Qeeybaha| Wararka

Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta oo loogu baaqay in ay kulan degdeg ah ka yeeshan Somalia

Posted on 23 June 2009 by dadweyne

Gudoonka Barlamanka dalalka Carabta ayaa ku baaqay in la qabto Shir deg deg ah oo heer wasiiro ah kaasoo ku saabsan xaaladda ka sii daraysa ee ka taagan Soomaaliya.

Afhayeenka Baarlamaanka Carabta Haweenayda lagu magacaabo Hadiya Bin Caamir ayaa ugu baaqday Jaamacadda Carabta iyo Midowga Africa in ay qabtaan kulan deg deg ah oo ah Xeer wasiir arimo dibadeed oo ku saabsan Xaaladda ka sii daraysa ee dalka Soomaaliya.

Somaliya ayaa waxaa ka socda dagaal Jahwareer ku abuuray Shacabka rayidka ah,iyadoo qaar ka mid ah kooxaha dagaalamaya ujeedada dagaalkooda sal uga dhigeen arrimo diimeed.

Waxaa ay ugu baaqday dhinacyada Soomaalida ee kala duwan in ay midoobaan oo ay wadahadlaan islamarkaana meesha ay ka saaraan Khilaafka iyo gacan ka hadalka u dhaxeeya.

“Waa in la dedejiyaa kaalmooyinka dhaqaale iyo mida Samafal ee la siinayo Shacabka Soomaaliyed”ayay tiri Haweenaydan.

Laakiin doorka Carabta ee ku aadan xal u helida Arrimaha Soomaaliya ayaa ah mid xeerkiisu aad u yar yahay, marka aad eegto dadaalka Midowga Afrika ee xal u raadinta dhibaatada Somaliya

Leave a Reply