Qeeybaha| Qubane

Goorma ayu Godane la fariisan doona Charles Taylor maxakamada danbiyada Dagaalka

Posted on 12 June 2009 by dadweyne

 Axmed Cabdi Godane waxa u si buuxda u ogyahay in anu laheeyn xisbi siyaasi ah sidoo kalena waxa u ka dharagsan yahay in dalka dableeynimo an lagu xukumi karin, kamana qarsoona inaan qori afki wax lagu gaari waayay, iyana kama maqna garashadiisa in si fudud an loo cafin kareyn danbiyada dalka ka dhacay ee u geeystay mudadi madaxnimada kooxda shabaab u sheegtay.
   Godane waxa dhici karta isagu inanu qof ku dilin gacantiisa, sidoo kaleh Charles Taylor iyo cid kasta oo la soo taagay maxkamahda danbiyada dagaalka laguma cadeeyn dhiig ay toos u daadiyeen balse waxa lagu xiray kooxaha ay madaxnimadooda sheegtaan danbiyo dagaal oo ay galeen.
   Waxa cabanaya oo an heeysan goob loogu gar qaado dad si micno la’an eheladoodi, waalidkoodi iyo carurtooda loo tirtirey, dadkaasi garsoor caadil ah ayey u baahan yihiin.
   Waxa ayaguna cadaalad u baahan walidkii dhalay ubad aad u da’a yar oo loo sheegay jano iyo halgan Islaami ah oo loo adeegsday iney is qarxiyaan.
   Godane waa ninka sheegata amiirka shabaab, waxaanu isku bixiyay Mukhtar Cabdalla Abusubeyr.
   Inta waxa ka culus arday an qaan gaarin ee laga kaxeeyay dugsigoodi lana tabaray kaliya dhowr maalmo oo laga horgeeyay taangiyo iyo madaafiic ay wataan ciidan aad u tabaran balse an xuquuqda aadamiga iyo sharciyada dagaalka aqoon u la heeyn (ciidamada xabashida).
   Isku darka intaasi waxa ay ka mid yihiin danbiyo dagaal marki loo fiiriyo sharciyada aduunka, inkastoo reer galbeedku inta badan sharciga ay siyaasadeeyaan oo cabashooyin ka jiraan dalalka Muslimka iyo dunida sadeexaad badankooda.
   Dad badan oo Somaali ah aya rumeeysan in ciidamadi Ethiopia iyo hoogaamiye kooxeedyada qarkood ay galeen falal ku cad danbiyada dagaalka. Muslimiin aad u tiro badan dhinacooda waxay sheegeen in Isreal danbi dagaal ka gashay Marinka Qasa.
   Godane oo an laheeyn mustaqbal siyaasadeed haba yaraate waxa u ku dhaqaaqaya ama koox u hogaankeeda sheegatay ee sameeysay ficil u daran noolaha ee lid ku ah sharciyada jira oo dhan marka lagu darro midka Islaamka ee muqdaska ah.
   Sababta u dagaal uga socdo Somaaliya haatan ee wada xajood loo diidayo waxa ka mid ah in Godane qaar kaloo la mid ah ay ka cabsi qabaan rajadooda.
   Si kasta ha ahaato maalamaha u Godane leeyahay weey tirsan yihiin, inkasta oo haddaba ku nool yahay dhuumasho an xabsiga wax dhaamin.
  

Sheekh Aadan Xaji Ismaaciil
Qaahira, Masar

6 Fikradaada

  1. Nafiso Says:

    Sheekh Aadan Xaaji warbixintaadu waa wanaagsantahay, laakii maxkamadda ma Godane keliyaa u baahan mise boqollaal kale oo maxkamadayn mudan baa jira, Maxaad uga booddey Xasan Daahir Aweys, Xasan Turki iyo nimanka kale ee magacyada iska beddeley ee Al iyo Abu la wada baxay si ay dadka u gumaadaan?.

