Keeydka | July, 2009

Kooxda qeeybsan ee al qaacida maxeey ku tari Somaali dhibaateeysan

Posted on 27 July 2009 by dadweyne

Qoryaaleeyda shabaab maxeey tari karaan dad u baahan, cunto, daawo, hooy, biyo iyo nabad dalkooda u baahan yahay 20 sano.
Waxa ka jira Afqaanistaan iyo qeeybo ka mid ah Baakistaan khilaaf u dhaxeeya askarta al qaacida ee halka ku timid fikrado kala duwan.
Al qaacida waa urur wakhtigiisi dhamaaday oo an rajo laheeyn dhibna ku haya dalal Muslim ah sida Afqaanistaan, Baakistaan, Ciraaq, Indooneeshiya iyo dalal kaleh sida algeeriya.
Waxa ay dilayaan dadka sunniyiin ah ee ciraaq iyo qaraxyayna u geeysta shiicada dalkaasi. Waxa jira oo kaleh in khilaaf weeyn u dhaxeeyo xubnaha al qaacidada Masar ka soo jeeda iyo Sucuudiga.
Waxaana lagu muransanyahay nolosha horjoogihi hore al qaacida Cusaama bin laaden

Comments (0)

Shuban calooleed dhib ku haya xarunta tababarka raas kombooni

Posted on 27 July 2009 by dadweyne

Saddex ka mid ah askarta ay shabaab ku tababarayeen ayaa la sheegay ineey u dhinteen shuban biyood ku xoogan mid ka mid ah xarumaha tababarka ee raas kombooni ee u hogaamiyo askariga  howl gabka ah Xassan Cabdullahi Turki.

Sadeexd dhintay waxay ka soo jeedeen beelaha digil iyo mirifle oo tababarka aad ugu jira isla markaana an helin daryeel fiican sida kuwa beelaha kaleh.

Sidoo kaleh xaruntaa waxa ku badan qaaxada oo dishay in badan, ila hadda lama hubo in dadkaasi cudurka qaaxada ka qaadaan xarumaha iyo ineey horey ula yimaadeen.

Tababarka waxa ku jira qeeybo an casri aheeyn ee u dhigma jirddil sida u sheegay C Salaaad oo lagu soo tababaray xarumahaasi balse ka baxay howlahaas oo ku sugan Dubai.

Cali Ibrahim

Dubai, Somaaliya

 

Shuban colooleed dhib ku haya xarunta tababarka raas kombooni

 

Saddex ka mid ah askarta ay shabaab ku tababarayeen ayaa la sheegay ineey u dhinteen shuban biyood ku xoogan mid ka mid ah xarumaha tababarka ee raas kombooni ee u hogaamiyo askariga  howl gabka ah Xassan Cabdullahi Turki.

Sadeexd dhintay waxay ka soo jeedeen beelaha digil iyo mirifle oo tababarka aad ugu jira isla markaana an helin daryeel fiican sida kuwa beelaha kaleh.

Sidoo kaleh xaruntaa waxa ku badan qaaxada oo dishay in badan, ila hadda lama hubo in dadkaasi cudurka qaaxada ka qaadaan xarumaha iyo ineey horey ula yimaadeen.

Tababarka waxa ku jira qeeybo an casri aheeyn ee u dhigma jirddil sida u sheegay C Salaaad oo lagu soo tababaray xarumahaasi balse ka baxay howlahaas oo ku sugan Dubai.

Cali Ibrahim

Dubai, Somaaliya

Comments (0)

Dhibaato soo gaartay Shabaabka Madiino ee Muqduisho

Posted on 27 July 2009 by dadweyne

Xoogag Dowlad Somaaliya aya si fool xumo badan uga ceeriyay haraadiga shabaab oo isku dayay ineey dib ugu soo laabtaan degaanka Madiino oo laga ceeyriyay mudo hore hore.

Dagaalkan oo ay ku dhinteen 9 waxa sababay dagal ay soo qaadeen shabaab oo baxsi ku jira oo ku ururaray degaanka Dayniile.

Ilaa hadda waxa jira dhib ku dhacday shabaab oo ah iney ka hareen dad tiro yar kuna dhow marki la fiiriyo hogaanka sare.

Waxa kalo dhacay in shabab ka baxsadeen 3 meeyd Soomali ah.

