iyo eheladooda,” Qeeylow aya sheegay mar la gudbinayay laba meeyd ah oo goob dagaal uga tageen shabaab.
“Waxaan gacanta u galineeyna ehelkooda anaga oo si fiican ula dhaqmeeyna, shabaab ma daneeyaan qofki ka dhinta” ayu yiri sheekh Qeeylow.

Waxa jirtay in xubno ka mid dowlad askarteeda iyo masuuliyiinta qaarkood hab dadnimada ka baxsan ula dhaqmeen merydka cadowga iyaga hilmaamay iney yihiin dowlad.

Qeeylow war ka ka soo baxay waxa u waafaqsan yahay shareecada Islaamka, xeerarka caalimiga iyo dhaqanka Somaalida oo ku saeeysan diinta Islaamka.

Qeeylow waxa u hilmaamay in shabaab aad u qadariyaan kuna dagaalamaan si ay u helaan meeydka qof ajinabi ah haddi u dagaal uga dhinto.
Waxa jirta in afar ila lix qiof dhintaan si loo soo qaado qof ajinabi oo ka dhintay meeydkiisa, sida ay sheegeen xubno kooxda iskaga tagay marki ay fahmeen been abuurkooda.

Marki laga hadlayo Somaalida, shabaabku dhinacooda qof nool iyo mid dhinteeyba waxay ula dhaqmaan qaab aad u foo xun ee ka baxsan Islaamnimada ay sheegtaan.

Ka mid ahaan shabaab aya waxa lagu tilmaamay guud ahaan mid ku timaada daqonimo iyo aqoon yaraan.

Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay dagaalada ka socda Muqdisho

Posted on 25 August 2009 by dadweyne

Dagaal u dhexeeya xoogagga dowlada ka horjeeda ciidamo taabacsan Dowladda Soomaaliya ayaa xalay iyo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasna uu sababay khasaare nafeed oo kala duwan.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in kooxaha dowladda kasoo horjeeda ay weerar ku qaadeen Hotel Wehliye oo ay degan yihiin mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo la arkay markii dagaalku dhamaaday laba qof oo meyd ah.

Agagaarka Isgoyska Dabka ayaa la sheegay in lagu arkay dhaawacyada laba qof oo rayid ah, iyadoo aanay jirin khasaare intaas ka badan oo la sheegay inay dagaalladii xalay iyo saakay oo ahaa kuwo xiriir ah ay dhaliyeen.

Ma jirto hadal ka soo baxay dhinacyada dagaalku dhexmaray oo ku aaddan weerarradii xalay iyo saakay, waxaana dagaalkan uu qayb ka noqonayaa dagaallo ka dhacayay Muqdisho tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan.

Dagaallada ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu baaqeen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya in ay fadliga bisha ramadaan aawadeed ku joojiyaan dagaallada.

Comments (0)

Indha Cadde oo ka warbixiyay amaanka Magaalada Muqdisho

Posted on 24 August 2009 by dadweyne

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa sheegay in is badal la taaban karo uu ku yimid amniga magaalada Muqdisho, kadib markii uu sheegay in Ciidamo gaar ah loo howl geliyay sugida ammaanka.

Indha Cadde ayaa sheegay in Dadka ay bilaabeen in dariiqyada Mobilada ku qaataan, ayna jirin wax cabsi ah, waxaana uu sheegay in Ciidamada wax badan ka badaleen ammaan daradii.

“Is beddel la taaban karo ayaan ka samaynay ammaanka magaalada Muqdisho, waa Ilaahay Mahaddiis in shacabka mobayladooda ay dariiqyada ku dirsan karaan, waxaan rajaynayaa in aan dhamaystiri doono inta dhiman si ay dumarka dahabkooda u soo qaataan”ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indha Cadde.

Waxaa uu sheegay in la sameeyay Maxkamad Milateri oo ka qeyb qaadan doonta nidaaminta Ciidamada iyo xukun lagu qaadayo askarigii geysta falal burcadnimo iyo falal kaleba sida uu yiri.

