Keeydka | June, 2009

Xassan Turki oo caruur la qafaalay u diraya dagaalada Muqdisho

Posted on 29 June 2009 by dadweyne

Qabqablaha dagaalka ee Jubada Hoose Xassan Cabsdullahi Turki aya lagu eedeeyay in dhalin u qafaalay u dirayo so diray Xamaer si ay gacan u siiyaan dableeyda shabaab oo halka ka wada dagaal lagu tilmaamay “fudeeyd dimeed.”
Ilaa hada waxa la qiyaasa in ay ku dhinteen 264 dhalin ah oo laga kaxaeeyay jobooyinka ee konnfurta Somaaliya.
Dhalintan u dambeeysay waxa ay ku sugan yihiin agagaarka Balidoogle iyagoo sugaya in dab ka holcaya Muqdisho iney ku biiraan.
Turki dhalinta u soo diray qaar waxa loo sheegay in ay noqon donaan ciidan oo mushhaar la siin doono, in kaalena la yiri waxaad gali doontaan jano.
Qofki isku daya baxsasho tababar kadib waa la dila sida ay sheegeen dhalin ka soo fakatay kooxda.
Duq Turki oo caafimaad xaga garasha ka liita in badan waxa u qafaala agoonta, kuwa an heeysan daryeel iyo dadka ka soo jeeda beelaha laga tiro badan yahay, ficilkan waxa cambaareeyay 23 oday ee ku sugan Jubada Hoose balse ka baqay gacan ku dhiigle Turki.

Comments (0)

Sheekh Xassan Daahir “Dambi ayu ka galay Qaranka,” Madaxweyne Shariif

Posted on 28 June 2009 by dadweyne

Madexweeyne Shariif Sheekh Axmed aya mar kaleh ku celiyay in dalka Somaaliya gaar ahaan caasimaad ay joogaan diriryahano shisheeye oo la safan xoogaga ka soo horjeeda dowladiisa.
“Si muuqata oo la wada arki karo ayay Muqdisho u joogaan dagaalladana uga qeybqaataan, umana baahna in la isweydiiyo in ay dagaalyahanno ajnabi ah joogaan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho,” ayu yiri isaga oo wax daliil ka bixin.
Sharif waxa si weeyun u eedeeyay dalka Eritrea oo u yiri saraakiil ka tirsan aya u qorsheeysa dagaalada ay Xisbul Islaam iyo shabaab ka wadaan Somaaliya.
”Saaxibkey Shiikh Xasan heshiis kuma ahayn in uu dalka keeno dagaalyahanno Ajnabi ah ee waxaan heshiis ku ahayn in aan dalka xoreyno,” ayu yiri Madaxweeyne Shariif.
Hadalkaasi waxa u ka soo horjeeda xaqiiqooyin ka jira dalka Somaaliya sababto ah dagaalhano shisheeye waxay dalka soo galeen 2006 marki maxkamadaha Gudoomiyaha Guddiga Fulinta ka ah Shariifka, Sheekh Xassan Daahir waxa u ahaa Gudoomiyaha Golaha Shuurada.
Madaxda Xisbul Islaam waxey diideen iney ka jawaabaan eddeynta balse waxa ku koobeen hadalkooda inu Shariifku shir jara’id u qabtay kadib marki sida ay “amartay Ethiopia.”

Comments (1)

Dhalinta ay shabaab ka cuneen xubnohooda iyo wariye ku sheegyo wareeysanya

Posted on 27 June 2009 by dadweyne

Suxufiyiinta Somaaliyeed ee da’ada yar wax badan ayeey qabteen xili aad u adag waxeeyna mudan yihiin xusid iyo in lagu dhiiri galiyo ficilkooda, balse saxaafadu maha Record iyo qalin la qaato oo kaliya, waxa ku lamaan mas’uliyad.

Balse runtu waxay tahay marar badan ayeey ku gafayaan xirfada ay hayaan dhinca sharciga iyo damiirka intaba.
Waxa ay wareesanayaan qof an xuriyadiisa heeysan oo ku jira gacan dad ka xoog badan oo wax sharci ah inu laheeyn ina wax xukumaan.
Waxa meel kasta laga arkayay dhalin recooro la ordayo dhawaan oo wareeysanaya dhalin lugaha iyo gacmaha laga gooynayo oo ku fulinayaan dad an cid walaayad siisay inay wax xukumaani anay jirin.
Dhalintani malaha qareen, xyquuq racfaan maleh, qaadi la aqoonsanyahay iyo maxkamad midna ma jirto.
Qof xukun xoog ku doonaya miya garsoor heli kara inu si sax ah u rido, kooxda shabaab dad ay habeen iyo maalin dillan aya u xukumaya.
Maha in la tago dhalin lagu gafayo oo xoog lagu heeysto in wareeysi la weeydiiyo oo la yira ka waran waxa jira,wariyahaasi iyo rikoorkiisuba weey gafeen, waxay ku qaldameen xirfada suxufinimo iyo sharciyada la xiriira damiirka, waxayna dacyaad u fidiyeen wax ma garatada shabaab.
Maalin kasta waxa dhinta tobonaan ay ku jiraan dumar iyo caruur oo u dhinta in shabaab iyo xisbul Islaam wax ka noqdaan siyaasada Somaaliya.
Waxa iyaguna dila dad Somaaliyeed gacan ka geeysta askarta dowlada iyo ciddamada an dhaqanka fiicneeyneyn ee Ugan iyo Burundi oo is xilkasnimo dari ah u duqeeya goob shacbi degen yahay.
Haddi qof la gacan gooynayo waxa fiican mida shabaabka yo Xisbul Islaam in loo horeeysiiyo, sababta oo ah waxay xadeen karaamada shacabka Somaaliyeed, waxaeyna dilan dad an wax danbi an galin.
Fu’ad 5go’ale oo dadkan xukumay bal halku ku bartay garsoor, qof kasta oo diinta wax ka bartay ma noqon kara xaakim, maxeeyse tahay magaalada qeeybsan oo aanad gacanta ku heeyn garsoor kala qeeybsan u samee.

Dadweyne.com

Comments (6)

Dadka afgooye oo si aad ah uga cabanaya is qabqabsiga Xisbul Islaam iyo shabaab

Posted on 27 June 2009 by dadweyne

Shacbiga Somaaliyeed ee ku nool magaalada madaxda Degmada Afgooye aya ka cabanaya khilaaf cabsi wata oo ka jira halkaasi oo ka yimid siyaasada an deganeeyn ee labada kooxood ee meesha qabsaday ay ku dhaqmayaan. Xassan Cumarani oo ka soo guuray Afgooye aya sheegay inu ka cabsi qabo dagaal aad u fool xun oo halkaa ka dhaca. “Shabaab ma aqoonsana xisbul Islaam, dhinaca kalena waxay aqoonsan yihiin in iyaga ay joogaan Afgooye,” ayu Cumaraani sheegay. Waxa kalo ku hadlay ninkaasi in Afgooye xata khudaarti ka qaaliyooday. “Gancasatadi imaan jirtay ee noo keeni jirtay wixi an ku noolaan karno ee baxsan khudaarta  weey cabsadeen, shabaab sidi CID marba qofki yimaada wax weeydiinaya.’ Waxa kaleh oo ka cabanaya dhib xaga gaadiidka ah dadka Afgooye. Waxa sheegta in maamul ay u sameeyeen Degmada Afgooye Xisbul Islaam, maamulkaasi oo u badan Beesha Ceyr halka dadka dagaankuna ay ku yar yihiin ama anay kuba jirin. Dableey ka tirsan beesha Ceeye aya si xoog ah ku xukumi jiray Afoggoye 19 sano ee dagaal Sokeeye socday. Waxeyna ka xumaadeen in nooc maamulki hore ah haatan loo bixiyay mid Islaami ah lagu dhawaaqay iyadoon dadki dhulka lahaa lagu tixgalin. Muddo dheer waxa Afgooye xukumay caaqil dagaal Cirfe Cali oo ka soo jeeda Galgudud.