Shabaabka waxa ay qaadaan meeydka shisheeyaha oo kaliya.

Comments (0)

Mukhtar Robow oo qaadan waayay talo u ku badbaado

Posted on 26 July 2009 by dadweyne

Afhayeenki hore ee qoryaaleeyda shabaab aya ku dhow in la dilo isagoo ay iska horyimaadeen wakiilka al qaacida ee Somaaliya Axmed Cabdi Godane oo amray in laga dhigo hubka isla markaana la xiro ama la dilo.

Waxa la amray oo kaleh lix ka mid aheeyd illadiisa iney hubka dhigaan si qasab ah, kadibna weey fuliyeen.

Robow aya ka cabsi qaba inu ku biiro dowlada oo gacan weeyn ku leeyahay Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo horey u uga qabsaday Shabeelada Hoose.

Dad siyaasada u fiirsada aya sheegaya in shabaab dili karaan Robow mar kasta oo macquul ama xilli an fogeeyn.

Godan oo la baxay Mukhtar Cabdalla Abu Subeeyr aya aad u fogeeyay Robow oo waliba loo adeegsaday dad ay isku beel yihiin. Sababaha lagu xumeeynayo Robow waxa ugu weeyn isaga oo ogolaaday in laamaha samafalku ka shaqeeyaan Bay iyo Bakol.

Sidoo kaleh waxa si kordheeysay sumcada Robow u ku leeyahay shabaab taasi oo ka careeysiisay Godane iyo Ajinabiga diriraya.

Comments (0)

Dhimashada bin laden oo aad loga hadlayo

Posted on 26 July 2009 by dadweyne

CORRECTION AL QAIDA BIN LADENWarbixin laga helay sirdoonka Masaarida aya asheegay inu dhintay hogaamiyihi shabakada al qaacida ee cusaama bin laaden.
Waxa ay warbixintu sheegatay inu dhaawac culus qabay ninkaasi laba bilood ka badan.
Warkani waxa u ka dambeeyay marki u sii kordhay khilaafka madaxnimo doonka ah ee u dhexeeya bin laaden iyo Zawaahiri oo ku xigeen u ahaan jiray marki ay shabakadoodu nooleeyd.
Xubnaha Masaarida ee ka tirsan shabakadan dagaalka u dhisan aya rabay iney la waregaan madaxnimada marki caafimaadka bin laden u xumaaday sidoo kalena taageeradi Sacuudiyiintu u hayeen al qaacida.
Weerarka ka dhanka ah binlaaden waxa u ka dhacay marki laguweeraray gobolka dhibaatadu ka taagantahay ee wassiristaan koonfurtiisa sida ay warbixintu sheegtay.
Saddex billod ee u dambeeysay si gaar ah aya waxa u illalinayay Sacuudiyiinta kooxda ka tirsan Baakistaaniyiin la ijaartay si ay bin laaden ugu badbaadiyaan Masaarisa isla koxda ka tirsan.
Haddi warkani rumoobo waxa arinkani waxa ka badali doona nabada aduunka.
Saraakil Baakistaan iyo xaqiijiyay balse Sacuudiyiinta aya sheegay khilaaf jiray inakasta oo sheegeen in warkan ay weli baarayaan.<

Comments (1)

Dhalinta ka timid Amerika oo safka hore dagaal lagu qasbayo

Posted on 13 July 2009 by dadweyne

Kooxda dagaal ka wada Somaaliya ee shabaab aya carrurta ay ka soo kaxeeyeen Mareeykanka iyo reer galbeedka kele ku qasbaya iney safka hore galaan marki dirirtu socoto si ay danahooda militari ugu gaaraan ama dhalintani oo ka shaki sanyihiin u dhamaadaan.
Waxa ka mid ah Jamal Bana oo meeydkiisa loo soo bandhigay shisheeye ahaan, marki askarta dowladu dileen wiillka 20 jirka ah ee sida fooshaxun loo geeyay meel shabaabku ku itaal daran yihiin.
Inta badan koox dhalin ah ee ka tagay America aya hadda waxa ay waayeen si ay u soo baxsadaan.
Waxa markiiba laga qaada Baasborka iyo wixi kaleh ee aqoonsi ah si anay u baxsan, waxa la geeya meel dagaal culus ka jiro oo an laga talaabi karin.
Sidoo kaleh isgaarsiin looma ogola, nin ka mid ahaa shabaabka oo la yira Ibrahim kana baxay kooxda aya horay u sheggay in dhalintaasi la mid yihiin maxaabiis lagu shaqeeysto.
Waxa waajib ah in qof kasta u ka baqo wixii an dani ugu jirin loona fakaro sidi dhalinta an wali la dilin loo soo ceeymin laha.
Fadlan soo qor wixi ad ka qabto sidi loo caawin laha dhalinyarda maqan ee ku jirta gacanta shabaab iyo sidi kuwa kaleh looga illalin laha dhibtaas.
Dadweyne@gmail.com

