Qeeybaha| Wararka

Dowladda KMG ah Xaalad deg deg ah ku dhawaaqday

Posted on 20 June 2009 by dadweyne

Dowladda halis ku haayan kooxaha Argagixisada Caalamiga oo ay ka mid yihiin Shabaab,Xizbul Islaam iyo Dagaalyahano Al Qaacidda ah ayaa ka dalbatay beesha Caalamka in ay deg deg u soo gaaran kadib markii ay kulan yeesheen Golaha Wasiirada ee lagu wareegsan yahay.

Shirka wasiirada

Wasiirka Warfaafinta oo kulankaas kadib la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in ay codsi deg deg ah u direen Beesha caalamka,gaar ahaan Qaramada Midoobay,Jaamacada Carabta,Ururka Midowga Islaamka,Midowga Afrika,IGAD iyo Midowga Yurub si loo badbaadiyo ayuu yiri jiritaanka Dowladda sharciga ah ee Somaliya.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa isku raacay in dalka lagu soo rogo Xaalad deg deg ag,iyadoo dhaqanka go’aankaas uu bilaaban doona marka uu Madaxweynuhu saxiixo go’aanka Wasiirada soo saareen.

Wasiirada Dowladda KMG Soomaaliya ayaa Waxaa ay dhamaan Ururadaasi  iyo wadamadaasi ka dalbadeen in ay ka difaacaan kooxo ay ku sheegeen argagixiso doonaysa in ay bur bursiso Jiritaanka dowladda KMG Soomaaliya.

Go’aankan wuxuu soo baxay waqti yar kadib markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ka dalbaday dalalka deriska la ah Somaliya in ay la soo gaaran Ciidamo gurmad ah oo ka badbaadiya Dowladda kooxo argigixiso ah.

Sida la sheegaya oo la xaqiijiyay kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ayaa waxaa si weyn gacan dhinacyo badan leh ka helayaan Al Qaacida iyo dalka Ereteriya.

1 Fikradaada

  1. Xuseen abdi Says:

    Waa dareen si fog looga fekero xaalada somalia waa marxalad qatar ah heerka ay gaarsiisantahay ficilada ay maleegayaan kooxaha dhiigcabayaalka ah ee diiday maslaxada iyo nabadaynta waxay doorbideen daadinta dhiiga shacabkan rafaadsan waxay diiden waxkasta oo xal noqonkara inmaanta qatar lageliyo qaranimadii somalia waxaaka masuul ahkooxahan iskubahaystay burburinta dalka diinta iyo baabi inta dadka bulshada waxtarka u ah shacabka somaliedow baraaruga oo fadhiga kakaca yaan la fiirsan ficladan guracan ee aan diinta islaamka shaqoku lahayn waxaan filayney bixitaankii itoobiakadib nabad iyo baraare balse rajadaaswaxaa diidayoo baajiyey kooxo dhiigaka macaasha ooku baaqay dagaal wakhti dheer ah oo aan wakhti lahayn shacabka soomaalied ma tahlikaraan ?dhib iyo dagaal horleh waa maya kooxahan diinta ku gambanaya waxaa hogaaminaya kuwa masaajida ciraaq iyo pakistan qarxiyey hadaba akhristow waa maxay diinta uu noo sheegayo ruux masaajid baytulaah qarxiyey oo daraasiin muslimiin ahku laayay dabcan majirto sabablooga dhegeysto diinbaan u dirirayaa waxla arkay ma ahan waxayna badeen waxay na bareenbaa nooga daran dagaalka muqdisho joogsan mayo ilaa aanka hortagno dadqalatadaan dadka gawraca ma ogala qof aan ayaga ahayn waxay aaminsanyihiin in soomaalidu 20%kelia muslimyihin sida ku cajalado ay duubeen raga u fadwooda nin abwaana baala yaabay habdhaqankii sayidmaxamedcle oo waxa uu doodayey iyo fcildiisu iskhilaafsanaayenwuxuu tiriyey tixdan allahayow umulihii mid diley ubad jaqsiinayey allahayow mid oogadajrkaa aad insiga moodo allahayow misana aan ahayn oonu garanweyney allahayow midkaaku inkiree diiday amarkaaga allahayow awliyana sheegta allahayow ha nagu eegankaaskuu ergaanahaye} tanokalewaxaysataa shacabka soomaaliyed ee hoyga u noqday colaada naxariista daran ee ay wadaankooxo damiirlaawayaal ah hadaba ha la taageero dowlada islaamiga ah ee somalia hana laga hortago pakistaaniyinta calanka madow wata ee diidan qaranimadena

Leave a Reply