Comments (0)

Ogeysiis Muhiim Ah – Taratan maqaal ka hadlaya nabada oo abaalgud lagu bixinayo

Posted on 27 June 2009 by dadweyne

Taratan maqaal ka hadlaya nabada oo abaalgud lagu bixinayo

1 Qof waa inu soo qoraa maqaal ka hadlaya nabada

2 Maqaalka waa inu ku qoran yahay erayo si cad wax qeexaya ee ku diyaarsan ereyo bilicsan ee hodan ah

2 Waa in laga helo taarikh nabadeed, tilmaam iyo gunaanad wax tar leh.

3 Qof ama ka badan hadii ay wada qoraan maqaalaka weey qeeybsanayaan

Abaalgudka

1 Qofka guleeysta darajada kowaad waxa la siinaya $500.00 (shan boqol dolar).

2 Abaal-marinta labaad waa $300.00 (Saddex baqol)

3 Midka saddexaad waa $100.00

Qoraalka waxa lagu soo hagaajinaya

dadweyne@gmail.net

inaad telefoonkaaga soo raacisid waa rabitaanku gaar ah.

Comments (0)

Ethiopia’s Meles says preparing to step down – FT

Posted on 23 June 2009 by dadweyne

Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi was quoted on Tuesday as saying he was preparing to step down and that discussions on the issue had already started within his ruling party.

“My personal position is that I have had enough,” Meles, who came to power in 1991 when his then guerrilla group ousted former Marxist ruler Mengistu Haile Mariam, said in an interview with the Financial Times.

Meles, whose ruling Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front faces a parliamentary election in June next year, gave no deadline for his departure.

“I am arguing my case and the others are also arguing their case. I hope we will come up with some common understanding on the way forward that would not require me to resign from my party that I have fought for all my life,” said Meles.

“We are not talking about Meles only. We are talking about the old generation. The party needs to have new leadership that does not have the experience of the armed struggle.”

Meles was hailed as part of a new generation of African leaders in the 1990s, but rights groups have increasingly criticised the guerrilla-turned-premier for cracking down on opposition in sub-Saharan Africa’s second most populous nation.
Ethiopia’s political climate is closely watched by foreign investors showing increasing interest in agriculture, horticulture and real estate prospects.

The country is one of the world’s poorest, ranked 170 out of 177 on the United Nations Human Development Index, and one of the largest recipients of international aid.

Ethiopia sent thousands of troops into Somalia in 2006 to help topple an Islamist movement holding Mogadishu and most of the south.

That drew protests from some in the Muslim world and enraged the Islamists, who regrouped to launch an insurgency. The Ethiopian troops withdrew in January. (Editing by Ralph Gowling)

Source: Reuters, June 23, 2009

Comments (0)

Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta oo loogu baaqay in ay kulan degdeg ah ka yeeshan Somalia

Posted on 23 June 2009 by dadweyne

Gudoonka Barlamanka dalalka Carabta ayaa ku baaqay in la qabto Shir deg deg ah oo heer wasiiro ah kaasoo ku saabsan xaaladda ka sii daraysa ee ka taagan Soomaaliya.

Afhayeenka Baarlamaanka Carabta Haweenayda lagu magacaabo Hadiya Bin Caamir ayaa ugu baaqday Jaamacadda Carabta iyo Midowga Africa in ay qabtaan kulan deg deg ah oo ah Xeer wasiir arimo dibadeed oo ku saabsan Xaaladda ka sii daraysa ee dalka Soomaaliya.

Somaliya ayaa waxaa ka socda dagaal Jahwareer ku abuuray Shacabka rayidka ah,iyadoo qaar ka mid ah kooxaha dagaalamaya ujeedada dagaalkooda sal uga dhigeen arrimo diimeed.

Waxaa ay ugu baaqday dhinacyada Soomaalida ee kala duwan in ay midoobaan oo ay wadahadlaan islamarkaana meesha ay ka saaraan Khilaafka iyo gacan ka hadalka u dhaxeeya.

“Waa in la dedejiyaa kaalmooyinka dhaqaale iyo mida Samafal ee la siinayo Shacabka Soomaaliyed”ayay tiri Haweenaydan.

Laakiin doorka Carabta ee ku aadan xal u helida Arrimaha Soomaaliya ayaa ah mid xeerkiisu aad u yar yahay, marka aad eegto dadaalka Midowga Afrika ee xal u raadinta dhibaatada Somaliya

Comments (0)

Dowladda KMG ah oo magacawday Hoggaanka Ciidamada G/gedo

Posted on 23 June 2009 by dadweyne

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa wareegto ay soo saartay Taliye Cusub waxaa ay ugu magacowday Gobolka Gedo ee koofurta dalka Soomaaliya halkaasi oo intiisa badan ay gacanta ku hayaan xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda jiritaanka Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Shariif Sh Axmed.

Wareegto ay soo saartay Dowladda KMG ah ayay ku sheegtay in loo magacabay Taliyaha Ciidamada Gobolka Gedo ee Dowladda Col Axmed Xasan Farey oo sida la sheegay ku sugan degmada Doolow.

Taliyaha cusub ayaa la filayaa in uu ka qeyb qaato howlgal ay sheegtay dowladda KMG Soomaaliya in ay ka fulinayso gobolka Gedo halkaasi oo ay maamulaan xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya.

Magacabista Taliyaha cusub ayaa waxay ku soo aaday xilli gobolkaas ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan Mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamaanka oo ku sugan Doolow

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in howlgalka cusub ee Dowladda ka bilaabayso gobolkaas uu yahay mid qorsheysan oo loola jeedo in gacanta Dowladda galo Gobolkaas oo muhiim u ah Siyaasadda Dowladda maadaama uu deris la yahay dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Comments (0)

Kenya PM hints at military solution for Somalia

Posted on 22 June 2009 by dadweyne

Prime Minister Raila Odinga Monday hinted at a military solution to the crisis in war-torn Somalia.

At a joint press conference with Somalia Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmake at his Treasury office, Mr Odinga called on the international community to consider sending “military assistance” to the war-torn nation to arrest the armed conflict.

“When I was in Geneva last week, I talked to various agencies to help Somalia deal with the problem, and to also help us to deal with the influx of refugees into Kenya. There is also need to provide military assistance to deal with the situation in Somalia,” said the PM.

But he remained non-committal on whether Kenya would send its troops to Somalia , saying the government would meet and make an announcement on the issue “soon”. “I’m not saying that we will send forces to Somalia, we are consulting and will make an announcement soon,” he added.

Mr Odinga spoke in the wake of reports that the Al Qaeda terrorist group had pitched tent in Somalia where it is fighting alongside extremists to oust the transitional government, posing a deadly threat to the stability of neighbouring countries, Kenya included.

The reports that Al-Muhajirun, a terrorist outfit linked to Al Qaeda and commanded by a Kenyan, Saleh Nabhan, had brought to Somalia some of the most dangerous terrorists in the world posed a major concern to Kenya.

Mr Odinga would not be drawn into discussing the government’s response to warnings by Al-Shabaab insurgents operating in Somalia that they would attack Kenya.

Asked his take on threats to Kenya by the insurgent group, the PM responded; “Al-Shabaab is not telling us how to cope with the influx of refugees at the Dadaab camp, I’m therefore not responding officially to Al-Shabaab”.

He cited IGAD and AU resolutions that restricted nations from interfering in the internal affairs of their neighbours to explain Kenya’s reluctance to send troops to Somalia just yet.

Mr Odinga appealed to the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), the African Union (AU), the European Union (EU), the United Nations (UN) and the US government to move in and save the Somalia Transitional Government from being overrun by the insurgents.

He expressed concern that the international community was yet to honour pledges to extend aid to the fledgling Somalia government, amounting to US$213 million, agreed upon during a meeting held in Brussels, Belgium recently.

He warned that the consequences to Kenya would be “very grave” if Mogadishu was to fall to the insurgents, and appealed for international intervention.

Mr Odinga announced that Kenya had offered extra land for the expansion of the Dadaab refugee camp to accommodate the huge number of refugees fleeing from the war in Somalia.

He said that whereas the Dadaab refugee camp used to previously host up to 250,000 refugees, the war in Somalia had meant many more refugees are trooping in by the day, forcing the Kenya government to transfer some to other camps in other parts of the country.

He said that thanks to the rise in pirates attacks in ships in the Indian Ocean, Kenya’s economy was already suffering as insurance firms raise their premiums on goods being shipped to Kenya.