Comments (1)

Qaar Ka tirsan askarta dowlada iyo shabaabka oo Ku tartamaya BOOB

Posted on 10 July 2009 by dadweyne

Xubno ka tirsan ciidanka dowlada ku meel gaarka aya dhac ka geeysanaya xaafado ku yaala magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Wadajir, dhacaas oo lagu qaadanayo wax kasta ee gacantu qabato ee gooyn kara hanti, sida waxa cadeeyay dadweeyne la wareeystay ee ku nool degaankaasi.
Askarta dowladu waxa xataa ay qaateen cunto loo wado dad masaakiin ah oo guryahooda loo wado, dhar iyo lacag oo an wax qiimo badan an laheeyn.
Dhinaca kaleh, maliishiyada shabaab aya dhinaca woqooyiga Muqdisho ka wada boob baahsan oo lala beegsaday ha’adaha an dowladiga aheeyn.
Shabaabka dhacoodo waxu u badan yahay combuterda, dab-dhaliyayaasha, daawooyniks iyo wixi kaleh ee qiimo badan gooynaya. Dhaca shabaabka waxa u dambeeyay kii loo geeystay urur samafal ee ka howla gala Muqdisho ee ku tilmaaman waxabarashada iyo horumarinta ee loo yaqaan CED.
Dowlada waa ciidamadeeda u sheegta in boobka yahay mid ka dhan ah sharciga dalka iyo midka guud ee adduunka, haddi ciidamadu u dhaqmaan si fool ee dadwyynahu ka xumaadaan waxa dhici karta in taageerada shacabku u jeedsato kuwa ka soo horjeeda.
Madaxa ciidanka iyo kuwa kalegh ee dowladu waxay noqonayaan qaar illaalin kari waayay shacabki ay xukunkiisa sheegteen.

Comments (0)

Maxa la yira Ciidanka Midowga Maxkamadaha Islaamka (CMM), balse ayeey u shaqeeyaan?

