Qeeybaha| Qubane

Mukhtar Robow oo qaadan waayay talo u ku badbaado

Posted on 26 July 2009 by dadweyne

Afhayeenki hore ee qoryaaleeyda shabaab aya ku dhow in la dilo isagoo ay iska horyimaadeen wakiilka al qaacida ee Somaaliya Axmed Cabdi Godane oo amray in laga dhigo hubka isla markaana la xiro ama la dilo.

Waxa la amray oo kaleh lix ka mid aheeyd illadiisa iney hubka dhigaan si qasab ah, kadibna weey fuliyeen.

Robow aya ka cabsi qaba inu ku biiro dowlada oo gacan weeyn ku leeyahay Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo horey u uga qabsaday Shabeelada Hoose.

Dad siyaasada u fiirsada aya sheegaya in shabaab dili karaan Robow mar kasta oo macquul ama xilli an fogeeyn.

Godan oo la baxay Mukhtar Cabdalla Abu Subeeyr aya aad u fogeeyay Robow oo waliba loo adeegsaday dad ay isku beel yihiin. Sababaha lagu xumeeynayo Robow waxa ugu weeyn isaga oo ogolaaday in laamaha samafalku ka shaqeeyaan Bay iyo Bakol.

Sidoo kaleh waxa si kordheeysay sumcada Robow u ku leeyahay shabaab taasi oo ka careeysiisay Godane iyo Ajinabiga diriraya.

Leave a Reply