He noted that the ultimate decision to end the crisis in Somalia lay with its own citizens, who must agree to compromise to achieve lasting peace.

Citing the compromise he and president Kibaki had to make to save the country from the post election violence early last year, Mr Odinga noted; “The international community can host meetings at Serena, but ultimately it is upon the people themselves to make compromises.”

Comments (0)

Madaxweyne Shariif”Dalalka deriska waa in ay Ciidamo nagu caawiyan si loo difaaco”

Posted on 22 June 2009 by dadweyne

Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kaga dhawaaqay Xarunta Madaxtooyada xukun deg deg ah oo dalka la gelinayo, kadib markii ay sidaas soo jeediyeen maalmo ka hor Golaha Wasiirada.

Madaxweyne Shariif oo shir jaraa’id wariyeyaasha ugu qabtay Madaxtooyada ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad qatar ah,isagoona ku baaqay in Dowladda la difaaco,waxaana uu sheegay in kooxo argagixiso ay dalka ku soo duuleen.

Sheekh Shariif ayaa difaacay dalbashada ciidamada dalalka deriska oo ay dowladda u yeeratay in muddo 24-saac ku soo galaan dalka si ay u difaacaan,waxaana uu sheegay in dalka la doonayo in la geliyo xaalado adag.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ay dalbatay dowladdiisa aanay aheyn kuwo dhibaato u keenaya shacabka,waxaase uu tibaaxay inay yihiin kuwo wiiqaya awoodaha kooxaha dowladiisa ka soo horjeeda.

Comments (0)

Al-Qaeda threat to peace in East Africa

Posted on 22 June 2009 by dadweyne

An Al-Qaeda force fighting alongside Somali extremists against the transitional government has sent ripples through regional capitals.

Commanded by a Kenyan, the group, called Al-Muhajirun, has 180 well-trained and battle-hardened fighters, some who have seen action in Afghanistan, Pakistan and possibly Iraq.

Al-Shabaab, the Somali militant group which has threatened to annex Kenyan territory, is not itself considered a serious threat to Kenya, a ministry of Internal Security official told the Nation, “not in the conventional sense” and because its main concerns are domestic.

But Al-Qaeda, whose dream is to create a Taliban-type super-state running from Mozambique to the north, has the potential to destabilise East Africa.

Al-Muhajirun has also internationalised the conflict and brought some of the most dangerous terrorists in the world to East Africa’s front door, said the official, who can not be named because of government secrecy laws.

“The extent to which Kenyans are being exposed to these kinds of terrorist things is a major concern,” said a senior police officer who asked not to be named so as to comment freely.

The emergence of a large and well-trained and armed group reflects a dynamic which could have disastrous consequences for Kenya’s future security.

The group is headed by Kenyan Saleh Nabhan, an old Al-Qaeda hand, and many of its members are Kenyan, some of them young people who have been recruited, turned into radicals and sent to fight in the Somali “jihad”, said a regional conflict and peace expert, who declined to be named because of his work with the security services.

Security and defence bosses are concerned that Somalia could become East Africa’s Afghanistan, a country that attracts extremists who are trained in terrorism but who return to their own countries to set up Al-Qaeda networks.

They fear that the war in Somalia will spawn a new breed of war-hardened Al-Qaeda terrorists.

The other members of Al-Muhajirun are Ugandans, Americans, Europeans and Saudis. Others are from other parts of the Middle East and Asia, said the Internal Security official, who is privy to intelligence reports.

A Mr Abu Mansur al-Meriki, a US citizen, is Nabhan’s deputy in the Al-Muhajirun chain of command.

On Saturday, the Speaker of the Somali Transitional Federal Parliament, Sheikh Aden Mohamed Nur, also known as Sheikh Aden Madobe, issued an urgent appeal for Yemen, Kenya, Djibouti and Ethiopia to send forces in Somalia within 24 hours to fight off an invasion by Al-Qaeda jihadists and save the fledgling government.

Speaking at a press conference at Villa Somalia, the State House in Mogadishu, Sheikh Madobe said the Transitional Federal Government was fighting against “international jihadists who have come to Somalia from all the five continents of the globe”.

He claimed that a “general” from Pakistan was now in Somalia and directing the Al-Qaeda. He did not name him but said he was operating out of Bakara market, the biggest trading centre in Mogadishu and around Sana’a, a strategic junction in north Mogadishu.

“This terror will pass on to the rest of the world, especially to neighbouring countries, if not confronted,” he warned.

On Thursday, suspected terrorists killed Somali National Security minister Omar Hashi Aden and 24 others. A day before, Mogadishu’s police chief was killed during a fight with insurgents.

On Sunday, Foreign Affairs minister Moses Wetang’ula said the government would not respond to statements made by the insurgents.

However, he assured the public that Kenya’s national and strategic interests would be protected at all costs.

Restore order

Nominated MP Sheikh Mohamed Dor dismissed threats from the Al-Shabaab group and said Kenya and other regional countries had a duty to intervene in Somalia to restore peace.

“Al-Shabaab should not issue threats, especially against Kenya, that has hosted a lot of Somali leaders,” he said on the phone.

Sheikh Dor warned that the escalating situation in Somalia will affect its neighbours and urged members of the African Union or Inter-Governmental Authority on Development (Igad) to move in and restore order.

Ethiopia, which fought and routed the extremists in 2006, rejected the call for armed intervention and government spokesman Bereket Simon told the Nation in Addis Ababa that Ethiopia would not deploy its armed forces in Somalia without “a clear and approved mandate by the international community”.

“Any further action from Ethiopia will be done according to the international community’s reaction,” said Mr Simon.

Mr Simon, a minister in the Ethiopian government, said helping Somalia was not the responsibility of neighbouring countries, alone but of the international community.

There has been heightened diplomatic activity in Addis Ababa, with Western diplomats reportedly trying to get Ethiopia, an influential nation in the region because of its huge military, to intervene again in Somalia.

The view in Addis Ababa is that the insurgency in Somalia is largely supported by Eritrea and some Arab states. Eritrea, Ethiopia’s bitter enemy, is reported to have put thousands of troops on alert, possibly with the intention of sending them in to back up the extremists should Ethiopia respond to the call for help.

Ethiopian withdrew its troops from Somalia early this year after a tough, two-year campaign.

Defence assistant minister David Musila declined to comment on the deployment on grounds that such matters cannot be discussed in public. But he echoed Mr Wetang’ula’s statement and said Kenya’s national interests will be protected.

“It is not in our normal tradition to discuss matters on national security publicly,” he said.

There has been some speculation that some form of military action was in the offing, possibly under AU or Igad auspices.

But Kenya, which has a relatively large and influential Somali population of its own, has been reluctant to play the aggressor in Somalia and might not attack unless attacked.

But Kenyan security officials appeared to support the Ethiopian position that a multi-lateral, rather than unilateral approach, is the only hope for Somalia.

Comments (0)

Dhanka Ilaahey ma u Cararnaa? (W/Q/ Cabduraxman Baadiyow)

Posted on 22 June 2009 by dadweyne

Dhanka Ilaahey ma u Cararnaa? (W/Q/ Cabduraxman Baadiyow)

“ Xataa haddii qalinkii qalalay, ha quusan oo qoraal ha deyn”

Markii xaajadu xumaato oo meel loo ceyrsado la waayo, markii caqligu fadhiisto oo cayshkuna ciriiri galo, markii naftu soo uruurto oo aad indhahaaga hortooda geerida ka aragto, meesha kaliya oo loo cararayaa waa Ilaahey agtiis. Sidaas, ayaa Ilaahey Qu’aankiisa nagu amray, wuxuuna yiri: “Fa firuu Ila laahi, Inni lakum minhu nadiirun mubiin”, taas oo micnaheedu yahay: ucarara dhanka Ilaahey, anigu digniin cad ayaan idinkaga wadaa dhankiisa. Markaan oo kale, Ilaahey ayaa loo noqodaa, asiga kaliya ayaa loo dan-sheegtaa, asiga kaliya ayaa yuwaada inuu sameeyo waxa uu rabo iyo sida uu rabo. Qofka tooba keenka ah waxaa laga rabaa inuu qalbi saafi ah oo ay ku dheehantahay cabsida Ilaahey la yimaado, si dhab ahna Ilaahey dhankiisa ugu cararo, toobad keen run ahna la yimaado. Xaalka koofurta Somaaliya, gaar ahaan waxyaabaha ka socda magaalada Muqdisho, shuruudda tooba-keenka waxaa ka mid ah in hantidii la boobay loo celiyo dadkii lahaa iyo dhigii gardarada loo daadshay mag laga bixiyo oo laga garaabo. Waxaa la iska rabaa in khaladkii hore loo galay, la go’ansado inaan dib loogu noqon. Waxaa tooba keenka ka mid ah in la wada qiro in dalka, diinta iyo dawladnimada ay Somaalidu shirko ku tahay. Waxaa la iska rabaa in musiibada si wada jir ah loo wajaho oo inta dagaalada dhamaan la joojiyo, wada tashi lagu balamo.

