Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa xalay bandow waxaa ay ku soo rogeen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Sida ay sheegayan wararka Ciidamada Ahlu sunna ayaa Bandowgan waxaa ay sheegeen in uu bilaabanayay 9-ka Fiidnimo kaasoo ku dhamaanayay marka laga baxo salaadda Subax ee saakay.
Dadweynaha Magaalada Guriceel ayaa lagu amray in ay u hoggaansiman amarka lagu soo rogay Magaalada si loo adkeeyo ammaanka.
Dadka ayaa markii ay maqleen in ay magaalada bandow tahay wixii ka dambeeya 9-ka fiidnimo waxaa ay alaabada u laabeen goobaha ganacsiga ee halkaasi ka jiray Waxaana Xalay gudaha Magaalada oo haawanaysa dhex wareegaya oo kaliyah ciidamada Ahlu Sunna ee gobolka Galgaduud.
Laakiin ujeedada amarkan Bandowga ah ayaa la ogeyn sababta ka dambeysa waxaase la leeyahay waxaa jira cabsi dagaal oo Magaalada ku soo wajahan.