Posted on 08 July 2009 by dadweyne

(sawirkan aya muujinaya mar CMM qabsadeen Hotel Saxafi) – udane Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxweeynaha Ku Meel Gaarka weli waxa dhib ka heeysata in la garto cida la shaqeeysa iyo cida ka soo horjeeda madaama ay jieraan kuwa u dhaxeeya labada dhinaca ee is haya oo ah dowlada oo dhinaca iyo Xisbul Islaam iyo shabaab oo is garabsanaya.
Waxa meel dhex taagan oo koox weli isku yeerta Ciidanka Midowga Maxaakiimta (CMM), waxa ay kooxdu u muuqdaan kuwa an aqbalin in dalka laga dhisay dowlad oo diidan in inti dagaal gali karta in lagu daro ciidamada qalabka sida kuwi ganacsato aha howlahoodii ku laabtaan, inti xirfad kaleh taqaan waa ineey shaqooyinki dagaalka ka hor ay ku shaqeeysan jireen ku noqdaan.
Mahacan midowga waxa la baxay maxkamado beeleed ee ka jiray Muqdisho, dalkuna inta waa ka weeynyay. Dagaal ayaa looga kala qaxay oo hal beel ayaa u hartay inta badan, waxa la raba in ummadu isku timaado looma baahna cansuriyad magac diimeed lagu qwarinayo.
Haddise cimaamad la wada qaato ee madaxnimo nooca cusub la raadsado waa arrin dhib badan ay ku jiro.
Waxa la yaab leh inaad tiraahdiin waxaan nahay ciidan balse ma labisan doono direeyska dowlada iyo inaad tiraahdid ciidanki hore dowladu waa xaaraan.
CMM waa in la fahmo iney ka mid yihiin dagaaladi sokeeye ee ka dhacay Somaaliya, markaa in xalka ay ka mid noqdaan waa ineey nabada u hiiliyaan oo ay ku biiraan xoogag nabada raadinaya ee ka hortagaya dhibaatada ka imaneeysa shabab iyo al qaacida.
Haddise ay gooni isku taagaan waxay kalifayaan in ayagana lala dagaalamo xiligooda.
Maxkamado guud ahaan ma yeeshsaan ciidan u gaar ah balse waxa fuliya go’anada garsoor ee maxkamadaha ciidanka jira ee dalka, sidaas darteed riyoda ah iney ka baxsanaadaan hanaanka dowlada oo ay ciidan beeleed ahaadaan waa arrin an suuragal aheeyn.
Ciddanka midowga maxaakiimtu ka badan 80 boqolkiiba waa hal beel markaa waa la yaab in ciidan noocaasi dalka ka jiro. Markaa in dalka u ka jiro ciidaan beeleed magac diina la huwiyay ee lagu daray in yar oo jareer weeyne ah iyo xubno kaleh la ogolaan doono iney ka jiraan Somaaliya.
Madaxweeyne Shariif ma dooran hal beel marka haddi lagu fikiro ciidan reer u badan maha mid lagu xukumi karo Somaaliya.
DAlalks Somaaliya gacanta siiyaana ma oglaan doonaan ciidan si gaar u dhisan oo ka baxsan macanaha dowladnimo, shargia iyo kala dambeeynta.
Waana in la ogaada badanka shabaab iyo xisbul islaam waxay ka yimaadeen maxkamadaha.
Somaaliya macnaheedu maha iney tahay hal degaan ama beel ku wareegsan Muqdisho.
Baahida loo qabo in la nidaamiyo CMM waa baahi deg deg ah. Dadka Somaaliyeed ma sugi karo bombo mar kaleh ku qaraxda.

Cabdi Seed Ibrahim
Gaalkacayo

Comments (0)

Odaysha Beesha Absame oo ka shiraya Xassan Turki

Posted on 07 July 2009 by dadweyne

Xubno ka tirsan dhaqanka beesha Absame iyo waxgarad ka soo jeeda tolweeynahaas aya shri uga billabmi doona meel ku dhow Afmadow kadib marki u mudo dheer degaankaas afduub ku soo heeystay Xasan Cabdullahi Faarax oo loo yaqaan Xassan Turki, shirka waxa u billabmi doona bish Augut 15.
Sidaa waxa sheegay xubno ku howlana isku duba ridka howshan oo ku jiray diyaargarow kadib marki xuno qurbo joog ah ee ka tirsan Absame ay qureen saadka ku baxaya kulankaas.
Shirka lama oga inta u socon doono balse waxa aganda u ah sidi maamulka shabaab looga qaadi laha Kismayo oo muddo dheer si sharci daro ah ku xukumayay degaankaas.
Waxa kalo la sheegay in Turki loo soo jeedin doono inu xil qaran ka raadsado caasimada Muqdisho oo u ka baxo jubooyinka.
Turki aya isku magacaaba ninka xukma dhulka jubooyinka iyada oo an cid u dooraty jirin.
Balse waxa lagu eedeeyay inu Kismayo u ku wareejiyay dad anu ka qaadi karin oo isga anaqoonsaneeyn.

Comments (0)

Wiilki la waalay ee naftiisa haleeyay, dadna dilay

Posted on 06 July 2009 by dadweyne

Waxa nasiib darro ah in qof loo sheego war an run aheeyn oo ku dhaqaaqo wixi loo sheegat isaga oo an baarin.

Fadlan noo soo dir waxaad ka qabtaan wiilki isku qarxiyay Baladweeyne ee dilay dad badan isaguna dhintay, maxaad qabtaa falaka noocan ah. Waa Maxamed Deerow Aden.

Fadlan u soo dir

dadweyne@gmail.com

Comments (0)

Khudbad waali u badan oo u jeediyay Godane

Posted on 06 July 2009 by dadweyne

 

Khubadan oo laga soo guuriyay booga ay shabaabku ku sheegtaan gardarooyinka ay rabaan ayaad ka fahmi karta in Axmed Cabdi Godane u hadlo dad an Somaaliy aheey.

