Qeeybaha| Wararka

Ciidamada Dowladda oo dib u qabsaday

Posted on 20 June 2009 by dadweyne

Dagaal aad u xoog badan ayaa haatan ka socda degamada yaaqshiid iyadoo ciidamada dowlada ay dib ula soo wareegeen goobihii ay saaka xoogaga ka soo horjeeda ay gacanta ku dhigeen waxaana haatan dagaal xoogan uu ka soocdaan gudaha degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo ay ku soo biireen ciidamo uu hoogaminaayo Sheekh Yuusuf Indho cadde iyo Ciidamo uu wato cabdi qeybdiid ayaa waxaa ciidamada dowlada u suurto gashay inay dib u qabsadaan goobihii ay saaka kala wareegeen ciidamada ka soo horjeeda.

Sida ay dad goobjoogayaal ah xaqiijiyeen ciidamada dowlada ayaa la wareegay degmada shibis oo dagaalka saaka uu ka socday iyagoo sidoo kale ka saaray xoogaga ka soo horjeeda Isgoyska Sanca waxaana haatan dagaalka uu ku sii durgay dhinaca degaan dega degmada Yaaqshiid.

Dagaalka oo marba marka ka danbeysa sii xoogeysanaya ayaan la sadaalin karin halka uu ku danbeyn doono madaama uu dagaalku u eg yahay mid ah is jiid jiid ah oo qoloba mar dib loo riixayo.

Sidoo kale lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah ee dadka ay waxyeelada ka soo gaartay dagaalkani madaama uu dagaalka haatan ka socda Degamada Yaaqshiid mana jirto cid ku howlan inay dagaalkani qaboojiso.

Leave a Reply