Qeeybaha| Wararka

Dowladda KMG ah oo magacawday Hoggaanka Ciidamada G/gedo

Posted on 23 June 2009 by dadweyne

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa wareegto ay soo saartay Taliye Cusub waxaa ay ugu magacowday Gobolka Gedo ee koofurta dalka Soomaaliya halkaasi oo intiisa badan ay gacanta ku hayaan xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda jiritaanka Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Shariif Sh Axmed.

Wareegto ay soo saartay Dowladda KMG ah ayay ku sheegtay in loo magacabay Taliyaha Ciidamada Gobolka Gedo ee Dowladda Col Axmed Xasan Farey oo sida la sheegay ku sugan degmada Doolow.

Taliyaha cusub ayaa la filayaa in uu ka qeyb qaato howlgal ay sheegtay dowladda KMG Soomaaliya in ay ka fulinayso gobolka Gedo halkaasi oo ay maamulaan xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.

Magacabista Taliyaha cusub ayaa waxay ku soo aaday xilli gobolkaas ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan Mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamaanka oo ku sugan Doolow

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in howlgalka cusub ee Dowladda ka bilaabayso gobolkaas uu yahay mid qorsheysan oo loola jeedo in gacanta Dowladda galo Gobolkaas oo muhiim u ah Siyaasadda Dowladda maadaama uu deris la yahay dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Leave a Reply