Qeeybaha| Wararka

Sh Xasan Dahir “dhamisho waan ka noolahay oo waad aragtaan dhaawacna ma qabo.”

Posted on 08 June 2009 by dadweyne

Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa markii u horeysay maanta ku soo muuqday shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho kadib markii labo maalmood ka hor ay soo baxeen warar sheegayay inuu ku dhaawacmay dagaalo ka dhacay Deegaanka Wabxo.

Isagoo ay dhinacyada ka fadhiyeen Xubno ka tirsan Ururka uu hogaanka u yahay ee Xisbul Islaam sida Sheekh Xasan Mahdi iyo Macalin Xaashi iyo Saraakiil kale oo qaarkood Sheekh si weyn u ilaalinayay.

Sheekh Aweys ayaa si kulul u beeniyay wararka ku aadan dhaawaca iyo geerida laga faafiyay, kaasoo uu ku tilmaamay falsafad isla markaana aanay waxba ka jirin inuu dhaawacmay.

“Warkaas waxaa faafiyay nimankii jabka gaaray, iyagoo doonaya inay oohintooda isku ilowsiiyaan”ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys oo aanay ka muuqan wax raad dhaawacyo ah, marka loo eego inay ka yara muuqatay daal laga dareemayay safar dhulka ah oo uu kaga soo kicitimay Deegaanka Wabxo.

Laakiin Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa beeniyay inuu tagay Wabxo, isagoo sheegay in arrimahaas ay u qaabilsan yihiin maamul, isagoo sheegay in aanu Muqdisho meel uga bixin.

Dhinaca kale Sheekh Xasan Dahir ayaa sii adkeeyay inay dagaalada sii soconayaan inta ay dalka ka baxayaan, waxaana uu sheegay in dagaalka hada socda uu yahay mid laga koontaroolayo Magaalada New York.

“Dagaalka waa nagula qasbay, waa saddex dhinac waxa dagaalka aan kula jirno Ethiopia, Mareykanka iyo qolo Dowlad sheeganeysa oo la soo adeegsaday”ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir.

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys waxaa uu ku eedeeyay Dowladda KMG inay ka been abuurtay shareecada Islaamka, waxaana uu tibaaxay inay shacabka lagu marin habaabinayo.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay Dowladda inay barakicisay dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in hadii lagu weeraro qori AK47 ay ugu soo jawaabayaan Madfac, kaasoo uu tilmaamay inay la dhacayaan goobaha dadka rayidka joogaan sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee shirkan jaraa’id oo uu Sheekh Xasan Dahir u qabtay Warbaahinta ayaa ah mid uu ku muujinayo inuu bad qabo, waana fariin uu u diray dadka isha caadka ka saaran ee u qaatay inuu geeriyooday ama dhaawacmay.

1 Fikradaada

  1. Saciid Cusmaan Says:

    Sheekh Xasan inuu dhaawacan yahay waxey ka muuqata wajigiisa iyo sida garabka loo haayo, shiikha waxaan ka baqaa tan inay ku noqoto tii caydiid Camal, laba maalin ka bacdina aan geeridiisa maqalno.

Leave a Reply