Xafiiska danbi baarista aya baararyay muddo bilo ah 20 Mareeykan Somali ka soo jeeda ee degan Minneeapolis oo u dhoofay si ay tababar u qaataan una caawiyaan kooxaha xadka diinta dhaafay.
Sarkaal ka tirsan ciidanka amaanka aya u sheegay Fox Sabtidi in mid ka mid ah Mareynkanka Somaalida lagu dilay Somaaliya, haseyeeshe sarkaalku magac ma sheegin.
Axmed waxa u sheegay in Burhan shabab ay dileen. Nin magacweyn ku leh Minneapolis bulshadeeda aya mar dambe sheegay isaguna in xubnaha shabaab ee ka tagay Mineapolis ay u badan tahay iney masul ka ahaayeen dilkan.
“Shabaab aya dilay Burhan oo ka toogtay madaxa” Axmed aya sheegay,
“Sida dhabta ah. Burhan waxa laga toogtay meel dhow,” sida u leeyahay Cumar Jamal oo ah madaxa Xarunta u dooda Cadaalada ee ku taal St Paul Mineapolis.
“Burhaan qoyskiisu waxa ugu dambeesay warkiisa laba todobaad ka hor.
“Marka waa u bukay mana sheegi kareeyn wax badan,” Axmed aya yiri. “Waxa u Burhaan soo wacay qooyskiisa codkiisuna waa u hooseeyay, kadibna mid ka mid saaxiibadiisa aya sheegay oo yiri Burhaan waa jiran yahay waxana u qabaa Malariya,” ayu Axmed ku daray.
“Xanuunkaasi aya u sahlay qoyskiisa iney ku qanciyaan inu ku soo laabto Ameerika, Wuxuna Burhaan u soo duuli laha dalka Keenya todobaadka soo socday,” aya waxa sheegay Jamal.
“Dhab ahaanti shabaabku inu Burhaan tagayo weey la xumaatay, markaasey dileen,” Jamal oo la hadlay qooyska aya cadeeyay. “Kuwa kaleh ee ku fikira iney soo noqdaan jidku sida uguma fududa.”
“Burhan waxa lagu aasay Somalia dhamaadki todobaadka laakiin Jamal aya weeydiistay Xafiiska Danbi Baarista (FBI) in gacan ka geeystaan in meeydka la keeno America. iyaguna waxay sheegeen in eegi doonaan suurtagalnimada arrinkan,” Jamal aya sido kaleh sheegay.
Burhaan waxa u dhigan jiray Dugisiga sare Roosevelt ee Minneapolis inti anu u kicin Somaaliya sanadkan..
“Waxa u ahaa wiil karti badan oo la iman jiray A oo ugu fiicna fasalkiisa,” ayu Axmed ku marag furay mal ay wareeysanayeen Sanadka Mareeynkanka oo ka hadlayay tabarka shabaab
.”Waxa u aha wiil hami badan oo ku talo jiray inu tago Jamacada Havard sidi u baran laha daawooyinka ama shariga si u noqdo garyaqaan ama dhakhtar.”
Axmed waxa ku eedeeyay Musaajidka degaanka inu gacan siiyay iney shabaab wiilki u adeerka u yaha iyo dhalin kaleba ay u fududeeyeen shabaab iney wax tababaraan.
“Burhaan ma daneeyn jirin siyaasada Somaalyia mana fahmi jirin qabyaalada Somaalida,” Axmed aya sheegay .“Carrurtani fikrad kama heysan Somalia marka laga reebo waxa ay u sheegeen macalimiintooda masaajidadu. Waxaan rumeeysan nahay in carrutani anay Somaaliya iska tagin. Waxa jira kuwa kaleh oo u sheegay in ka qeeyb galka xaalka Somaaliya u yahay arrin toosan.”
Burhaan inta la ogyahay waa qofki labaad ee Mareeykan ah ee ku dhintay isagoo la safan shabaab lana dagaalamayay Dowlada Somaaliya ee qunyar socdka ah ila 2006.
Bishi October ee 2008, Shirwac Axmed oo 27 jir ah ee ka soo jiida Mineapolis aya noqday qofki kowad ee is qarxiyay marki u isku gubay Somalia isaga dilay dad badan, sida ay sheegtsay FBI.
Illo ku dhow FBI aya u sheegay bishi FOX in kuwi tagay Somalia in badan oo ka mid ah ay soo noqdeen walina qaar badan “ay jiraan Somaaliya.”
Related
Somali activist says Mpls. teen reportedly killed – KSAX TV
Xigasho FOXNews, June 07, 2009






June 10th, 2009 at 7:52 pm
inaa lilaahay waa inaa ilahay raajacuun ilaah ha u naxariisto burhaan
alshabaab marki ay isdhaheen ninkaan waa idinka tagayaa ayaa ay toogteen diinna waa ay sheeganayaan waa wax aan isgalikarin
ilaah ha ka abaal mariy0 maanta waa aduun lakin bari waa aakhiro
ilaah kan dilay dameer aakhiro ha uga dhigo aamin
June 15th, 2009 at 1:14 am
A/W/W
TO: DADKA QURBAHA KUNOOL
WALAALAYAAL MARKA HORE ILAAHEY HA UNAXARIISTO WIILKAAS YAR OO AAY DILEEN DADKA DIIN LAAWAYAASHA AH EE MAGACA DIINTA SHEEGTA KUNA QARAABTA MARKA XIGA ANIGU WAXAAN JOOGA MAGAALADA MUQDISHO MUDO KABADAN 19 SANO MEEL UGAMA BIXIN INTIII AAN JOOGAY OO DAGAALADII OO DHAN NUUCKASTABA HA AHAADEENE WAAN JOOGAY MARKA WAXAAN RABAA INAAN IDIIN SHEEGO YAAN LAGU KADSOOMIN TAAGERIDA KOOXAHA ISKU TILMAAMAYA INEY DIINTA U GARGAARAYAAN WAA BEEN AAN SAL IYO RAAD LAHAYD LK WAXAA XAQIIQO AH QOFKASTA OO DIBADA JOOGA INUUU IS LEEYAHAY WAA NIMAN DIINTA UGARGAARAYA LK WAXAAD RUNTA DHADHAMINEYSAA MARKAAD MUQDISHO TIMAADO BECAUSE SHEEKO KUMA OGAAN KARTID WIILKAAN YAR EE AAY QASHEEN MARKII HORE FIKIRKIISU WUXUU AHAA INEEY JIRAAN QOOM DIINTA U NUSREEYNAYA MARKII UU OGAADAY XAQIIQDA JIRTA AYUU ISKA LAABO MAAGAY WAANA LADILAY. MARKA WALAALAYAAL ILAAHEY KACABSADA ANAGA AYAA JOOGNA GOOBTA EE WAXNAGA QAATA HADII KALE IMAADA AAD XAQIIQDA DHADHAMISAANE WABILAAHI TOWFIIQ
July 1st, 2009 at 8:11 pm
WAXAA MAQLAY IN WIILKAN LA DILAY 2 MAALMOOD KADIB DILKIISA MARKAAN SII TIXRACAY WAXAAN OGAADAY IN AAN ISKU DHAWAYN WIILKA OO AY DHASHAY EEDADAY 2AAD
ALLAHA UNAXARIISTO WUU DHINTAY ALLAHA JANADII KAWARAABIYO ALLAHA SAMIR IYO IMAN KASIIYO
ALLAHA SHABAAB XAAQINMARIYO
WAA RIDKA REER MARAYKANOW ILMIHIINA ILAASHADA KA TAXADARA LANA SOCDA DHAQ DHQAAQA ILMAHOODA