Qeeybaha| Wararka

Xuska maalinta dhalaanka Afrika ee baahan, 16 Juun

Posted on 16 June 2009 by dadweyne

Waxa jirta baahi aad culus oo hor taagan dhalainta Afrika iney noloshoodu u gudubto xiliga qaan-gaarka iyo ka si badan iyadoo oo ugu wacan tahay ubadkaasi oo an heeysan daryeel badankoodu fursad ugu heli karan cunto, hooy, daawo, biyo la cabi karo iyo mid ugu weeyn oo ah waxbarasho. Inkastoo daryeelka dhalaanka inta badan ay ku yar yihiin Afrika guud ahaan haddana waxa u sii daran kuwa ka hooseeye saxarada oo ay intaasi oo baahiya u dheer yihiin dagaalo naftooda wax badan u dhima kana reeba rajada iney wax bartaan. Fool xumo weeyn waxa ah dhalaanka inta badan waxay ku milmaan dagaalada sokeeye ee ka jira dalakooda. Qaarkood waxa lagu qasba halki ay qalin ka qaadan lahaayeen in qori loo dhiibo kuwana nolosha qura ee ka jirta goobaha ay joogaan aya ku riiixday in kuwa hubeeysan ay nolol ka raadinyaan. Dhalinta joogta goobaha dagaalka waa lagu xad gudba shaqsiyadooda waxaana lagu fuliya ficilo danbi galinaya si noloshooda inta ka harta ay magan ugu ahaadaan dagaal-ooogehi ficilka xun ku qasbay ama ku siray. Sharci aduunku si weeyn ayu u eegaya adeegsiga dhalaanka dhinaca dagaalka waana “danbi dagaal.” Somaaliya waa meelaha ama barta ugu liidata xaga nolosha marka la eego dhalaanka. Dalka aya wuxu yahay mid laga qaato cuntada ugu yar aduunka marka la isku celceliyo maalinti, dhalaanku ma helaan waxbarsho ay rajadooda ku dhisaan, caafimaad isaga haba tilmaamin, wax joogta u noqoday barakac ay sababeen dagaalo. Gobaha ay nabada tilmaaman ka jirtana waxa dhibaateeyaya faqiirnimo baahsan. Dhinaca dagaalka marka laga reebo qoysas badan ayaa caruurtu tahay kuwa u soo saara muufada guriga laga cuno ama gacan ka geeysta, dadkaasi ma bixin karaan kharshka ugu yar ee ilmo wax ku baran laha. Gargaarka loo fidin laha ee dhinaca dadnimana wax hortaagan xasilooni daro jirta iyo kaalmooyinka oo gacanta u gala dad iyagu macaash doon ah. Waxa loo keenana ee qalab wax barashana wa yar yihiin waxana ku baxaya hanti ka badan waxa ay gooyaan marki loo fiiriyo kharshka ku baxa diyaaradaha lagu soo qaado iyo saadka ku baxaya dadka howsha wada gaar ahaan shisheeyaha. Waxa kalo nasiib daro ah in hay’adaha qaarkood sheegtaan waxay qabtaab in ka badan marki la fiirinayo wax qabadka dhalaanka waxa ka balaaran mushaaraadka badan iyo gunooyinka ay qataan. Taasi waxay laba jibaareeysa dhibti heysatay dhalaanka waxeyna bohol ku noqoneysa sidi looga gudbi laha xaaladan. 16 Juun waa maalin loo aqoonsday dhalaanka Afrika laguna xuso baahidooda si loo darso loona dajiyo barnaamijyo noloshooda wax ka badala si ay u hantaan xilka dalka ayaga oo wax bartay kana fayoow xaga garashada. Dhalaanku waa rajada dal u leeyahay.

Leave a Reply