Qeeybaha| Wararka

Xasan Dahir Aweys”Shacabka Somaliyed waa in ay u dul qaatan dagaalada aan wadno inta”

Posted on 12 June 2009 by dadweyne

Guddoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u dulqaataan tan iyo inta ay dalka Soomaaliya kaga saarayaan ciidamo shisheeye ah oo ku sugan.

kaddib Salaaddii Jimcaha ayuu qudbad ka jeediyay Masjidka Abuu Hureyra ee Magaalada Muqdisho isagoo sheegay in Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in mar kasta oo ay dagaallo dhexmaraan iyaga iyo ciidamadaas ay madaafiic ku garaacaan goobaha ay dadka rayidka ah degan yihiin.

“Marka ay madaafiicda shacabka ku garaacaan, shacabka waa barakacayaa, waana dhibtoonayaa, waxayna rabaan in ay shacabka iyo mujaahidiinta ay iska hor-keenaan, sidaasna aan dagaalka uga joojinno “ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Xasan Dahir ayaa iska dhigayay nin daacad u ah dadka oo wax u haayo,isagoo muujinayay inuu mar walba ka shaqeeyo danta Shacabka Soomaaliyed.

“Marka waxaa is-weydiin leh yaa roon in ay shacabka qaxaan iyo in ay ciidamadan shisheeye ay fushadaan doonistooda ah in ay dalka qabsadaan”ayuu Sh Xasan Daahir weydiiyay Dadkii Salaadda Jimcaha kula tukadayay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha ku yaalla.

3 Fikradaada

  1. cirfo Says:

    xassan dahir waa shaydaan dadka iyo dalka mid dan uma hayo waa qaadicu dariiq ninki daliil raba waa isoo waydiin karaaa ana ayaa ka jaahil bixinaya

  2. cirfo Says:

    hadii aad rabto inaad ogaato waxa uu ku sha qeeyo xasan daahir xataa waan kuu cadaynayaa

  3. CHIMPATRA MSHIIKE Says:

    WALAALIYAALOW WAXAAN IDIN WEEYDIINAYAA SHEYDAAN DAHIR AWEYS MA MUSLINBA MISE WAA NIN DIINTE HAYSA MUSLIN MA OGALAAN IL SI GARDARA AH DHIIG DAADTO AMA LA DHINTO,SHAYDAN DAAHIR AWEYS DAGAAL OOGE XUKUN DOON IMISA AYAA KU MAQAN MAXISHOODO MIYAA?CIMRIGIISA MA OGA MIYAA?MISE MA OGA IN AAQERO XISAAB AAY JIRTO…………….

Leave a Reply