Haseyeeshee, magaalada Muqdisho gaar ahaan, waxaa ka muuqata tallo xumo weyn, ma muuqato tooba-keen saafi ah, ma muuqato u damqashada shacbiga dhibaateysan oo dushooda madaaficda lagu garaacayo. Waxaan mareynaa baroor-diiq kasii baroor-diiq iyo tacsi joogto ah. Waxaan ka sheekeyneynaa qaabka loo dilay waxgarad badan. Waxaan mareynaa qixitaan joogto ah oo aan la garaneyn meesha looga sii qixidoono meesha hadda loo qaxay. Waxaan mareynaa inaan shisheeye kaalmo iyo taageero ka doonano si aan dagaalka dhexdeyna ah usii hurino. Faragelinta Al-Qacidda, Itoobiya iyo Eriteria ayaan marmasiyo ka dhiganeynaa. Dagaalka Somaalida u dhexeeya wuxuu soo jiray muddo dheer, maalinba wuxuu soo gaarayay heer, hadana wuxuu joogaa in lagu diriro magaca “Islaamka”. Waxaa la marayaa in Qur’aanka la isku daliishado, diinta la iska saaro, dhiiggana la xalaashado. Dawladda KMG iyo mucaaradkeeda hubeysan awood ciidan oo ay ku dagaalamaan ma laha, hubka, lacagta iyo tababarka waxey kula xiranyihiin xoogag shisheeye oo ayagu dirirsan, dhiiga daadanayana waa kan Somaaliga.

Markii heerkaan murugsan xaaladu gaarto, dad badan waxaa ka soo hara aamusnaan iyo amankaag. Kuwa kalena waa is-madax-maraan, kuwa kalena waxaa waxey diidaan iney aamusaan waxey cabiraan xaaladooda. Dadka qaar ayaa gabya ayaga oo aan hore loogu baran iney suugaanley yihiin. Hadaba, erayada calaacalka ah ee hoos ku qoran, waxaa mireheeda iska leh oo curiyay ruux aan hadda ka hor gabay ama hees aan lagu aqoon. Miraha heestu waxey iftiiminayaan sida ay ufikirayaan aqoonyahaanada bulshada rayidka ah, gaar ahaan kuwii kasoo shaqeynayay waxbarashda, caafimaadka iyo dhamaan adeegyada bulsha ee magaalda Muqdisho intii dagaalada sokeeye socdeen.

Haddii gobannidu oydo Ilmada ay gabax ka siiso,
Haddii geyigaaga oo dhan La geed-falo oo la gooyo,
Haddii gabalkii dhacaaba, Colaad loo gurbaan tumaayo,
Haddii gulfkaas colaadeed, Gardaro geesh loo dhisaayo.
Haddii gunudaad xirtaba, Mid kale kaa goosanaayo;
Haddii geedkii dhashaaba, La gooyo oo la jirid-gubo,
Haddii goobtii waxbarashaba, Gerwayn loola soo gulfaayo,
Haddii ruuxii garadleba, La gawracoo geeri loo diro;
Haddii aad ku gaaf wareegto, Gumaad iyo geeri joogtaa,
Maxaa kula gudboon! Maxaa kula gudboon!

Tixdaas aan soo sheegnay waxey cabireysaa ruux ka shaqeynaya wanaagga dadkiisa, dhismaha dalkiisa oo wax kasta uu dhisaba ay burburin la daba socdaan kooxaha hubeysan oo aan u naxeyn dadka iyo dalka. Su’aalaha ah maxaa nala gudboon waxaa jawaab ka bixinaya tixda miriheedu hoos ku qoranyihiin, taas oo cabireysa xaaladu sida ay u cakirantahay iyo sida uu yahay dareenka dadweynaha.

Ma garan waxa ila gudboon, Ma garan oo garaad ma lihi;
Ma garan godka la iiwadaa; Ma garan goobanimada iyo
Gunnimo waxey kala gayaan Ma garan goobta loo socdaa;
Gargaar gaal keenayaan Mar kasta gacan hoos dhigtaa
Geelii caanihii gursaday Beertii geed sooma dhalin,
Inaan go’ay waan gartaa! In gablamaan gartaa;
Geediga aan kala go,ayn, Inaan guuraan gartaa;
Geedigu meeshow igeyn Ma garan oo garaad ma lihi

Markii xaalku sidaas soo gaaray ayaa baroorta inta la isku darsaday oo taladii soo oodantay ayaa inta la isfiirshay, waxaa loo cararay dhanka Ilaahey. Markaas ayaa la wada qaaday heestaan Rabbi tuugga ah:

Gargaar waa Ilaah agtiis Galadii waa Ilaah agtiis
Gabaad waa Ilaah agtiis Gacmahaan kor uqaayaa
Gargaar weydiisanaa Ilaahow waa gefnoo
Waddadi waa gees marnee Ilaahow noo gargaar
Ilaahow maa gefnoo Warkaagaan gees marnee
Ilaahow noo gargaar Ilaahow waa gefnoo
Garadkaan gees marnee Ilaahow noo gargaar
Ilaahow waa gefnoo Gardaro weynaan galnee
Ilaahow noo gargaar Ilaahow waa gefnoo
Hadana waa sii gefnee Ilaahow noo gargaar

Markii Ilaahey ummadiisa lunsan u gargaarayo, wuxuu ka dhaliyaa wax garad wanaagga u horseeda, wuxuu siiyaa tawfiiq ay isku raacaan waxyaabaha fiican, ugana soo hosjeestaan waxyaabaha xun. Markii umaadiisa Ilaahey kheyrka la doonayo, wuxuu garaadsiiyaa waddada maamulka, dawladnimada iyo kala dambeynta. Dawladnimo si sax ah loo maamulay oo kaliya ayaa badbaadin kartaa nafta, diinta, maalka, sharafta iyo caqliga. Badbaadinta shataas qodob oo aan soo sheegnay ayaa sal u ah ujeedada dhaqangelinta shareecada Islaamka. Sidoo kale, haddii Ilaahey ummad halaagayo wuxuu madax uga dhigaa kuwooda xun, markaas ay ayey xumaan ku hogaamiyaan. Sidaas ayaa qur’aanka kariimka ah lagu yiri: “Wa-idaa aradnaa an nuhlika qaryatan amarnaa mutrafiihaa, fa fasaquu fiihaa fa-xaqa caleyhal qawlu faddamarnaahaa tadmiiraan”. Micnaheeda guud ahaan waa haddii aan rabno inaan ummad halaagno, waxaan madax uga dhignaa kuwa xun-xun oo kibirsan, markaas ayey fusuq iyo jawro sameeyaan, waxaana ku dhaca amarka ilaahey, markaas ayaan si buuxda u burburinaa.

Ugu dambeystii, aan dhamaan Ilaah u noqono oo dhankiisa u cararno, aan ogaanno in dambiga ugu weyn ee ruux Muslim ah galo, marka laga reebo gaalnimada, ay tahay inuu gardaro ku daadiyo dhiig aadami ah oo Ilaahey karaameeyay iskaba daa dhiigga ruuxa Muslimka ah. Waa inaan ogaanaa in meesha loo socdaa ay tahay meel baas, gobanimada iyo madaxbanaanida Somaaliya ay halis ku jirto.