Hadalka ka soo yeeray Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa ku soo beegmaya xilli is badal weyn uu ku yimid inta badan ammaanka Degmooyinka ay gacanta ku heyso Dowladda, iyadoo Dowladda ku dhaqaaqday is badal muuqda, kadib markii ay ka hor tagtay dhibaatooyinkii ciidamada geysan jireen

Comments (0)

Shabaabka Kismayo oo fakasho bilaabay, kalana qeeybsamay

Posted on 24 August 2009 by dadweyne

Kooxda ku amar ku taagleeysa Kismayo ee shabaab oo degaanka an ka raali aheeyn aya aad ugu kala qeeybsamay sidi loo maamuli laha magaaladan xeebta ku taal, sida ay sheegeen xubno ka tagay Kismayo kadib marki khilaaf weeyn abuurmay.
Xubnahan oo haatan ku sugan meel u dhow Magaalada Afmadow aya sheegay in shabaabka xubno ka mid ah ay rabaan in xataa haddi dalka laga saaro intiisa u badan in ay sii joogaan Jubada Hoose, fikirkan waxa wata dagaalyahanada shisheeye ninka la yir Sheekh Abubakar Seylici, oo iska badalay magaciisii aha Ibrahim Haji Jamac Meecaad.
Waxa ay xubnahani sheegeen in dadweeynaha Kismayo ay naceen maamulki an micnaha badan laheeyn ee askariga Barre Aden Shire Hirale oo degaanka xoog ku joogay taasina ay keentay ee dableeyda shabaab a soo dhaweeyo.
“Hada si isku mid ah aya loo nacay shabaab iyo Barre, waxaana dhici karta in si cad loo hor joogsado haddi maamulka dhulka an lagu wareejin gudi wax tar ah,” ayu yiri ninkaasi oo ku soo gaabiyay magaciisa Xassan.
Burburkan ku soo socda shabaab aya lagu tilmaamay mid halis ah ee wiiqeeysa kooxdan xooga ku heeysata dhul badan ee ka mid ah koonfurta Somaaliya, waxaase laga sifeeyay dableeydan sheegata magaca diinta inta badan gobolada dhaxe ee Somaaliya.
Waxaana si adag loo ilaaliya dhalinta ka tirsan beesha Absame ee ka mid ah shabaab, sida ay sheegeen xubnahan soo fakaday.
Shabaabku waxay si aad dadnimada ugu xun ku xukumaan Kismayu iyaga cuskanaya aayado quraan ee si qalad ah ay u tarjumaan.

Comments (0)

15 qodob oo ay ku heshiiyen Dowladda KMG ah iyo Maamulka Puntland

Posted on 24 August 2009 by dadweyne

Halkan ka aqrii ama ka baro dhamaan qodobada ay ku heshiiyen Dowladda KMG ah iyo Maamulka Puntland kadib kulamo maalmihii la soo dhaafay uga socday labada dhinaca Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

1- Labada dhinac waxay isla qaateen in la sii adkeeyo Midnimada iyo Qaranimada dalka Soomaaliya, waxayna dowlada Federaalka u aqoonsan tahay Puntland qeyb kamid ah dalka Soomaaliya, oo uu maamul, nidaam iyo Nabad ka jirto, isla markaana hormuud u ah nidaamka Federaaliga ee dalka Soomaaliya.

2- Dowlada Federaalka iyo Puntland, waxay ku heshiiyeen dar dar la geliyo dhameystirka Dastuurka Federaalka, isla markaana la dhiso guddigii fulinta iyo arrimaha Aftida.

3- Si arrimaha Dastuurka iyo dhismaha Federaalka loo hirgeliyo waxay labada dhinac isku raaceen, in xarunta guddiga laga furo magaalo madaxda Puntland ee Garowe, ayadoo Puntland gacan siin doonto Guddiga si ay u gutaan hawshooda.

4- Ayadoo la tixraacayo ku dhaqanka Axdiga kumeel gaarka ah, waxay labada dhinac isla garteen si dhakhsoleh loo soo dhiso dowlad gobaleedyada harsan, isla markaana la dhiiri geliyo maamulka Puntland ee hada dhisan.

5- Puntland waxay maamul ahan uga qeyb galeysaa shirarka danheeda gaarka ah khuseeyo.

6- Waxay dowlada Federaalka kala shaqeenaysaa Puntland dib usoo celinta iyo raadinta mashaariicda horumarineeda ee hay’adii Mucaawinada Talyaaniga FIA ay ka waday dagaalkii Soomalaiya kahor ka waday dhulka Puntland.

7- Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in Puntland laga dhiso xarumo ciidamada tababar loona dhameystiro agabka qalabka.

8- Waxay labada dhinac ku heshiiyeen maadaama ay burcad badeeda faro ba’an ku hayaan Puntland in gobalada Puntland laga dhiso xarun weyn oo ciidamada bada, loona dhameystiro agabka iyo qalabka, ayadoo beesha Caalamka lagala kaashanayo.

