Qaramada Midoobe Laanteeda Qaxootigha u qaabilsan ee UNHCR ayaa walaac xooggan ka muujisay in kufsiga haweenka uu yahay mid ku soo badanaaya dalka Soomaaliya gudihiisa.
UNHCR ayaa sidoo kale wel wel xooggan ka soo saartay falalka tacadiyada ah ee lagula kacaayo haweenka, kaasi oo la sheegay inuu sii baahayo , islamarkaana ay haweenka Soomaaliyeed.
William Spindler Afhayeenka UNHCR oo ku sugan magaalada Geneva ayaa sheega in Hay’adu ay si aad ah uga naxsan tahay heerka ba’an ee xadgudubyada ere ka jira gudaha Dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Hay’adda UNHCR waxay sheegtey in dagaaladii ka dhacay koonfurta Soomaaliya ee dhexmarey ciidamada dowlada iyo kooxaha mucaaradka ay sababeen barakac baaxad leh oo ay dadka rayidka kaga cararayaan deegaanadooda iyo magaalooyinka waaweyn si ay uga badbaadaan dagaalada.
UNHCR aya sidoo kale cadeysay in Haweenka qaxa ah ay yihiin kuwo la kulma qasab iyo dhibaato, waxayna sheegtay UNHCR in ay diiwaangelisey dhacdooyin dhowaanahan ka dhacayey gudaha dalka oo kufsi iyo jirdilba loogu geystey haweenka Soomaaliyeed. Haweenka Soomaaliyeed ayaa ah kuwo soo gaara tacadiyada ugu ba’an, waxeyna haweenku la kulmaan Jirdil iyo Kufsi intaba, mana jirta cid wax ka qabata dhibaatadaasi soo foodsaarta haweenka