Comments (0)

Ciidamo Itoobiyan ah oo baaritaan adag ku haaya Gaadiidka isaga kala goosha Hiiran iyo G/dhexe Somalia

Posted on 22 June 2009 by dadweyne

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan ayaa baaritaano ku bilaabay gaadiidka isaga kala goosha Hiiraan iyo gobolada Dhexe ee soomaaliya.

Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka isaga kala goosha gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya iyo dhulka Soomaalidu ay degto Itoobiya ee isticmaala isgoyska kalabeyr ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamada Itoobiyanka ee halkaasi ku sugan ay bilaabeen in baaran gaadiidka Xamuulka iyo rakaabka saaran ee wadadaasi isticmaala.

Ciidamada Itoobiyanka ayaa la sheegay in aysan waxba u dhimin dadka rayidka ah ee nawaaxigaas ka dhaw balse waxay aad ula socdaan gaadiidka kala duwan ee mara wadada Kalabeyrka.

Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka 3 jeer la baaro laguna baaro 3 goobood oo kala duwan,waxayna qaadanaysaa baaritaankaas muddo saacado ka badan.

Itoobiyanka ayaa soo galay Hiiraan Maalmo kadib markii qarax ay Shabaabku soo abaabuleen lagu dilay Wasiirkii amniga Qaranka Dowladda KMG ah Somaliya Cumar Xaashi Aadan.

Comments (0)

Muuqaalka Ninkii Shabaabka Qaldeen ee isku Qarxiyay B/weyne

Posted on 21 June 2009 by dadweyne

Dablayda Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalka iyo magaca qofkii maalintii khamiistii 18-kii Bishan June isku qarxiyay Magaalada B/weyn, gaar ahaan Hotelka Madiina, falkaas oo lagu dilay dad fara badan oo uu ka mid ahaa Wasiirkii Amniga Marxuum Cumar Xaashi Aadan.

Shabakad Internet oo ay leeyihiin Alshabaab oo la soo dhigay magaca iyo muuqaalka wiilkii isku qarxiyay B/weyn ayaa waxaa lagu faah faahiyay qaabka uu u dhacay qaraxa iyo qasaaraha uu geystay.

Bayaanka la soo dhigay bogga Internet-ka ayaa lagu sheegay in Taliska Milatreiga ee Alshabaab ay go’aamiyeen in la dilo mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda uu hogaamiyo Shariif sheikh Axmed, sidaas ay u hogaansameen Kooxda Istishaahida (Is qarxinta).

Weerarkii is qarxinta ee B/weyn ayaa lagu sheegay bayaanka oo ku qornaa Af carabi inuu fuliyay mid ka mid ah dagaalyahanada Alshabaab, waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamed Deerow Sheekh Aadam (Zubeyr) kaasoo watay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo isku qarxiyay kolonyo uu watay Wasiirkii Amniga Col. Cumar Xaashi.

Comments (0)

Itoobiya oo sheegtay in aysan Ciidamo u diri doonin Somaliya haddii aan la helin taageero Caalami ah

Posted on 21 June 2009 by dadweyne

Dowladda Itoobiya ayaa si deg deg ah ugu jawaabtay codsigii ka soo yeeray Dowladda KMG ah kaas oo ahaa in dalalka deriska la ah Somaliya ay ciidamo la soo gaaran somaliya haddii kale dalkaas gacanta u geli doono kooxo Argigixiso ah oo ku xiran Al qaacidda.

Itoobiya ayaa sheegtay in aysan Ciidamo u diri doonin Somaliya haddii aan la helin taageero Caalami ah oo la siiyo Dowladda KMG ah Somaliya si ay u soo celiso amaankii iyo kala dambeyntii burburtay 1991-markii la riday Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre oo Somaliya maamulaysay muddo 21 sano.

Barkat Simon oo u hadlay Itoobiya ayaa yiri Dowladda KMG ah Somaliya waxay qaaday tallaabadii loo baahnaa sidaas darteed waa muhiim in laga jawaabo baahida Dowladda KMG ah.

“Itoobiya waxay aaminsan tahay in la taageero Dowladda KMG ah oo ah Dowlad sharci ah, taageeradaas waxaa looha baahan yahay beesha caalamka, mowqifka Itoobiya waxaa waaye in la helo taageero caalami ah oo wada jir ah”ayuu yiri Afhayeenka Dowladda Itoobiya.

Barkat Simon waxaa uu sheegay in aysan jirin ilaa iyo hadda go’aan ay Itoobiya ku gaartay in ay Ciidamadeena ka joojino howlgal laga fuliyo Somaliya laakiin haddii la helo abaabul caalami ah oo wada jir ah Itoobiya diyaar ayay u tahay in ay Ciidamadeedu u dirto somaliya.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka Itoobiya in Shabaabku ay yihiin koox Argigixiso ah sidaas darteed aysan Shacabka Soomaaliyed taageersanayn Shabaabka, waxaana loo baahan yahay in laga hortago khatarta soo wajahday Dowladda KMG ah ee Somalia.

Maalintii shalay ayaa afhayeenka Barlamaanka Somaliya Sheekh Aadan Madoobe kaga dalbaday wadamada deriska la ah somaliya in muddo 24 saac la soo gaaran Ciidamo gurmad ah oo gacan siiya Dowladda Federaalka.

Comments (0)

Dablayda Shabaab oo Gudaha u galay Xafiiska WFP ee Marka, Shaqaalihii Xafiiska oo la kala diray

Posted on 21 June 2009 by dadweyne

Maleeshiyaadka Al Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ay gudaha u galeen Xarunta WFP ee Magaalada Marka iyagoo ku amray shaqaalihii xaruntaas in ay kala dareeran oo qof walba gurigiisa aado.

Wararka ayaa sheegaya in dablayda Shabaab iyagoo aad u hubeysan gudaha u galeen xarunta Hay’adda cuntada Adduunka ee ku leedahay Magaalada Marka.

Sida uu sheegay goobjoogo ku sugan Marka Dablayda shabaab waxay qalqal geliyeen oo ay cabsi ku abuureen Shaqaalaha Hay’adda WFP ee Magaalada Marka.

Dhamaan ilaaladii xaruntaas ayaa la kala eriyay, lamana oga waxaa ay shabaabku xaruntaas u galeen sidoo kalena wax war ah lagama haayo waxaa ay ku sameeyen xarunta.

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyada Shabaab xalay ku hoydeen xaruntaas WFP ku leedahay Magaalada Marka.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin Xafiiska WFP ee qaabilsan arrimaha Somaliya.

Dhawr ka tirsan Shaqaalaha WFP ayaa lagu dilay somaliya sanadkii tagay iyo kan aan ku jirno, waxaana la aaminsan yahay in falalkaasi ay ku lug leeyihiin dablayda Shabaab.

Comments (0)

Somalia Suicide Attack Snuffs out Promising Political Career

Posted on 20 June 2009 by dadweyne

The suicide bomb that killed Somalia’s security minister also claimed the life of a young Somali diplomat and politician who spent much of his career trying to heal the country’s wounds.

Thursday was Abdikarim Farah’s 39th birthday. But as was the case all too often, he was away from his family. He was in the Somali border town of Beledweyne, a few kilometers from his birthplace, trying to persuade skeptical clan leaders to support Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed’s embattled government.

His wife Mariam was planning to call him with birthday wishes from Addis Ababa, neighboring Ethiopia’s capital, where she stays with their one-and-a-half-year-old twins and six-month old baby.

Then the news came. A suicide bomber had killed Somalia’s security minister, Omar Hashi Aden, in Beledweyne. Among the scores of victims was the former Somali ambassador to Ethiopia. It was Abdikarim.

Abdikarim Farah was Somalia’s youngest ever envoy when he was appointed in 2003 to the important diplomatic post of ambassador to Ethiopia and the African Union. The gifts that made him a skilled diplomat, and before that a highly successful businessman, also made him a natural as President Sheikh Sharif’s envoy to the clans, whose support is essential to the survival of Somalia’s fragile transitional government.

The procession of diplomatic cars to his home in the Ethiopian capital Friday was a tribute to a man U.S. ambassador to Ethiopia Donald Yamamoto called one of Africa’s most effective and visionary politicians. Ethiopia’s deputy foreign minister, Tekeda Alemu, described him as a true Somali patriot

“I have always known him to be a committed Somali, interested in advancing the cause of peace and national reconciliation in his country,” he said. “Therefore, it’s tragic and a huge loss for Somalia, the sub-region and to Africa as a whole.”