9- Waxay Federaalka iyo Puntland ku heshiiyeen in wada jir ah ay isaga kaashadaan ka hortaga Burcad badeeda.

10- In wixii dowlada Federaalka ay ka hesho caalamka Deeq Waxbarasho, ay Puntland ka helayso 100kiiba 25%, ayadoo deeqahaasi ay ardayda Puntland u galayaan tartan ay maamuleyso Wasaarada waxbarashada, isla markaana Wasaarada Tacliinta Sare ee Federaalka, ay ku yeelaneyso kaalin kormeer ah.

11- Waxay wasaaradaha waxbarashada ee Dowlada Federaalka iyo Puntland yeelanayaan xiriir joogto ah iyo wada shaqeyn, ayagoo iska kaashanaya tababarada maclamiinta iyo maamulayaasha, kana wada shaqeenayaan mideynta Siyaasada iyo Manaahijta dalka Soomaaliya.

12- Waxay labada dhinac isku afgarteen in dhamaan hay’adaha caalamiga ee u xilsaaran Soomaaliya, usoo raraan xarumahooda iyo xafiisyadooda meelaha nabada ka jirto ee dalka Soomaaliya, sida Puntland.

13- Waxay dowlada Federaalka Kumeelgaarka ah iyo Puntland ku baaqayaan, horumarinta iyo illaalinta, Diinta, Dhaqanka, Suugaanta, AfSoomaaliga, Madxafyada iyo Goobaha taariikhiga ah.

14- Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in xiriir joogto ah lala yeesho, Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee dibada ku dhaqan iyo Qurbo joogta, laguna dhiiri geliyo dhawrida, Diintooda, dhaqaankooda iyo afkooda. In laguna dhiiri geliyo dib u dhiska dalkooda, iyo waliba inay xushmad iyo sharaf kula noolaadaan bulshooyinka ay ku noolyihiin oo dalalkooda ku marti geliyey oo dajiyeyna.

15- Ugu danbeyn waxay Dowlada Federaalka iyo Puntland isku afgarteen in dhamaan Wasaaraddaha iyo hay’adaha Federaalka iyo Puntland, yeeshaan xiriir joogto iyo wadashaqeyn.

Waxaa la saxiixay heshiiskan
23 Agoosto 2009
Waxaa saxiixay Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke
Ra’iisal wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya
Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole
Madaxweynaha Dowlada

Comments (0)

Koonfurta Gaalkacyo oo laga furay Xafiiskii Waaxda socdaalka ee somaliya

Posted on 23 August 2009 by dadweyne

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ayaa kaga dhawaaqay in laga furay Koofurta Galkacyo Xafiiskii Waaxda Socdaalka.

Dr, Cumar C/rashiid oo kula kulmay Koofurta Galkacyo Maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta iyo wixii ka dambeeyay laga furay Koonfurta Galkacyo Xafiiskii Socdaalka Dowladda.

Kulan uu kula qaatay Koonfurta Galkacyo Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ayuu u cadeeyay in Xafiiska Socdaalka uu si rasmiga uga howl galayo, isla markaana uu qabanayo howlihii lagama maarmaanka ee bulshada ee ku aadanaa dhanka socdaalka.

Saraakiisha Maamulka Galmudug ayaa soo dhoweeyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid horu mar ah, maadaama loo fududeeyey arrimaha socdaalka iyo qaadashada baasaboorka E-Passport ee ay soo saarto dowlada KMG Somalia.

Maamulka Puntland ee ka arimiya Waqooyiga Galkacyo ayaa diiday in Hal Xafiis laga hirgeliyo Magaalada, waxaana ay ku cataabeen in aanay aqbaleyn arrintaas oo ay cambaareynayaan

Magaalada Gaalkacyo ayaa u kala qeybsan labo Maamul oo midna Puntland ka tirsan midna Galmudug

Comments (0)

Horyaalka Talyaaniga oo bilawday, Milan oo badisay

Posted on 22 August 2009 by dadweyne

Horyaalka caanka ah ee wadanka Talyaaniga loona yaqaano Italy – Serie A ayaa furmay maanta oo 22 August 2009-ka iyadoo furitaankii kulamada koowaad ee horyaalka nasiib u yeeshen in ay cayaaran kooxaha kala ah Bologna, Fiorentina, Siena iyo Ac Milan.

