Qeeybaha| Wararka

Itoobiya oo sheegtay in aysan Ciidamo u diri doonin Somaliya haddii aan la helin taageero Caalami ah

Posted on 21 June 2009 by dadweyne

Dowladda Itoobiya ayaa si deg deg ah ugu jawaabtay codsigii ka soo yeeray Dowladda KMG ah kaas oo ahaa in dalalka deriska la ah Somaliya ay ciidamo la soo gaaran somaliya haddii kale dalkaas gacanta u geli doono kooxo Argigixiso ah oo ku xiran Al qaacidda.

Itoobiya ayaa sheegtay in aysan Ciidamo u diri doonin Somaliya haddii aan la helin taageero Caalami ah oo la siiyo Dowladda KMG ah Somaliya si ay u soo celiso amaankii iyo kala dambeyntii burburtay 1991-markii la riday Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre oo Somaliya maamulaysay muddo 21 sano.

Barkat Simon oo u hadlay Itoobiya ayaa yiri Dowladda KMG ah Somaliya waxay qaaday tallaabadii loo baahnaa sidaas darteed waa muhiim in laga jawaabo baahida Dowladda KMG ah.

“Itoobiya waxay aaminsan tahay in la taageero Dowladda KMG ah oo ah Dowlad sharci ah, taageeradaas waxaa looha baahan yahay beesha caalamka, mowqifka Itoobiya waxaa waaye in la helo taageero caalami ah oo wada jir ah”ayuu yiri Afhayeenka Dowladda Itoobiya.

Barkat Simon waxaa uu sheegay in aysan jirin ilaa iyo hadda go’aan ay Itoobiya ku gaartay in ay Ciidamadeena ka joojino howlgal laga fuliyo Somaliya laakiin haddii la helo abaabul caalami ah oo wada jir ah Itoobiya diyaar ayay u tahay in ay Ciidamadeedu u dirto somaliya.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka Itoobiya in Shabaabku ay yihiin koox Argigixiso ah sidaas darteed aysan Shacabka Soomaaliyed taageersanayn Shabaabka, waxaana loo baahan yahay in laga hortago khatarta soo wajahday Dowladda KMG ah ee Somalia.

Maalintii shalay ayaa afhayeenka Barlamaanka Somaliya Sheekh Aadan Madoobe kaga dalbaday wadamada deriska la ah somaliya in muddo 24 saac la soo gaaran Ciidamo gurmad ah oo gacan siiya Dowladda Federaalka.

Leave a Reply