The government in Mogadishu issued a statement condemning the suicide attack in Beledweyne. The statement read in part, “these bloody murderers will not succeed’.”

But outside Abdikarim Farah’s Addis Ababa home Friday, the Somali exiles who came to mourn said efforts at stabilizing their lawless country are complicated by 18 years of virtual anarchy that has allowed criminal business interests to thrive.

Mohamud Isse was Abdikarim Farah’s cousin. They were schoolmates in Mogadishu, and partners in London where their family fled when Somalia was falling apart in 1991. He says Farah was worried by the recent arrival of foreign fighters in Somalia, who see the lawless Horn of Africa nation as a safe haven.

“Now, international crime organizations, what I call extremists, have come together, and they really want to destroy the Somali government and lead Somalia,” said Isse. “And its’ really worrying all East Africans, not only Somalis. What’s happening now is well-organized crime from all over the world.”

Isse says his cousin Abdikarim Farah’s diplomatic skills allowed him to work for the administration of former Somali president Abdullahi Yusuf, and to continue serving President Sheikh Sharif, even though the two leaders represent powerful opposing clans.

One of Farah’s strengths was that he was not a member of either of the country’s main clans.

Isse says what motivated Farah to work for both presidents was his firm belief in the need for functioning central government in Mogadishu.

Diplomats and family friends gathered at Farah’s house Friday say his death, along with that of Security Minister Hashi, are a harsh blow to their dream of a unified Somalia, but not a fatal one.

Source: VOA, June 19, 2009

Comments (0)

Dowladda KMG ah Xaalad deg deg ah ku dhawaaqday

Posted on 20 June 2009 by dadweyne

Dowladda halis ku haayan kooxaha Argagixisada Caalamiga oo ay ka mid yihiin Shabaab,Xizbul Islaam iyo Dagaalyahano Al Qaacidda ah ayaa ka dalbatay beesha Caalamka in ay deg deg u soo gaaran kadib markii ay kulan yeesheen Golaha Wasiirada ee lagu wareegsan yahay.

Shirka wasiirada

Wasiirka Warfaafinta oo kulankaas kadib la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in ay codsi deg deg ah u direen Beesha caalamka,gaar ahaan Qaramada Midoobay,Jaamacada Carabta,Ururka Midowga Islaamka,Midowga Afrika,IGAD iyo Midowga Yurub si loo badbaadiyo ayuu yiri jiritaanka Dowladda sharciga ah ee Somaliya.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa isku raacay in dalka lagu soo rogo Xaalad deg deg ag,iyadoo dhaqanka go’aankaas uu bilaaban doona marka uu Madaxweynuhu saxiixo go’aanka Wasiirada soo saareen.

Wasiirada Dowladda KMG Soomaaliya ayaa Waxaa ay dhamaan Ururadaasi  iyo wadamadaasi ka dalbadeen in ay ka difaacaan kooxo ay ku sheegeen argagixiso doonaysa in ay bur bursiso Jiritaanka dowladda KMG Soomaaliya.

Go’aankan wuxuu soo baxay waqti yar kadib markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ka dalbaday dalalka deriska la ah Somaliya in ay la soo gaaran Ciidamo gurmad ah oo ka badbaadiya Dowladda kooxo argigixiso ah.

Sida la sheegaya oo la xaqiijiyay kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ayaa waxaa si weyn gacan dhinacyo badan leh ka helayaan Al Qaacida iyo dalka Ereteriya.

Comments (1)

Somalia’s speaker says needs urgent military help

Posted on 20 June 2009 by dadweyne

Somalia’s neighbours should send troops to help its embattled government within the next 24 hours, parliament speaker Sheikh Aden Mohamed Madobe said on Saturday.

Two legislators have been killed in the last two days in intensified fighting between government forces and hardline Islamists trying to oust the Horn of Africa nation’s leadership.

Al Shaabab insurgents stepped up an offensive against Somalia’s government last month and on Thursday killed the country’s security minister and at least 30 other people in a suicide car bomb attack.

They also killed an MP in northern Mogadishu on Friday
“We are asking the world and neighbouring countries to intervene in Somalia’s situation immediately,” Madobe told a parliament meeting urgently convened as the opposition fighters advanced toward the presidential palace.

“We want them to come here within 24 hours,” he said.

“We’ve been forced to make this request because of the escalating violence. Those fighting the government are being led by a (former) Pakistani army general, they are burning the flag and killing people,” Madobe said.

Kenya said on Friday that it will not sit by and allow the situation in its neighbour to deteriorate further because it would destabilise the rest of the region.

Kenya and other countries in the region as well as Western nations fear that if the chaos continues in Somalia, groups with links to al Qaeda will become entrenched and threaten the stability of neighbouring countries.

Kenya said on Friday that the African Union was committed to beefing up its 4,300-strong peacekeeping mission in Somalia and helping to build a police force.

But an al Shaabab spokesman warned Kenya against any intervention.

“Kenya had been saying that it will attack the mujahideen of al Shaabab for the last four months. If it tries to, we will attack Kenya and destroy the tall buildings of Nairobi,” Sheik Hasan Yacqub told reporters in the southern port city of Kismayu.

Fighting in Mogadishu since May 7, in which about 300 people have been killed, is the worst for years and the chances of a negotiated peace are waning, analysts say.

In 2006, Ethiopian sent troops to Somalia to defend the government against Islamists. They withdrew earlier this year but local media has reported that villagers have seen them back on Somalia soil.

Source: Reuters, June 20, 2009

Comments (0)

Walad Abdalle oo ka dhunsan Xilkii looga baahnaa

Posted on 20 June 2009 by dadweyne

Ergayga gaarka Qaramada Midoobay, Axmedu Walad Cabdalla, Safiirka Somaliya dalka Talyaaniga, Nuur Xasan Xuseen iyo ninka Siyaasadda sida kaftanka ah ku soo galay Axmed C/salaam Aadan ayaa ku jooga dalka Norway safar aan micno badan lahayn oo qarashkiisa duulimaad iyo Hoteelyo ay wax badan u tari lahaayen dadka ku rafaadsan somaliya.

Walad Cabdalla, oo aan la hayn qof kur ka fiiriyaa waxqabadkiisa waxaa uu qaada tallaabo kasta ay la noqoto marka ay garashadiisa soo gasho ama ay u sheegan qaar lagu tilmaamay Lataliyaal oo inta badan u sheega marba wuxuu jacayl yahay iyagoo aanin ka fiirin soo jeedintooda sharafta Xafiiska Qaramada Midoobay iyo wax tarka taladooda u yeelan karto Shacabja ka rafaadsan dhinaca Nolosha,Nabadgalyda iyo sidii ay u heli lahaayen nolol Maalmeed Caafimaad qabo.
Safarka Norway waxaa uu ku dhisnaa been Abuur, is tus iyo in ay dib ugu sheekeystaan Seddaxdan qof been ay horey isugu sheegeen.
Doorashadii ka dhacday Jabuuti waxaa ay isku sheegeen Walad Cabdalla, Nuur Cadde iyo Axmed C/Salaan in Shariif Sh Axmed aanin heli doonin jagada Madaxweynimo ee markaas taagnaa tartankeedu balse la dooran doono Nuur Xasan Xuseen.\
Axmed C/salaam riyadaadi waxaa uu ka gaday qof kasta oo ka qaadan kara,wuxuuna muujiyay inaan shakiga kaga jirin cod tiro badan oo Madaxweynimo uga guuleysan doona Ex Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Hase yeeshe waxaa uu dalabkii Nuur Cadde iyo Axmed C/salan ku soo ururay in ay codsadaan in Safiirnimo la siiyo.
Dowladad Shariifka ka madaxda yahay waxaa ay ogolaatay in la siiyo Xil Safiirnimo Nuur Xasan Xuseen Balse laga gaabsado Axmed C/salaam oo dowladdu aanin garanaynin waxaa uu taro.
Dowladda Norway waxaa ay gacan weyn ku lahayd heshiiska Badda ee la diidan yahay intiisa badan ee ay saxiixeen Maamulka Shariifka iyo Dowladda Kenya.
Saxiixaa ka hor waxaa Muqdisho tagay Wafdi ka socda Nowray oo u soo jeediyay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid inuu saxiixo heshiiskaas.
Waxaa suurtagal ah I Shirkadihii heshiiskan ku lug lahaa ay Mas’uul ka yihiin marti qaadka loo fidiyay 3 dan nin oo aan la heli Karin sabab suurtagal ah ee ka dhigaysa in ay kulmaan Norway.
Halkaa waxaa lagu Guddoonsiiyay Biladu aan la garan Kareyn waxaa ay ku saabsan yihiin iyo sababaha loo qaatay,dadka ka faalooda Siyaasaddana waxaa ay ku tilmaameen dhoolutuskaasi mid ku saabsanaa in loogu dabaaldego xil ka degi taankii Madaxweynihii hore Dowladad Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed.

Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay,waxaa fiican in uu si weyn u fahamo in faraq weyn u dhaxeeyo Shaqsiyaadka lacagta ceyrta ku qaata Norway iyo Shacabka ku dhibaataysan dalkooda ee u baahan xal Siyaasi ah.
Kulanka 3 dan ruux, dhawrka ajanabiga ah iyo intii farxada ka waday Norway waxaa uu ku soo aaday markii shacabka Somaliyed ugu baahi badnaayen ee ay doonayeen Nabad waarta iyo xal caadil ah iyo dib u dhis dalkooda lagu sameeyo.

Comments (0)

Ciidamada Dowladda oo dib u qabsaday

Posted on 20 June 2009 by dadweyne

Dagaal aad u xoog badan ayaa haatan ka socda degamada yaaqshiid iyadoo ciidamada dowlada ay dib ula soo wareegeen goobihii ay saaka xoogaga ka soo horjeeda ay gacanta ku dhigeen waxaana haatan dagaal xoogan uu ka soocdaan gudaha degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo ay ku soo biireen ciidamo uu hoogaminaayo Sheekh Yuusuf Indho cadde iyo Ciidamo uu wato cabdi qeybdiid ayaa waxaa ciidamada dowlada u suurto gashay inay dib u qabsadaan goobihii ay saaka kala wareegeen ciidamada ka soo horjeeda.

Sida ay dad goobjoogayaal ah xaqiijiyeen ciidamada dowlada ayaa la wareegay degmada shibis oo dagaalka saaka uu ka socday iyagoo sidoo kale ka saaray xoogaga ka soo horjeeda Isgoyska Sanca waxaana haatan dagaalka uu ku sii durgay dhinaca degaan dega degmada Yaaqshiid.

Dagaalka oo marba marka ka danbeysa sii xoogeysanaya ayaan la sadaalin karin halka uu ku danbeyn doono madaama uu dagaalku u eg yahay mid ah is jiid jiid ah oo qoloba mar dib loo riixayo.

Sidoo kale lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah ee dadka ay waxyeelada ka soo gaartay dagaalkani madaama uu dagaalka haatan ka socda Degamada Yaaqshiid mana jirto cid ku howlan inay dagaalkani qaboojiso.

Comments (0)

Meydkii Inj Caddow oo Shabaabku ku dhoolatusanayaan

Posted on 20 June 2009 by dadweyne

Meydkii Allaha u Naxariiste Marxuum Maxamed Xuseen Caddow,Xildhibaan,ayaa kooxda wax ma garatada ah ee Shabaab ay soo bandhigeen iyagoo ka codsaday dadweynuhu in ay daawadaan.
Marxuumka oo ahaa shaqsi aad wax u soo bartay oo leh taqasus Injineer waxaa dilay Shabaabka iyo dagaalyahanada shisheeyaha oo gurigiisa ku soo weeraray .

Enjineerku oo ahaa qof Nabadda raadin jiray waxaa uu isku difaacay si aad ah ilaa ciidankiisa goobo kala duwan laga soo weeraray.

Wax ma garatada shabaab ayaa qaatay meydka oo la sheegay in ay sawiro ka qaadayeen ay u gudbinayaan kooxda ay ka amar qaatan ee Al qaacidda.

Shabaab meydka Marxuumka waxay kala baxeen lacag badan oo jeebabkiisa ku jirtay,gurigiisana waxay ku qaadeen bilalaqo baxsan oo ayni ka tagin dhar iyo maacuun.

 

 

Comments (0)

Aadan Madoobe “Ciidamada dariska somaliya ha noo soo gurmadan.”

Posted on 20 June 2009 by dadweyne

“Ciidamada dalalka deriska la ah Somaliya waa in ay soo gurmadaan oo ay soo galaan dalka somaliya si ay u badbaadiyaan dowladda KMG ah,”sidan waxaa yiri Aadan Maxamed Nuur Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah Soomaaliya.

Wuxuu ku daray gudoomiyihu intaas in dalkan ay soo weerareen calooshod u shaqeystayaal ka tirsan Al qaacida iyo xubno Argagixiso ah oo dalka soomaaliya jooga
Guddoomiyaha Baarlamanka KMG Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh Aadan Madoobe) Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu wadamada dariska la ah Soomaaliya ka codsaday in ay ciidamadadooda Saacadaha soo aadan ay u soo diraan Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu Shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay arimo dhowr ah waxaana uu ugu hureyn Wadamada Kenya.Jabuuti,Ethiopia iyo Yemen uu ka codsaday in 24-saac gudahooda ay ciidamo u soo diraan Soomaaliya maadama sida uu sheegay awoodii dowladda KMG Soomaaliya ay wiiqeen xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda Soomaaliya.

“Go;aankan waxaa ka fadhiistay xubno ka tirsan Baarlamaanka,waxayna isla ogolaadeen in dalalka deriska la ah soo galaan dalka si loo badbaadiyo jiritaanka Dowladda KMG a,”ayuu yiri Sh Aadan Madoobe.

Dagaalada looga soo horjeedo dowladda KMG Soomaaliya ayuu sheegay Sheekh Aadan Madoobe in uu hogaaminyo sarkaal sare oo ka tirsan Al Qaacida oo u dhashay wadanka Pakistaan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in wadamada dariska la ah Soomaaliya ay halis ku jiraan hadii meesha ay ka baxdo dowladda Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in iyana weerar lagu yahay.

Bishii Decembar 2006 dii dalka somaliya waxaa soo galay Ciidamo Itoobiyan oo gacan siinayay Maamulkii C/llaahi Yuusuf Axmed si ay uga badbaadiyaan midowgii maxkiimta oo waqtigaas aad u hubeysanaa una hoggaaminayay shariif sh axmed oo hadda ah madaxweynaha somaliya.

Comments (0)

Dagaalo ka socda xaafadaha Shibis,Kaaran iyo Yaaqshiid

Posted on 20 June 2009 by dadweyne

Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG ah iyo Maleeshiyaadka Isbaheysanaya ee Shabaabka iyo Xisbul Islaam ayaa ka socda degaano ka tirsan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Muqdisho.

Dagaalkaani ayaa saakay aroornimadii hore waxaa uu ka bilowday Xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir iyadoo dagaalkuu uu markii dambe ku sii faafay degmada Shibis ee gobolka Banaadir halkaasi oo ay isku fara saareen ciidamada dowladda iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda.

Dhinacyada Dagaalamaya ayaa waxaa ay guulo ka kala sheegteen dagaalada u dhaxeeya ee ka socda degmooyinka Shibis,Yaaqshiid iyo Kaaraan.

Maclin Xaashi oo ka mid ah saraakiisha Ururka Xisbul Islaam ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii ka dhacay degmada Kaaran iyo Shibis ay guulo ka gaareen isagoo intaasi raaciyay in ay haatan ku dhow yihiin Agagaarka Hotelka Global ee Magaalada Muqdisho.

 

Farxaan Casanyo oo ah Afhayeenka ciidanka militariga dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu beeniyay warkasi ka soo yeeray Macalin Xaashi,isagoo intaasi sii raaciyay in ay haatan ku sii siqayaan ciidamada dowladda agagaarka Warshadii Baastada ee Magaalada Muqdisho Sida uu hadalka u dhigay.