Kulankii koowaad ayaa waxaa uu dhex maray kooxaha kala ah Bologna, Fiorentina, in kastoo goolal la dhaliyay kulankan haddana labada kooxood waxay natiijadooda noqotay barbar dhac Bologna 1-1 Fiorentina.

Milan oo ku cayaaraysay Garoonka Siena ayaa guul ka gaartay kulankeeda maadama indhaha taageerayaasha ku dhaqan Milan ay eegayan macalinka cusub Milan Leonardo
waxaa uu la imaan doona.

Ciyaaryahanka reer Braziil Pato ayaa u dhaliyay kooxdiisa Milan Labada gool oo ay kaga badisay kooxdii martida loo ahaa oo ah Siena.
Guushaas ayaa tababaraha cusub ee Ac Milan oo isna u dhashay dalka Braziil horeyna uga soo cayaaray kooxdan uu hadda macalinka u yahay ayaa gaaray guushiisa ugu horeysay horyaalka Talyaaniga isagoo macalin ah.

Comments (0)

Meydadka 10 ka tirsan kooxda Shabaab oo daadsan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

Posted on 22 August 2009 by dadweyne

Wasiiru dowlaha gaashaandhiga Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) ayaa ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay Xaruntii Asluubta iyo Ex Contarol Afgooye,isagoo beeniyay wararka sheegaya in lagala wareegay deegaanadaas.

Dagaalka oo ka dhacay Asluubta ayaa waxaa uu dhex maray dablayda Alshabab iyo ciidamada daraawiishta oo dhowaan saldhig ka dhigtay halkaas.

Yuusuf Indhacade ayaa sheegay in kooxihii weerarka ku soo qaaday ay jab ku gaarsiiyeen, meydad badana ay halkaasi uga carareen, sida uu hadalka u dhigay.

“anaga gaala ma dhaheynee waa dad islaam ah oo la qalday, dhalinyaradii ay soo qaldeen meydadkooda waa yaalaan, cidii rabtana iyadoo aan hubeysneyn waa soo doonan kartaa”ayuu yiri Wasiiru dowlaha gaashaandhiga.

Waxaa uu sheegay inay baacsadeen kooxihii weerarka ku soo qaaday ayna tageen ilaa deegaanka Km-13 oo uu mar dambe warbaahinta kula hadlay wasiiru dowlaha gaashaandhiga Sheekh yuusuf indhacade.

Dadka socotada ee isaga kala goosha Afgooye iyo Muqdisho ayaa soo sheegay meydadka ilaa 10 ruux oo dhalinyaro ahaa,kuwaasoo ahaa kooxihii weerarka soo qaaday sida ay sheegteen dhinaca dowladdu.

Comments (0)

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay nabad waarta iyo xasilooni ka rabto Soomaaliya

Posted on 22 August 2009 by dadweyne

Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaadday in ay dooneyso nabad waarta iyo xasilooni ka dhalata dalalka Qaaradda Afrika, gaar ahaan kuwa qalalaasaha iyo nabad la’aanta ay ka jirto ee ay Soomaaliya ka mid tahay.

Taliyaha Taliska Mareykanka u qaabilsan Africa General William Ward oo wariyayaal kula hadlayay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dowladdiisa ay baaqi ku sii ahaaneyso nabad iyo xasilooni ku soo dabaalidda Soomaaliya.

General William Ward waxaa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay kaalmo ballaaran oo ku aadan nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya ay siisay Dowladda Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay kaalmadaas sii wadi doonaan tan iyo inta uu nabad ka noqonayo Dalka Soomaaliya.

Janaraalkan u hadlay Taliska Mareykanka u qaabilsan Africa waxaa uu sheegay in xaaladda dalka Soomaaliy ay tahay xaalad ay aad uga walaacsan tahay beesha caalamka oo dhan, “waxaan u aragnaa dadaalka hadda loogu jiro in lagu xaliyo mushkiladda Soomaliya in uu yahay mid wax dhgisaya, waxaana rajeyneynaa in Dowladda Soomaaliya ay amni ku soo celin doonto Dalka Soomaaliya”ayuu yiri General William Ward.

Comments (0)

ku dhawaad 25 qof ayaa ku dhimatay dagaal saaka ka dhacay Muqdisho

Posted on 21 August 2009 by dadweyne

Dagaalo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka socda magaalada Muqdisho kaasoo u dhaxeeya ciidamada nabada ilaalinta Amisom iyo kooxaha mucaaradka ee dowlada ka soo horjeeda Al shabaab iyo Xisbul Islaam.

