Maleeshiyaadka Al Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ay gudaha u galeen Xarunta WFP ee Magaalada Marka iyagoo ku amray shaqaalihii xaruntaas in ay kala dareeran oo qof walba gurigiisa aado.
Wararka ayaa sheegaya in dablayda Shabaab iyagoo aad u hubeysan gudaha u galeen xarunta Hay’adda cuntada Adduunka ee ku leedahay Magaalada Marka.
Sida uu sheegay goobjoogo ku sugan Marka Dablayda shabaab waxay qalqal geliyeen oo ay cabsi ku abuureen Shaqaalaha Hay’adda WFP ee Magaalada Marka.
Dhamaan ilaaladii xaruntaas ayaa la kala eriyay, lamana oga waxaa ay shabaabku xaruntaas u galeen sidoo kalena wax war ah lagama haayo waxaa ay ku sameeyen xarunta.
Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyada Shabaab xalay ku hoydeen xaruntaas WFP ku leedahay Magaalada Marka.
Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin Xafiiska WFP ee qaabilsan arrimaha Somaliya.
Dhawr ka tirsan Shaqaalaha WFP ayaa lagu dilay somaliya sanadkii tagay iyo kan aan ku jirno, waxaana la aaminsan yahay in falalkaasi ay ku lug leeyihiin dablayda Shabaab.





