Meydkii Allaha u Naxariiste Marxuum Maxamed Xuseen Caddow,Xildhibaan,ayaa kooxda wax ma garatada ah ee Shabaab ay soo bandhigeen iyagoo ka codsaday dadweynuhu in ay daawadaan.
Marxuumka oo ahaa shaqsi aad wax u soo bartay oo leh taqasus Injineer waxaa dilay Shabaabka iyo dagaalyahanada shisheeyaha oo gurigiisa ku soo weeraray .
Enjineerku oo ahaa qof Nabadda raadin jiray waxaa uu isku difaacay si aad ah ilaa ciidankiisa goobo kala duwan laga soo weeraray.
Wax ma garatada shabaab ayaa qaatay meydka oo la sheegay in ay sawiro ka qaadayeen ay u gudbinayaan kooxda ay ka amar qaatan ee Al qaacidda.
Shabaab meydka Marxuumka waxay kala baxeen lacag badan oo jeebabkiisa ku jirtay,gurigiisana waxay ku qaadeen bilalaqo baxsan oo ayni ka tagin dhar iyo maacuun.