Dagaaladana ayaa galaaftay inta la ogyahay nolosha ilaa iyo 22 ruux kuwasoo u badan dad rayid sida ay xaqiijinayaan dad goob joogayaal ah iyo shaqaalaha caafimaadka iyo tirada dhaawaca ah uu intaasi kor u sii dhaafayo.

Dagaalo ayaa bilowday ka dib markii kooxaha Al shabaab iyo Xisbul Islaam ay weeraro ku qaadeen fariisin ciimada AMISOM ay ku leeyihiin isgoyska KM4 waxaana dagaalka uu ku sii fiday degaano hor leh oo ka tirsan muqdisho, dadka goob joogayaasha ayaa sheegay in qasaaraha intiisa badan uu soo gaarayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Qasaaraha ayaa laga cabsi qabaa inuu intaasi ka sii kordha iyadoo dagaalka ay bar bar socdaan madaafiic la isku adeegsanayo waxaana dadka u suurta geli la’ inay ka barakacaan goobaha dagaalka.

Cali Muse oo ka mid ah shaqaalaha gar gaar ka deg deg ah ayaa wakaalada warraka ee Reuters u sheegay inay arkeen 17 ruux oo meyd ah islamarkaana 40 kale oo dhaawac ah ay gaarsiiyeen cusbitalada magaalada Muqdisho halkaaso lagu dabiibayo.

Nin gacasade ah ayaa sidoo kale sheegay in 5 ruux kale ay ku dhibatay ka dib markii uu hoobiye ku soo dhacay baar laga cunteeyo oo ku yaala Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dagaalada ka socda koonfurta soomaliya ayaaa ah kuwa geysnaya qasaare xoogan iyadoo dagaalkii buula burte ka dhacay ay wararku sheegayaan inay ku nafwaayeen ilaa 33 ruux tiro 50 kor u dhaafeysana ay ku dhaawacmeen

Comments (0)

Shabaab oo noqday abtirsin aan la sheegan

Posted on 20 August 2009 by dadweyne

Maalmo tirsan ama bilo waxay ahayd abtirsinta shabaab mid lagu dhibaateeyo shacabka soomaaliyed oo loogu soo rogo awaamiir ka timid xubno ka amar qaata buurarlayda toora boora ee dalka afganistan iyo sidoo shaqsiyaad dhuumasho ku jira.

Shabaabnimadu waxay ka noqotay xaafadaha Bakaaraha iyo dayniile hiwaayad iyo lebis carsi ah oo ay qaatan dhalinta isu aqoonsan geesiyen,balse xaaladaas waxay soo afjarmaysa oo abtirsinta shabaab waxaa ay noqonaysaa mid la dafiro ka mid ahaanshaheeda,
Waxaa badanaya eriyada ah aniga kama tirsanayn shabaab waan iska raacay, naftayda ayaan ku badbaadinayay, bal waxaan is lahaa nimanka shaqadooda baratid oo aad ogaatid sida ay u howlgalaan iyo wixii la mid ah.

Ma aha in shabaab ka xumaadan taariikhdooda soo afjarantay sababta oo ah midowgii maxkamadaha Islaamiga oo iyaguna 6 bilood oo kaliya jiray markii ay is mahdiyeen ee ay talada wax ka siin waayeen dadweynaha soomaaliyed ee badan, noloshana ay ka soo qaadeen cimaamad la qaato, baabuur lagu raaxeysto iyo aroosyo fara badan.

Gobolada dhexe ee somaliya waxaa ka soo dhamaaday maalmihii la taagi jiray calankii madoobaa ee lagu bedelay midkii ay jamhuuriyada isku afgaratay, sidoo kale gobolada koonfureed ayaa waxaa bilawday xilligii laga qaadi lahaa xilka ee sida sharci darada ah ugu soo rogeen dadka soomaaliyed.

Waxaa in laga naxo mudan in shabaab dhalinyaro gacamaha ka gooyen iyagoo ku eedeynayay in ay wax xadeen, waxaase bilaabatay in shabaabku bililiqo baaxsan ku qaadan meeshii ay ka barakacayaan oo ay dhacayan hantida gaarka ah iyo mida hay’adaha samafalka uga adeegayan shacabka somaliyed.

Shabaabku waxay isku badbaadin karaan si inta ka hartay aan loo dilin in ay hubka dhigaan kuna dhawaaqan in ay ka tanaasuleen ka mid ahaanshaha cayaartoyga siyaasadeed iyo diimeed ee ka jira dalka.