 

Dagaaladan ayaa waxaa ay dhaliyeen khasaarooyin dhimasho,dhawaacyo iyo barakac kumanaan qoys oo guriyahooda ka cararay iyagoo xitaa nolosha caadiga ah ku adag tahay.

 

 

 

 

 

Comments (0)

dadka la diriraya dowladu ma heeystaan Diinta slaam, R/W C.Cabidrashiid

Posted on 19 June 2009 by dadweyne

Raisul Wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali “Sharmarke” ayaa qeexay dadka la diriraya Dowlafiisa ku doodaya iney yihiin dad an heeysan caqiidada Islaamka.

“Waxa maqaleeysa qof ayay ku dileen masaajid u ku tukanayay, waxaeyna sameeyeen wax kasta oo Islaamku fogeeyay, sidaad darteed maha dad Muslimiin ah,” ayu yiri Sharmarke oo la hadalayay saxaafada isagoo jooga caassimaad Somaaliya.

“Cabsan meeyno, ka gaban meeyno argagixiso ka amar qaadata shisheeye oo dalka Somaaliya gaarsiiyay dhib.

Waxa la sheego shabaab iyo al qaacida, aragagixiso anaga waa iskugu kaayo mid.”

Waxa kaloo u sheegay in ay been tahay in Baladweeyne lagu dilay dad Etoobiya ka yimid.”

Horjoogayaasha shabaab aya sheegay in saraakiil ka soda Etoobiya lagu dilay qaraxi lagu  beegsaday saraakiil Dowlada ku meel gaarka ah ee Somaaliya oo u sareeyay Marxuum Cumar Xashi Aden, Wasiirki Amniga Qaranka ee Somaliya.

Comments (5)

Shabab qofka ay gowracaan maxay u qaataan madaxiisa

Posted on 19 June 2009 by dadweyne

Dad badan oo Somaaliya aya is weeydiiyay sababta ay shabab qof ay dilaan madaxiisa u qaataan, waxaana la xaqiijiyay in dad ay shabaab dileen haddana ay duugeen la arkay iyaga meydka madaxiisu maqanayay marki xabaalaha la baaray.

Dad badan ku kala sifeeyay arrin badan, qaar waxay ku tilmaameen sixir, kuwa waxay dhaheen waa caro ay u qabaan qofka ay dillen ee xata haddi u dhintay balse inta badan waxa ay ku tilmaameen iney tahay iney tuseen al qaacida iney dileen qofkaasi madama ay kooxdu aad u jeceshahayiney aqoonsi ka helaan kooxda qaacida.

Laba todobaad ka hor waxa lagu arkay xaafada baraka ee koonfur muqdishi lix madax oo rag oo laba ka mid ay leeyihiin garka sunaha ah, waxaeyna u muuqdeen dad ay ugu shakiyeen in ay taageersan yihiin Ahlu Suna Wal Jameeca oo ah urur dimeed la dagaalama kuwa diinta sida ay rabaan u tarjuma sida shabaab.

Sidoo kaleh shabaab waxa ay dilaan dadka ku hadla telefoon mudooyin badan ama ka yimaada dibada ee ku fikira iney dib u noqdaan ee horey ugu biiray shabaab. Waxayna sheegaan inu ku “shahiiday meel heblaayo”. Dhalinta qaarna waxay ku qasbaan ionu isqarxiyo.

Diintu ma ogola in meeyd la sito kolba meel la geeyo mar haduu dhintay laakin shabaabka meydka dadka ay dilaan qaar ayeey qaataan.

Comments (0)

Wax ma garatada shabaabka oo qoorta ka jaray Enj Maxamed Xuseen Caddow

Posted on 19 June 2009 by dadweyne

War goor dhaw naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Shabaab iyo Xisbul Islaam ee weerarka hubeysan ku haaya degmada Kaaran ay dileen Xildhibaan Eng Maxamed Xuseen Caddow oo ka mid ahaa si akhri

Comments (0)

Muuqaalka Hotelka Madiina ee uu shalay ka dhacay qaraxii Is-miidaaminta ahaa? (Daawo Sawirrada Hotelka)

Posted on 19 June 2009 by dadweyne

Waa Muuqaalka Guud Hotelka Madiina ee Magaalada B/weyne halkaas oo shalay Qarax lagula beegsaday Wasiirkii Amniga Somaliya Cumar Xaashi Aadan isla markaana Wasiirka iyo xubno kale ay ku dhinteen

43

Comments (0)

Magacyada Dadkii shalay ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay B/weyne

Posted on 19 June 2009 by dadweyne

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo ku aadan magacyada dadkii ku geeriyooday Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolak Hiiraan.

 

Magacyada Masuuliyiintaani ku geeriyooday Ayaa waxaa ugu horeeyay wasiirkii Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan,waxaana Magacyada saraakiishaasi ay kala yihiin sidan hoos ku qoran.

 

1. Xildhibaan Cumar Xaashi Aadaan (wasiirkii Amniga Qaranka)

2. C/kariin Faarax Laqannyo (Ambasador)

 

3. Max’ed Cabdi Yaroow (Gaashaanle sare)

 

4. Max’ed Barre Fiidow (Gaashaanle Sare)

 

5. Cumar Xasan Dhudi (G/sare iyo Taliyihii Ciidanka Asluubta Hiiraan.)

 

6. Yuusuf Xuseen Tima Cadde (Korneel.)

 

7. Faarax Cabdule Fiidow (Nabadoon.)

 

8. Xasan Dariiqow (Nabadoon.)

 

9. Xasan Cilmi Hure (Nabadoon.)

 

10. Axmed Carabay (Nabadoon)

 

11. Cilmi Shire (Nabadoon)

 

12. Max’ed Cabdi Cibaar (Abwaan)

 

13. Cabdi Dhuux Guure Cali (Abwaan).

 

14. Buule xaashi Aadan (Ganacsade)

 

15. C/fitaax Cali xaydar (Injineer)

 

 

Sidoo kale Wareegtadaasi lagu soo bandhigay magcayada dadkii ku geeriyooday qaraxii shalay ayaa dadka kale ee ku geeriyooday waxaa ku jir 23-qofood oo isugu jira Saraakiil sare sare iyo Ilaalada Wasiirkii Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya.

Comments (0)

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Qaraxii lagu dilay Wasiirkii Amniga Somaliya

Posted on 19 June 2009 by dadweyne

Wakiilka Gaarka ah ee Xogyahaha Guud ee Qaramada Midoobey Axmed Walad Cabdalla ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii is qarxinta ee lagu qaarijiyay Wasiirkii Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi Aadan,kaas oo shalay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu nin naftii hure ah isku qarxyay Hotel uu Magaalada Beled weyn ka deganaa.

Axmed Walad Cabdalla ayaa sheegay in falkaas uu ahaa mid aad u naxdin badan,isla markaana uu ku eedeeyay inay ka dambeyso ururka Al-Qaacida,waxaana uu falkaas ku tilmaamay inay qeyb ka tahay isku dayada la doonayo in lagu afgambiyo Dowladda sharciga ah ee Soomaaliya.

“Qaraxaas waa ficilo aan wanaagsaneyn,balse ay tahay in laga feejignaado,waxaan aaminsanahay in rag ka tirsan shabakada alqaacida inay fuliyeen”ayuu yiri Axmed Walad Cabdalla.

Walad Cabdalla ayaa sidoo kale sheegay inay baarayaan kooxaha ka dambeeyay weerarkaas,wuxuuna sheegay inay baari doonaan ruuxa is qarxiyay inuu soomaali ahaa ama ajaaniib iyo hadii uu soomaali yahay qoyskiisa,magaciisa iyo reerka uu ka soo jeedo.

Sidoo kale Axmed Walad Cabdalla ayaa sheegay tan iyo dowladda KMG markii ay soo gaartay gudaha magaalada Muqdisho in qabatay waxyaabo aad u badan balse dhanka kale gudaha magaalada Muqdisho ay ku soo qulqulayeen labadii bilood ee ugu dambeysay qaar ka mid ah ururka Alqaacida sida uu hadalka u dhiga

Dablayda Shabaabka ayaa sheegtay Qaraxaas halka Afhayeen u hadlay Xizbul Islaam isna yiri waan ku faraxsanahay dilka Cumar Xaashi

Comments (0)