Ergayga gaarka Qaramada Midoobay, Axmedu Walad Cabdalla, Safiirka Somaliya dalka Talyaaniga, Nuur Xasan Xuseen iyo ninka Siyaasadda sida kaftanka ah ku soo galay Axmed C/salaam Aadan ayaa ku jooga dalka Norway safar aan micno badan lahayn oo qarashkiisa duulimaad iyo Hoteelyo ay wax badan u tari lahaayen dadka ku rafaadsan somaliya.
Walad Cabdalla, oo aan la hayn qof kur ka fiiriyaa waxqabadkiisa waxaa uu qaada tallaabo kasta ay la noqoto marka ay garashadiisa soo gasho ama ay u sheegan qaar lagu tilmaamay Lataliyaal oo inta badan u sheega marba wuxuu jacayl yahay iyagoo aanin ka fiirin soo jeedintooda sharafta Xafiiska Qaramada Midoobay iyo wax tarka taladooda u yeelan karto Shacabja ka rafaadsan dhinaca Nolosha,Nabadgalyda iyo sidii ay u heli lahaayen nolol Maalmeed Caafimaad qabo.
Safarka Norway waxaa uu ku dhisnaa been Abuur, is tus iyo in ay dib ugu sheekeystaan Seddaxdan qof been ay horey isugu sheegeen.
Doorashadii ka dhacday Jabuuti waxaa ay isku sheegeen Walad Cabdalla, Nuur Cadde iyo Axmed C/Salaan in Shariif Sh Axmed aanin heli doonin jagada Madaxweynimo ee markaas taagnaa tartankeedu balse la dooran doono Nuur Xasan Xuseen.\
Axmed C/salaam riyadaadi waxaa uu ka gaday qof kasta oo ka qaadan kara,wuxuuna muujiyay inaan shakiga kaga jirin cod tiro badan oo Madaxweynimo uga guuleysan doona Ex Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Hase yeeshe waxaa uu dalabkii Nuur Cadde iyo Axmed C/salan ku soo ururay in ay codsadaan in Safiirnimo la siiyo.
Dowladad Shariifka ka madaxda yahay waxaa ay ogolaatay in la siiyo Xil Safiirnimo Nuur Xasan Xuseen Balse laga gaabsado Axmed C/salaam oo dowladdu aanin garanaynin waxaa uu taro.
Dowladda Norway waxaa ay gacan weyn ku lahayd heshiiska Badda ee la diidan yahay intiisa badan ee ay saxiixeen Maamulka Shariifka iyo Dowladda Kenya.
Saxiixaa ka hor waxaa Muqdisho tagay Wafdi ka socda Nowray oo u soo jeediyay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid inuu saxiixo heshiiskaas.
Waxaa suurtagal ah I Shirkadihii heshiiskan ku lug lahaa ay Mas’uul ka yihiin marti qaadka loo fidiyay 3 dan nin oo aan la heli Karin sabab suurtagal ah ee ka dhigaysa in ay kulmaan Norway.
Halkaa waxaa lagu Guddoonsiiyay Biladu aan la garan Kareyn waxaa ay ku saabsan yihiin iyo sababaha loo qaatay,dadka ka faalooda Siyaasaddana waxaa ay ku tilmaameen dhoolutuskaasi mid ku saabsanaa in loogu dabaaldego xil ka degi taankii Madaxweynihii hore Dowladad Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed.
Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay,waxaa fiican in uu si weyn u fahamo in faraq weyn u dhaxeeyo Shaqsiyaadka lacagta ceyrta ku qaata Norway iyo Shacabka ku dhibaataysan dalkooda ee u baahan xal Siyaasi ah.
Kulanka 3 dan ruux, dhawrka ajanabiga ah iyo intii farxada ka waday Norway waxaa uu ku soo aaday markii shacabka Somaliyed ugu baahi badnaayen ee ay doonayeen Nabad waarta iyo xal caadil ah iyo dib u dhis dalkooda lagu sameeyo.