Waa in ay aqbalaan in la soo joojiyo maxkamado caadil ah ee ka garsooraya dambiyada aan la tiring Karin ee isugu jira xadgudubyo dhinacyo badan ka soo jeeda.

Comments (0)

Dowladda KMG ah oo shaacisay in ay la wareegtay degmada Buuloburde

Posted on 20 August 2009 by dadweyne

Dowladda KMG ah ayaa ku dhawaaqday in ay la wareegtay gacan ku haynta degmada buuloburde ee Gobolka Hiiraan kadib dagaal ay saaka la gashay maleeshiyada shabaab.

War saxaafadeedka oo ka soo baxay qeybta warfaafinta ee Madaxtooyada ayaa waxaa uu u qornaa sida:

Degmada Buulaburde(250 KM waqooyiga Muqdisho) ayaa gacanta dowladda ku soo laabatay kadib markii ay galeen ciidamada dowlada oo uu hogaaminayay General Muqtaar Xuseen Afrax.

Dadweynaha magaalada oo isku soo baxay ayaa waxa la hadlay General Muqtaar Xuseen Afrax wuxuuna u sheegay in ay is dejiyan, dowrna ka qaataan sugida nabad gelyada.

Generaalka iyo Ciidamada uu hogaaminayo ayaa maalmihii tagay si tartiib ah ugu soo siqayay dhanka magaalada BuulaBurte, waxaana iska horimaad uu ka dhacay saakay Bunada Buula Burte oo qolooyinka dowlad diidka ahi ay difaac ka dhigteen, waxaana u suurta gashay Ciiidamada Qaranka ineey soo jiiraan ayna gacanta ku dhigaan magaaladda.

Buulo Burte waa magaalo muhim ah, oo isku xirta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, waana magaalo isrtaatiji u ah gacan soo gelinta Gobolka Shaballeda dhexe oo deris la ah Magaalo madaxda Soomaaliya Muqdisho.

Faahfaahin dheeri ah: kala soo xiriir Warfaafinta Madaxtooyada:-

+25 25 76 75 75

+25 21 54 60 417

+25 26 55 66 30

Email: presidentialpress1@gmail.com
C/qaadir Maxamed Cusmaan

Comments (0)

Dagaalo culus oo ka socda gudaha Buuloburde,Shabaabka oo la soo riixay

Posted on 20 August 2009 by dadweyne

Dagaalo culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka socda tan iyo waaberigii saaka iyadoo Ciidamada Dowladda jibiyeen difaaca maleeshiyada shabaab ee xooga ku haystay degmadaas oo Gobolka Hiiraan ka tirsan.

Wararka aanu ka heleyno Degmada ayaa sheegaya in Xoogaga Alshabaab ku fara adeegayaan heysashada Degmada, hase ahaatee xaalada ayaa u muuqata mid ka duwan jawigii uu saaka dagaalka ku bilowday maadama gudaha la isla soo galay

Ciidamada Dowladda oo weerar ka soo qaaday dhanka Bari ee wadada ka timaada B/weyn ayaa gudaha u soo galay, iyagoo dagaalo adag kala kulmaya maleeshiyada Alshabaab

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyada shabaab jab ballaaran ka soo gaaray dagaalka.

Comments (0)

Burnley 1-0 Man Utd iyo Liverpool oo wacdaro dhigtay

Posted on 20 August 2009 by dadweyne

Kooxda kubadda Cagta Burnley ee dhawaan ka mid noqotay kooxaha Premier League ayaa xalay wacdaro ka dhigtay Horyaalka Ingiriiska ee Premier League kadib markii ay dhulka la gashay oo ay garaacday kooxda haysata Horyaalka Man Utd.

Ciyaaryahanka lagu magacabo Blake ayaa daqiiqadii 19 aad ee qeybta hore cayaarta u dhaliyay kooxdiisa Burnley gool kaas oo wadna xanuun ku riday taageerayaasha Man Utd.

Goolkaas ayaa loogu dhameeyay Man Utd bilaw ilaa iyo dhamaadka Cayaarta,in kastoo ay dadaal badan muujiyeen cayaartoyda Man Utd haddana uma suuragalin in ay wax gool ah dhaliyan.

