Qeeybaha| Wararka

Shabab oo ciidan gurmad ah uga baahan Shabeelada Dhaxe

Posted on 31 May 2009 by dadweyne

Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowlada aya sheegay in kooxda shabaab u baahdeen ciidan taakuleeyn kadib marki ay dadka degaanka la dagaalameen oo si buuxda loo diiday joogitaankooda xooga ah.

Isago magaciisa diiday in la sheego ayu sheegay sarkaalku in dad shacabka halka ku nool ay ku qasbi doonaan kooxdani iney ka soo cararaan deegaanada u yiri xoog ayey ku joogaan.

Ila hadda lama helin afhayeenka shabaab si u jawaab uga bixiyo.

Haddi ay shabaab ciidan u diraan dhulkaas waxa dhici karta iney ka geeystaan xad gudubyo baahasan ee lid ku nolosha dadka.

Sidoo kaleh arrintani waxa si weeyn ay u dhimeeysa tamartooda askarinimo madaama ay yihiin jabhad tamar daran.

Axmed Sheekh oo ah nin u dagaalada diffaca Shabeelada Dhaxe aya sheegay in ay kaligood ku filan yihiin iney iska bixiyan shabaab balse ay dowlada uga baahan yihiin taakuleeyn dhinaca rasaasta.

Sidoo kaleh waxa ay u baahan yihiin dagaal yahanada degaanku taakuleeyn daawo.

Shabaabka waxa la sheegay iney kaalmo ka helaan al qaacida oo wakiil ay uga yihiin Soomaaliya.

Dagaaladu inti ay bilaabmeen Jowhar iyo deggganada u dhow waxa ku dhintay ilaa 20 qof, sida ay sheegeen ilo muhiim ah oo dagaalka lug ku leh.

Maxmed Cabdillaahi

Jowhar

Leave a Reply