(sawirkan aya muujinaya mar CMM qabsadeen Hotel Saxafi) – udane Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxweeynaha Ku Meel Gaarka weli waxa dhib ka heeysata in la garto cida la shaqeeysa iyo cida ka soo horjeeda madaama ay jieraan kuwa u dhaxeeya labada dhinaca ee is haya oo ah dowlada oo dhinaca iyo Xisbul Islaam iyo shabaab oo is garabsanaya.
Waxa meel dhex taagan oo koox weli isku yeerta Ciidanka Midowga Maxaakiimta (CMM), waxa ay kooxdu u muuqdaan kuwa an aqbalin in dalka laga dhisay dowlad oo diidan in inti dagaal gali karta in lagu daro ciidamada qalabka sida kuwi ganacsato aha howlahoodii ku laabtaan, inti xirfad kaleh taqaan waa ineey shaqooyinki dagaalka ka hor ay ku shaqeeysan jireen ku noqdaan.
Mahacan midowga waxa la baxay maxkamado beeleed ee ka jiray Muqdisho, dalkuna inta waa ka weeynyay. Dagaal ayaa looga kala qaxay oo hal beel ayaa u hartay inta badan, waxa la raba in ummadu isku timaado looma baahna cansuriyad magac diimeed lagu qwarinayo.
Haddise cimaamad la wada qaato ee madaxnimo nooca cusub la raadsado waa arrin dhib badan ay ku jiro.
Waxa la yaab leh inaad tiraahdiin waxaan nahay ciidan balse ma labisan doono direeyska dowlada iyo inaad tiraahdid ciidanki hore dowladu waa xaaraan.
CMM waa in la fahmo iney ka mid yihiin dagaaladi sokeeye ee ka dhacay Somaaliya, markaa in xalka ay ka mid noqdaan waa ineey nabada u hiiliyaan oo ay ku biiraan xoogag nabada raadinaya ee ka hortagaya dhibaatada ka imaneeysa shabab iyo al qaacida.
Haddise ay gooni isku taagaan waxay kalifayaan in ayagana lala dagaalamo xiligooda.
Maxkamado guud ahaan ma yeeshsaan ciidan u gaar ah balse waxa fuliya go’anada garsoor ee maxkamadaha ciidanka jira ee dalka, sidaas darteed riyoda ah iney ka baxsanaadaan hanaanka dowlada oo ay ciidan beeleed ahaadaan waa arrin an suuragal aheeyn.
Ciddanka midowga maxaakiimtu ka badan 80 boqolkiiba waa hal beel markaa waa la yaab in ciidan noocaasi dalka ka jiro. Markaa in dalka u ka jiro ciidaan beeleed magac diina la huwiyay ee lagu daray in yar oo jareer weeyne ah iyo xubno kaleh la ogolaan doono iney ka jiraan Somaaliya.
Madaxweeyne Shariif ma dooran hal beel marka haddi lagu fikiro ciidan reer u badan maha mid lagu xukumi karo Somaaliya.
DAlalks Somaaliya gacanta siiyaana ma oglaan doonaan ciidan si gaar u dhisan oo ka baxsan macanaha dowladnimo, shargia iyo kala dambeeynta.
Waana in la ogaada badanka shabaab iyo xisbul islaam waxay ka yimaadeen maxkamadaha.
Somaaliya macnaheedu maha iney tahay hal degaan ama beel ku wareegsan Muqdisho.
Baahida loo qabo in la nidaamiyo CMM waa baahi deg deg ah. Dadka Somaaliyeed ma sugi karo bombo mar kaleh ku qaraxda.
Cabdi Seed Ibrahim
Gaalkacayo