Laakiin waxaa boorka iska jafay oo karti muujiyay Liverpool oo toddobaadkii hore laga badiyay, waxayna sidii roobka oo kale ugu tumatay kooxda Stoke oo ay kaga badisay 4-0.
Kulamadii xalay sidan ayay kooxaha isku arkeen

Home Team Score Away Team Time
Birmingham
1-0 Portsmouth
R
Burnley
1-0 Man Utd
R
Hull
1-5 Tottenham
R
Liverpool
4-0 Stoke

Comments (0)

Xabaal mooyee Xabsi maleh

Posted on 19 August 2009 by dadweyne

Dadka qaar Waxey qorsheysteen In ay sameyaan fojignaan aan qiyaas lahayn Markii Go,aamada Maskaxada Walaacsan Ay soo tabinayso uu qasab kaga,dhigay in wax walba faraha ka laabtaan
Nabad galyada darted Lakiin Sidaas kaga ma haraan saameynta Amarada ad adag ee kooxda alshabaab
Ay ku so rogaan meelaha ay ka taliyaan Ha yeeshe Qof Qof iyo Qoys Qoys Ayey Dhibaatadu U soo garaacdaa Albaabadooda.
Dareen nafsadeedka bulshada niyada jabsan dadka qaar Waxay gaarsiisay iney galaan xaalado adag oo
Cagaha dhulka uga qaadi karta
Hadaba hadii shalay la bartilmaamysanayay
Shaqsiyaad xubno ka ah Dowlada Ama Xariir La lah ciidmada Nabad Ilaalinta Amisom
Hada waxa ay mididu dul saarantahay Qof kasta oo
Loo tuhmo inuu ka fikrad duwan yahay Hab dhaqanka Xoogaga Al Shabaab Oo Ah Urur Sheegtay inuu Somalia wakiil uga yahay Al qaacida
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Iyo Xoghayaha Arimaha dibada Mareykanka Ms Hellary Clinton In Kastoo Kulankooda Nairobi Ay iskula soo qaadeen Sida xidada looga siibi lahaa Argagixisada Ku sii xoogaysanaysa geeska africa Hadana waxey u muuqataa In aysan sahlaneyn waqti dhow in laga soo af jaro Xagjirnimada kooxdaan oo u arko Qof kasta oo aan Iyaga ka mid ahayn in ay Waajib u tahay dilkiisa.
Waxaa La dilay Culima,udiin. Salaadiin Dhaqameedyo, Saraakiisha Bulshada iyo suxufiyiintii oo dhamaan tood laf dhabarka u ahaan dalka iup dadka Soomaaliyeed.
waxaa dalka isaga baxay Ganacsato waxgarad iyo waliba suxufiyiin ka hawl gali jiray gudaha wadanka.
Ka dib markii kooxdan ku gacan seyrtay Go,aankii Culima,udiinka Somaliyed ee ku baaqayay in aysan
banaaneyn dagaal lala galo DKMG wixii Ka dambeyay meelmarintii ku dhaqanka Shareecadda ISlaamka,
oo dowlada ku meel gaarku qaadatay
Lakiin Dagaal yahano Ajanabi ah Oo Qaab Jihaad doon ah wadanka ku yimid oo wax ku yeeshay talada
dhaqaaqa Al Shabaab Ayaa sababay in kooxdaan ay noqato mid mar kasta ku dhaqaaqda wax lid ku ah danaha bulshada Soomaaliyeed Iyo dowladnimooda Tusaalooyin marka la soo qaato,waxaa la dajiyay Calankii Jamhuuriyadda Somalia, Waxaa la fara galiyay Hab Nolaleedka Qofka Caadiga ah Iyo xaquuqdiisa gaarka ah,Waxaa la cuuryimiyay is dhex galka bulshada iyo isku kalsoonaantooda Taasoo shaki ku abuurtat in badan oo kamid ah
dadka ku nool meelaha ay ka taliyaan Koxdaan. Bulshada ku nool goobaha ay ka taliyaan Shabaabka kuma dhacaan inay ka hadlaan ama soo hadal qaadaan waxyaabaha ka dhacaya dalkooda hooyo iyo gabood falada ay geeysanayaan Shabaabka maxaa yeelay qof waliba waxaa laabtiisa ku taagan,in halku dhiga Shabaab yahay “Xabsi malahin Xabaal Mooyee”
Halku dhiga Xabsi maleh Xabaal mooyee,uma baahna fasiraad dheer,waana tan wadaniyiintii isku celin jiray gudaha dalka,ku gaajeeysan yihiin dalalka la deriskaa Somalia.
Waxaa la is hortaagay howlihii bini aadnimda ee hay’adah gargaarka ka dib markii
si aan qarsodi ahayn ay koxdan uga dhawaaqday in ay mamnuuceen samafalkii hay,adaha QM U fidinayeen dadka ay guryahooda qoriga caaradiisa kaga eryeen,ee ku dhibaateeysan geedaha hoostooda iyo guryaha ka sameeysan cooshadaha.
In ka stoo ay tani noqoneyso dambi weyn oo laga galay dadka u baahan gargaarka ee ku macluulsan daafaha magaalada Mogadishu iyo gobolada somalia hadana Waxyabahaan oo dhami waxeey dhacayaan xili ey wali shaqeyneyso xukun maxkamadeed habeen barka dacwadeeda la qaado oo kooxda alshabaab ay ku cadaadiso dadka rayidka ah ee aan ku lugta laheyn dagaalada iyo siyaasadaha xukun marooqsiga Somalia.
Bulshada tabaaleeysan waxay kooxda Al-Shabaab ku ridaa xukuno naxariisada ka fog,diintana waafaqsaneyn sida goowrac,xubna jar jarid,dhagax ku dilid iyo kuwa kale oo la mid ah.
Waa dhacdooyin Macruufa in Saraakiisha sare ee Al-Shabaab ku kacaan falal ku saleeysan dhaca hantida Ganacsatadda Soomaaliyeed oo ay ugu tagrifalaan si Kheeyrul caadiya,hadana weli lama hayo qof loo xiray
Dhacdooyin badan oo taariikhda Somalia galay ayaa jira,waxaana ka mida xukunkii dhagaxa lagu dilay gabadhii 14 jirka ahayd ee Kismayo lagu kufsaday.
Miisaanka Cadaalada wuxuu leeyahay gabadha yaa kufsaday oo Kismayo ka arrimiyo,hadiise falgalmood loo daldalay Caasha Dhuxuloow,oo aan qaangaar ahayn ,maxaa loo waayay xukunka wiilashii kufsaday gabadha yar.
Gurmadkii beesha Caalamka ee bulshada Soomaaliyeed waxaa muuqato in lagu koobay oo keliya sidee loo badbaadin karaa dowladda uu garwadeenkeedu yahay Shariif Sheekh Ahmed.
Ileeyska noo bidhaamaya ee bulshada ka sugeeyso jawi isbedel xambaarsan,waa rajada qura ee Ahlusunna Wal Jameeca laakiin hala yaabin hadii adigoo qabar mooga aad gashid albaab ay ku qoran tahay “Xabsi malahin Xabaal Mooyee”maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inaad afcarabiga isku fiicneeyn.
Hadii aan soo koobo nuxurka faalada wuxuu yahay Al-Shabaab malahan Sheekh Caalima oo ka mida Mashaa’iqda Soomaaliyeed,mana lahan Maxkamad maalin cad shaqeeyso iyo xabsi qofkii dimbi lagu tuhmayo lagu sii gaarsiiyo ilaa xukunka Maxkamadda,sidaasi waxaan uga baxayaa“Xabaal mooyee Xabsi maleh”

