Dablayda Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalka iyo magaca qofkii maalintii khamiistii 18-kii Bishan June isku qarxiyay Magaalada B/weyn, gaar ahaan Hotelka Madiina, falkaas oo lagu dilay dad fara badan oo uu ka mid ahaa Wasiirkii Amniga Marxuum Cumar Xaashi Aadan.
Shabakad Internet oo ay leeyihiin Alshabaab oo la soo dhigay magaca iyo muuqaalka wiilkii isku qarxiyay B/weyn ayaa waxaa lagu faah faahiyay qaabka uu u dhacay qaraxa iyo qasaaraha uu geystay.
Bayaanka la soo dhigay bogga Internet-ka ayaa lagu sheegay in Taliska Milatreiga ee Alshabaab ay go’aamiyeen in la dilo mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda uu hogaamiyo Shariif sheikh Axmed, sidaas ay u hogaansameen Kooxda Istishaahida (Is qarxinta).
Weerarkii is qarxinta ee B/weyn ayaa lagu sheegay bayaanka oo ku qornaa Af carabi inuu fuliyay mid ka mid ah dagaalyahanada Alshabaab, waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamed Deerow Sheekh Aadam (Zubeyr) kaasoo watay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo isku qarxiyay kolonyo uu watay Wasiirkii Amniga Col. Cumar Xaashi.