Waxa kaleh oo ad fahmi karta in khudbadan in si cad looga tarjumay af labaad ee bal akhriso

Waatan khudbadi sidi u sheegay

Sheekh Mukhtaar Auzubeyr Xafidahullah ayaa kalimadiisa ku bilaaway inay fashil weyn ku yimid duulaankii ay qaadeen gaalada Is bahaystay ee ay ku qaadeen wadamada islaamka Alle SWT wuxuu u balanqaaday umada muslimiinta ah inuu Arlada makansiinayo iyagauna ay ku danbeeyn doonaan hanashadeeda iyo ku noolaashaheeda.

Sanadkii 2001 Mareeykanka waxeey ku duuleen Dalka Islaamka ah ee afgaanistaan iyagoo doonayo iney jiridgooyaan Koox Mu’minad ah oo yar oo mujaahidan ah Halku dhiga mareeykanka oo uu kor u qaaday waxa uu ahaa halkudhig uu fircoon hogaankoodii uu horay u yiri.

Alle Subxaanahu watacaal wuxuu yiri,

Fircoon waxa uu ku sheegay Muuse iyo dadkii raacay iney ahaayeen koox yar oo fara ku tirisah oo markaa ah in laga taqaluso .

Maraykanku 2003 mar labaad waxa uu ku duulay Ciraaq, 2006 Itoobiyaankana waxey ku soo duuleen Soomaaliya, Gaaladu waxba lama ay harin xoog iyo xeelad Af iyo adin waxaa hada isweeydiin leh natiijadu maxeey noqotay Sideed sano ka dib.

Mujaahidiinta Daalibaan oo intooda badan ka taliya koonfurta dhaalibaan waxey aagag hor leh ka fureen koofurta Baakistaan meel wax yar u jirta caasimada baakistaan mujaahidiinta caalamka , Mulla Cumar, Shiikh Usaama, Shiikh Eyman Al dawahiiri oo wali nool gaaladan la jihaadaya ciraaq oo mareeykanka ku naafoobay Tikreega soomaliya ku hoobtay sandulana kakga baxay.

Dowladii Ridada oo loogu talaglay iney tigreega badasho oo burbur qarka u saaraan.

Arrimahaas oo dhan waxeey tilaan u yihiin in xiligii gaalada reer yurub majaaraha dunida u hayeen uu gabagaba yahay, Waa cusub oo Dowladnimo Islaam oo toosanina uu dilaacay Waana tii RSCS uu Inoogu bishaareey Khilaafatu Calaa Minhaaju Nubuwah.

Arrimahaas oo leeysku darayna ayaa ka keenay madaxweeynaha mareeykanka kana yeersiiyay inuu ku hadaaqo isagoo doonayo inuu khaldo Umadda Muslimka.

-Dhagihii Fureeysnaa baaruud malagu furay
-Isticmaarku Fiix iyo Fin Caloosha kaga yaal

Maanta Waxaa muuqata dunida daafaheeda oo dhan inuu ka aloosan yahay Jihaad Islaami ah oo hadafkiisu yahay Alle SWT kaligiis in arlada guudkeeda lagu caabudo.

Waxaa is qabsaday halgankii Jeejniya ilaa Aljeeriya dhanka kalena Turkistaan Ilaa Yaman

Haddii aan u soo noqono Dowlada ridada ee maanta lig liganeeysa waxey aheyd

Mu’aamarad ay gaaladu isugu yeereen dhamaan awoodooda oo dhan mid dhaqaale iyo mid siyaasadee.

Waxaa laga soo shaqeeynayay mudo dheere waxase alle subxaanahu watacaalaa uu ku fashiliyay mudo yar ayaga iyo daba dhilifkoodii tigreega meesha kaga tagay.

Waxaa kaloo muuqatay araxan daradoodii taasoo ay astaan u tahay madaafiicda sida joogtada ee habqanka ah Umada Muslinka ah loogu soo tuurayay .

Sidoo kale waxa ka feeydmay dhamaan wixii diin ahaa ama dadnimo kale ahaa ee ay ku gambanayeen .