By Cilmi Cismaan Faarax boodhari
Boodhari111@hotmail.com

Comments (0)

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu sunna oo la wareegay Luuq

Posted on 19 August 2009 by dadweyne

 

Waaberigii saaka ayaa Ciidamada Isbaheysanaya ee Dowladda iyo kuwa Ururka Ahlu sunna waljameeca waxay la wareegen degmada Luuq ee Gobolka Gedo halkaas oo ay gacanta ku haayen maleeshiyada mayalka adage e ka amar qaadata al qaacida ee shababka loo yaqaano.

Wararka ayaa sheegaya inaan wax iska hor imaad ah anay la kulmin ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu sunna waxayna si fudud kula wareegen degmada luuq.

Labo Maalin ka hor ayay labadan ciidan waxay la wareegen degmada B/xaawo iyagoo ka eriyay shabaabkii xooga ku haystay degmadaas oo ka tirsan gobolka Gedo.

Goobjoogayaal ku sugan Luuq ayaa sheegaya in markii ciidamada dowladda iyo kuwa urur diimeedka ahlu suna soo galeen magaalada dad fara badan isku soo baxeen kuwaas oo ku faraxsanaa in laga dul qaado kooxda shabaab ee dhibaatada ba’an ka geystay somaliya.

Haddaba wixii faahfaahin ah oo ka soo baxa dhinaca luuq wararkeeni soo socda ayaad kala socon doontaan haddii ilaahay yiraahdo.

Comments (0)