Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan ayaa baaritaano ku bilaabay gaadiidka isaga kala goosha Hiiraan iyo gobolada Dhexe ee soomaaliya.
Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka isaga kala goosha gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya iyo dhulka Soomaalidu ay degto Itoobiya ee isticmaala isgoyska kalabeyr ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamada Itoobiyanka ee halkaasi ku sugan ay bilaabeen in baaran gaadiidka Xamuulka iyo rakaabka saaran ee wadadaasi isticmaala.
Ciidamada Itoobiyanka ayaa la sheegay in aysan waxba u dhimin dadka rayidka ah ee nawaaxigaas ka dhaw balse waxay aad ula socdaan gaadiidka kala duwan ee mara wadada Kalabeyrka.
Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka 3 jeer la baaro laguna baaro 3 goobood oo kala duwan,waxayna qaadanaysaa baaritaankaas muddo saacado ka badan.
Itoobiyanka ayaa soo galay Hiiraan Maalmo kadib markii qarax ay Shabaabku soo abaabuleen lagu dilay Wasiirkii amniga Qaranka Dowladda KMG ah Somaliya Cumar Xaashi Aadan.





