Madexweeyne Shariif Sheekh Axmed aya mar kaleh ku celiyay in dalka Somaaliya gaar ahaan caasimaad ay joogaan diriryahano shisheeye oo la safan xoogaga ka soo horjeeda dowladiisa.
“Si muuqata oo la wada arki karo ayay Muqdisho u joogaan dagaalladana uga qeybqaataan, umana baahna in la isweydiiyo in ay dagaalyahanno ajnabi ah joogaan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho,” ayu yiri isaga oo wax daliil ka bixin.
Sharif waxa si weeyun u eedeeyay dalka Eritrea oo u yiri saraakiil ka tirsan aya u qorsheeysa dagaalada ay Xisbul Islaam iyo shabaab ka wadaan Somaaliya.
”Saaxibkey Shiikh Xasan heshiis kuma ahayn in uu dalka keeno dagaalyahanno Ajnabi ah ee waxaan heshiis ku ahayn in aan dalka xoreyno,” ayu yiri Madaxweeyne Shariif.
Hadalkaasi waxa u ka soo horjeeda xaqiiqooyin ka jira dalka Somaaliya sababto ah dagaalhano shisheeye waxay dalka soo galeen 2006 marki maxkamadaha Gudoomiyaha Guddiga Fulinta ka ah Shariifka, Sheekh Xassan Daahir waxa u ahaa Gudoomiyaha Golaha Shuurada.
Madaxda Xisbul Islaam waxey diideen iney ka jawaabaan eddeynta balse waxa ku koobeen hadalkooda inu Shariifku shir jara’id u qabtay kadib marki sida ay “amartay Ethiopia.”






June 29th, 2009 at 12:45 pm
waxan halkaan kacan baareyna tuuga wey ee dhiigii islaamka baneysta xasan daahir
walal ninkaas dalkiisa ayaa waxa lagusiiyaa mushaar inuu bur bursho
taasina waa xayawaanimo runtii sxbyaal