Shabaabka ayaa keenay Somaliya Falsafad cusub oo waddo aan dheereyn loo marayo Janada halkii ay u baahnaan jirtay adkeynta xubnaha aasaasiga ah ee Diinta sida kuwa waajibka ah iyo sunno dheeri ah. Haddii ay dhab ahaan laheeyd oo uu yeelan lahaa macno run oo ku saleysan Caqiiqda aan aaminsanahay ee Diinta baaqooda Janada ku aadan waxaa uu noqon lahaa mid la soo dhaweeyo. Maleeshiyada Shabaab iyo kuwa hor booda waxay yiraahden Adduunka waxaad doonta ku samee,marka aan meel kuu dirno is qarxi Janadaadi waa hubaal anagana ka marag ah. Maleeshiyooyin hore oo ifka ku geystay fal kasta oo ka dhan ah Bani’adanimada iyo shareecada Islaamka ayaa in yar oo kooban kor u soo gaabiyay surwaalkooda,waxay la baxeen gar yar yar, dushana waxay iska saareen koofiyad aan ahayn sunno dhameystiran,afkana waxay ka xafideen eriyo ay ka mid yihiin Subxaanalaah, Maasha Alllah, Aqwaano iyo kuwa oo u muujin kara qaar diinta wax ka yaqaana marka uu hor yimaado qof lahayn aqoon ballaaran ee diimeed balse iska niyad furan. Haddii Janadu ay kaa xigto kursi baabuur lagugu xirxiro laguna hoos geliyo bambooyin aad isku qarxiso,hadii aad qarxin weydana lagu daba dhigay qofkii ku qarxin lahaa Janada loomaba dejiyeen sababo lagu galo diimeed. Dadka ku dhinta qaraxaga aad sameyso ee aan ku jirin dadkii aad uga talagashay ma jano ayaa isku arki doontaan mise meel kale. Sideed Jano u wada galeeysaan, iyagi la dulmiyay Ilaahooda waxay ka rajeeynayaan naxariis, adiga dileyna maxaad rabta. Waxa jira ineey ku doodaan dad gaar ayaa la rabay oo kuwa kaleh waxay ku dhinteen si an bareer aheeyn oo aya lama raadsaneeyn. balse waa la oga iney goobta joogeen. Ineey dad rayad ah oo an dagaal ku jirin ku dhintaan rasaas baadi waa arrin laga xumaado marka ay ka dhacdo meel kasta oo dunida ah. Cidii dagaal u sabab ah aya masul ka ah. Somaaliyana dagaalka ka jira waxa u sabab ah shabaab oo diidan in xiliga ku meel gaarka ah u dhamaado. Dowlada jirta qabka l;agu so dhisayna waa mid aad fool xun balse waa mid ku kooban wakhti gaaban Iyaga waa la hubaa in ay dishay gacan ka gardaran oo ay u dhaw yihiin Ahlu Jano balse adigo Jano aad galaysa ma jirtee waxaa ay ku siiyaan ayaad leedahay kuwa Shabaab ee ku soo diray ee adigu kuu adeegsaday sidii waxyaabaha qarxa ee iyagana u nool in ay kaa daba hadlaan oo ay kaa soo daba diraan dhawr Sawir oo ay ku dul qoran yihiin “Shahiid Waaye Allaha ka Aqbalo.” Waxaad dilaysaa naftaada iyo naf kale oo wax ay kuu dhintay aanun jirin oo Ilaahayna kaa xaarantimeeyay inaad dhiigooda daadiso,waxaa ka maqan tahay waalidkii ku dhalay ama haddii ay jiraan kuwa adiga dhashay ee kama maqnid kuwa adiga ku soo diray ee kugu faanaya markaad is disho ee qof walba ku leh waxaan kuu soo dirayaa kuwa is qarxiya marka ay cabsi gelinayaan cadawgooda Siyaasadeed. Dib u fiirso, dadkii is qarxiyay ee qoysaska lahaa, sida ay u nool yihiin, kuwii aad ka tagtay dadka ayaa loo bariyaa lacag ama cuno iyadoo la leeyahay nin Shahiid ah ayaa dhalay ee sadaqo soo siiya. Kuwii ay dhaleen Axmed Cabdi Godane, Mukhtar Robow Cali “Abumansuur, Xasan Dahir waxay ku nool yihiin dibadda ama gudaha ayay ku haystaan noolal ka tayo fiican kuwa carruurtooda loo tuugsanayo. Carruurta uu dhalay Xasan qabqable dagaal Xassan Cabdullahi “Turki” iyo kuwa la xididka ah askarta ayay xukumaan oo goobo aad u xuna looma diro, mana jiro hal qof oo hogaamiye ah oo caruurtiisa u diray in ay is qarxiyan, sidaas darteed ayaa laga dhiganin bamboo dadka lagu tuuri kadibna lagu faano ee wax ka baro taariikhda dhacday. Ibraahim Sheekh Maxamed Dimishiq, Suuriya