  2. Xuseen abdi Says:

    Waa hubaal inkooxda shabaab ee ina godane hogaamiyo aygaleen dambi aad u fool xun oo uurkutaaloku reebtay somali farabadan waxay geysteen gaboodfalka daran kii ay geysteenkooxdii R.u.fta ee foodey sanko uu hogaamineyey waxaynaka dagaalamayen siralyoon waxay geysten dambi dhanka ah xaquuqul insaanka shabaabka ina godane horkacyo waxay dileen boqolaal qof oo soomali ah kuwaas oo aangelin waxdambi ah inla maxkamedeyo ina godaneiyokuwa la midka ah ee sacabada dhiiga kuwata way fududahay hadii la helo maamul dowladnimo iyo iskaashi shacabka ah waayo taylor waa xiranyahay milosavich oo laayey kumaankun oo muslimintii bosnia ah xabsi buuku dhintay asagoo maxkamadsuge ah hadabakuwaan somalia jooga danuubta ay galeenwaakadharagsanahay ina godane matagikaro magaalada hargeysa oo uuku dhashay waayo maamul iyokala dambaynbaaka jirta wuunakasoo cararaymarkii uu dambiyoka galay wuxuunaku dhuumanayaa k/somalia mana ogala asaga iyokuwa la midka ah in maamul iyo dowladnimoka hana qaado dhulkak/tasomalia dhibka ay shacabka u geysteena waa midlagula xisaabtamidoona haday aduunyada baxsadaana aakhira ma baxsan doonaan waase in fiiro dheerloo yeesho waxa ay umadaku qaldayaan qofkasta waxaa muhiim u ah inuu garawsado caloolyowga aykooxahani badeen soomaali badan w/towfiiq

  3. DANGARAD Says:

    A/W/W
    AXMED GODANE WAA NIN DA YAR WAANA NIN KUCAAN BAXAY KHAMARJI NIMO ISAGA KALIGII MAGOOYO TALADA DABLEYDA SHABAAB EE WUXUU TODOBO KUYAHAY LIX NIN OO AJANABI AH OO AAN MEELKALE ADUUNKA KUNOOLAN KARIN SIDOO KALE NIMANKAAS AJAANIBTA AH WAXEY AFAR AFAR UGUURSADAAN GABDHAHA BIKAARADA AH OO WAALIDKOOD LAGASOO XADAY ARINKAAN AAN KAHADLAYO WAA ARIN AAN ANIGU ARKEY MAAHAN WAX AAN ISKA HINDISAY WAANA XAQIIQO. DANBIILAYAASHA AJAANIBTAAHI WAXEY KUSOCDAAN BAABURTA UGU QAALISAN DALKA IYAGOO MURAAYADO MADOW LEH SI AAN LOOGU JEEDIN. WAANA NIMANKA USOO DHIIBA FALALKA QAARAJINTA AH AXMED GODANE IYO MOORYAANTIISA . MAR AAN DHEEREYN AXMED GODANE IYO TUUGADIISA SHACABKA SOOMALIYEED AYAA KAQAALIB NOQONAYA

  4. jamila Says:

    waxaan ahay gabar dhalin yaro ah o dagan magaalada mogadishu somalia waxaaan rabaa inaan weydiiyo cida ikufsatay xiligaan suuxsanaa oon ku suganaa goob dagaal oo ku tiilay meel maqaaxi ah oon ku lahaa gooba yar oo ganacsi kadib markii uu igu dhacay hoobite ma shabaabkaa mise xisbul islaam

  5. luqman Says:

    waa runtaa walaashay nafiso
    kuwaasba waxay ubaahanyihiin maxkamad caalami
    lkn waxaad katagtay shanolle iyo abu mansuur

  6. ismail Says:

    RUNTII INA GODANE WUU U BAAHAN YAHAY INA LA SOO TAAGO MAXKAMAD LAAKIN WAXAA JIRA KUWO KALE OO FARA BADAN OO IYANA U BAAHAN IN LA SOO TAAGO ,,,
    WAXKASTA OO AY SAMEEYAANA WAA WAX DIIWAANKA U GALAYA WAANA LA SOO TAAGI DOONAA SIDAAN AAMINSANAHY MARUUN ,,COZ ADUUNKA OO DHAN INDHA AYAY KU HAYAAN

Leave a Reply