Dowladaa Ridadu waa dowlad baadhil ah oo xaqdaro ku dhisan Alle SWT waxaan ka baryeeynaa.

-Raboow magac dowladeed

-Dowlada ridada xaalada hada ay ku jirto waxaa kaliya ee furan laba wado iney isku badbaadiso

1- Wadada hore waa iney ugu baaqaan wada hadalo ayaga oo adeegsanayo wadaad xumo iyo oday dhaqmeed arrintaan waxaan u sheegeynaa mujaahidiinta iney ogaadaan oo aaney ku kadsoomin, waa iney ogaadaa iney tahay dariiqii ridad u horseeyday kooxda ay hada la jihaadayaan.Waxaanad ogaataan qof murtad ah iyo koox ridoowday heshiis inaan lalagali Karin magangalyana la siin Karin . Imaamu Ibnu Taymiya ayaa aad uga hadlay Fataawigiisa mujaladka 28aad .

2-Wadada labaad ee u furan waa iney sameeyaan isa soo dhiibid aan Qorsheeysan oo aan qarsooneyn Iyagoo gabaad ka dhiganya iney qaladkoodii garowsadeen wixii ciidan ahaa ee safka cadawga ku jiray waxaan ugu baaqeynaa iney towbad keenaan ciidanka hubkana ay mujaahidiinta ku warejiyaan, lagamana ogolaan doono iney hubka sii haaystaan, Waxey haaystaan fursad yar oo shan maalmood ah iney kagaga baxaan safka cadowga .

Dhanka kalena Madaxda sar sare dowlada Ridada waxaa la soo taagi doonaa Maxkamad Islaami ah waxaana lagu qaadi doonaa danbiyada ay Ummada Islaamka ah u geeysteen iyo Allaah SWT, sida xasuuqa ay umada u geeysteen keenida dowladaha shisheeye, Qiyaamada Ummadeed oo ay ku kaceen.

 

 

 

BAAQA SHACABKA

 

 

Ugu dambeeyn Ummada Mislimka ah ee soomaaliya waxan u sheegeynaa ineey u diyaar noqdaan ku dhaqanka shareecada Alle iyo Dowlada Islaami ah, waa dowlada ku dhisan Cadaalad iyo walaatinimda Islaamka, WAa dowlada ku qotanta Kalimatu Towxiid.

Kalimada Sheekha oo aad u dheereyd ayaa inoo suura gali weyse inaan qoraal ku soo koobno waxaan aqristayaasha ka raali galinaynaa inaan wada dhamaystiri weyne kalimada sheekha kalimada iyadoo dhamaystiran ka dhagayso hoos.

-Intaan dugsaneeyn.yaqiin

-Raboow Dumi waa Hungee

-Dastuurada baadilkaa

-Intaan Xaqa daafaceen

-ka yeel danbas Waab dhex yaal

-Meeys yiri kafara xalo nabarkii ma sii fiday

-Sida furuq Tin iyo Cirib Maku faafaaha xidida

-Ma Fariistay dhuunta iyo meelaan farsamo galin

Comments (0)

Shabaab oo biliqeeystay xarun samafal

Posted on 06 July 2009 by dadweyne

Dableeyda shabaab aya bililiqo xoog badan ku qaaday Xarunta Waxabarashada iyo Horumarinta ee Muqdisho, CENTER FOR EDUCATION AND DEVOLOPMENT (CED), iyagoo oo boobay wixi lahaa qiimo lacageed, waxa sheegay dariska hayada. Shabaab waxa ay qaateen combutaro iyo alaab xafiis oo loogu adeegi jiray dadka laga caawi xaga waxbarashada iyo quudinta. Marki hore waxa iska dhigeen dad wax baaraya balse muddo yar kadib wax kasta waa ay qaateen. Dad ka ganacsada bakaaraha ay sheegay in alaabti lagu iibiyay qeeybta cabdalla shideeyae ee marti galisa alaabta la soo xaday iyo kuwa la iska iibinayo marki qofka ay baahi qabato. Rag cumaamado wata aya qalabka iibinayay. Waxaeyna sheegeen in dad gaalada u adeega ay lahaayeen alaabtan oo loo qaatay qaniimo (xalaal hanti ah in la qaado). Marki ay soo galeen xarunta oo ku taala waqooyiga Muqdisho waxay qabteen dadki ka shaqeeynayay oo qaar ka mid ah si fool xum u jir dileen, ila haddana an la garaneeyn halka ay geeysteen laba ka mid ah shaqaalahaas. Dadka degaanka oo cabsanaya iney si cad u hadlaan ay cambaareeyay ficilka tuugada ah ee shabaab ku dhaqaaqeen iyagoo sheeganaya dad diinta Islaamka ku dhaqma. Xarunta waxa taakuleeyn jirtay kumaam kun Somaali ah ee baahan. oo biliqeeystay xarun samafal Dableeyda shabaab aya bililiqo xoog badan ku qaaday Xarunta Waxabarashada iyo Horumarinta ee Muqdisho, CENTER FOR EDUCATION AND DEVOLOPMENT (CED), iyagoo oo boobay wixi lahaa qiimo lacageed, waxa sheegay dariska hayada. Shabaab waxa ay qaateen combutaro iyo alaab xafiis oo loogu adeegi jiray dadka laga caawi xaga waxbarashada iyo quudinta. Marki hore waxa iska dhigeen dad wax baaraya balse muddo yar kadib wax kasta waa ay qaateen. Dad ka ganacsada bakaaraha ay sheegay in alaabti lagu iibiyay qeeybta cabdalla shideeyae ee marti galisa alaabta la soo xaday iyo kuwa la iska iibinayo marki qofka ay baahi qabato. Rag cumaamado wata aya qalabka iibinayay. Waxaeyna sheegeen in dad gaalada u adeega ay lahaayeen alaabtan oo loo qaatay qaniimo (xalaal hanti ah in la qaado). Marki ay soo galeen xarunta oo ku taala waqooyiga Muqdisho waxay qabteen dadki ka shaqeeynayay oo qaar ka mid ah si fool xum u jir dileen, ila haddana an la garaneeyn halka ay geeysteen laba ka mid ah shaqaalahaas. Dadka degaanka oo cabsanaya iney si cad u hadlaan ay cambaareeyay ficilka tuugada ah ee shabaab ku dhaqaaqeen iyagoo sheeganaya dad diinta Islaamka ku dhaqma. Xarunta waxa taakuleeyn jirtay kumaam kun Somaali ah ee baahan.

Comments (0)

Maleeshiyada shabaab oo gaaray xarunti gaadiidka hore ee Booliska

Posted on 02 July 2009 by dadweyne

 Dableeyada shabaab iyo kuwa daba socoda ee xisbul Islaam aya soo gaaray xarunti hore ee gaadiidka Booliiska ee waqooyiga Muqdishi si ay ugu soo dhowaadaan guriga Villa Somaaliya ee ay degaan madaxweeynayaashu, sida ay sheegeen dad ka nool degaanka oo u waramay dadweyne.com

Labada kooxood oo ay weheliyaan dagaalyahano shisheeye aya si xoog u dagaalmay balse uma suurta galin ineu halkaa soo dhaafaan.

Saraakiisa Dowlada aya sheegay ineey aad u fogeeyeen cadowga soo weeraray balse arinkaas lama xaqiijin karo.

Shabaab oo lagu tiriyo koox an laheeyn qorshe siyaasadeed ee wadani ah waxay gacan saar la leeyihiin shabakada al qaacida.

 

M Cabdulahi

Muqdisho

Comments (0)

Waxaad doonta samee, is qarxi kadibna Janada iska gal, aragtida shabaab

Posted on 02 July 2009 by dadweyne

Shabaabka ayaa keenay Somaliya Falsafad cusub oo waddo aan dheereyn loo marayo Janada halkii ay u baahnaan jirtay adkeynta xubnaha aasaasiga ah ee Diinta sida kuwa waajibka ah iyo sunno dheeri ah. Haddii ay dhab ahaan laheeyd oo uu yeelan lahaa macno run oo ku saleysan Caqiiqda aan aaminsanahay ee Diinta baaqooda Janada ku aadan waxaa uu noqon lahaa mid la soo dhaweeyo. Maleeshiyada Shabaab iyo kuwa hor booda waxay yiraahden Adduunka waxaad doonta ku samee,marka aan meel kuu dirno is qarxi Janadaadi waa hubaal anagana ka marag ah. Maleeshiyooyin hore oo ifka ku geystay fal kasta oo ka dhan ah Bani’adanimada iyo shareecada Islaamka ayaa in yar oo kooban kor u soo gaabiyay surwaalkooda,waxay la baxeen gar yar yar, dushana waxay iska saareen koofiyad aan ahayn sunno dhameystiran,afkana waxay ka xafideen eriyo ay ka mid yihiin Subxaanalaah, Maasha Alllah, Aqwaano iyo kuwa oo u muujin kara qaar diinta wax ka yaqaana marka uu hor yimaado qof lahayn aqoon ballaaran ee diimeed balse iska niyad furan. Haddii Janadu ay kaa xigto kursi baabuur lagugu xirxiro laguna hoos geliyo bambooyin aad isku qarxiso,hadii aad qarxin weydana lagu daba dhigay qofkii ku qarxin lahaa Janada loomaba dejiyeen sababo lagu galo diimeed. Dadka ku dhinta qaraxaga aad sameyso ee aan ku jirin dadkii aad uga talagashay ma jano ayaa isku arki doontaan mise meel kale. Sideed Jano u wada galeeysaan, iyagi la dulmiyay Ilaahooda waxay ka rajeeynayaan naxariis, adiga dileyna maxaad rabta. Waxa jira ineey ku doodaan dad gaar ayaa la rabay oo kuwa kaleh waxay ku dhinteen si an bareer aheeyn oo aya lama raadsaneeyn. balse waa la oga iney goobta joogeen. Ineey dad rayad ah oo an dagaal ku jirin ku dhintaan rasaas baadi waa arrin laga xumaado marka ay ka dhacdo meel kasta oo dunida ah. Cidii dagaal u sabab ah aya masul ka ah. Somaaliyana dagaalka ka jira waxa u sabab ah shabaab oo diidan in xiliga ku meel gaarka ah u dhamaado. Dowlada jirta qabka l;agu so dhisayna waa mid aad fool xun balse waa mid ku kooban wakhti gaaban Iyaga waa la hubaa in ay dishay gacan ka gardaran oo ay u dhaw yihiin Ahlu Jano balse adigo Jano aad galaysa ma jirtee waxaa ay ku siiyaan ayaad leedahay kuwa Shabaab ee ku soo diray ee adigu kuu adeegsaday sidii waxyaabaha qarxa ee iyagana u nool in ay kaa daba hadlaan oo ay kaa soo daba diraan dhawr Sawir oo ay ku dul qoran yihiin “Shahiid Waaye Allaha ka Aqbalo.” Waxaad dilaysaa naftaada iyo naf kale oo wax ay kuu dhintay aanun jirin oo Ilaahayna kaa xaarantimeeyay inaad dhiigooda daadiso,waxaa ka maqan tahay waalidkii ku dhalay ama haddii ay jiraan kuwa adiga dhashay ee kama maqnid kuwa adiga ku soo diray ee kugu faanaya markaad is disho ee qof walba ku leh waxaan kuu soo dirayaa kuwa is qarxiya marka ay cabsi gelinayaan cadawgooda Siyaasadeed. Dib u fiirso, dadkii is qarxiyay ee qoysaska lahaa, sida ay u nool yihiin, kuwii aad ka tagtay dadka ayaa loo bariyaa lacag ama cuno iyadoo la leeyahay nin Shahiid ah ayaa dhalay ee sadaqo soo siiya. Kuwii ay dhaleen Axmed Cabdi Godane, Mukhtar Robow Cali “Abumansuur, Xasan Dahir waxay ku nool yihiin dibadda ama gudaha ayay ku haystaan noolal ka tayo fiican kuwa carruurtooda loo tuugsanayo. Carruurta uu dhalay Xasan qabqable dagaal Xassan Cabdullahi “Turki” iyo kuwa la xididka ah askarta ayay xukumaan oo goobo aad u xuna looma diro, mana jiro hal qof oo hogaamiye ah oo caruurtiisa u diray in ay is qarxiyan, sidaas darteed ayaa laga dhiganin bamboo dadka lagu tuuri kadibna lagu faano ee wax ka baro taariikhda dhacday. Ibraahim Sheekh Maxamed Dimishiq, Suuriya

Comments (0)