Qeeybaha| Qubane

Afhayeenka cusub ee al Shabaab oo aad loola yaabay dagaal jaceeylkiisa

Posted on 31 May 2009 by dadweyne

Cali Maxamuud Raage oo ah afhayeenka al shabaab ayaa lagu tilmaamay nin dab huriye ah oo an wax fikrad ah ka heeysan nabada guud ahaan iyo baahida loo qabo midna.

Raage ila inti u qabtay xilki u ka tagay Mukhtar Robow Cali aya waxa kaliya oo u sheegaya in lala dagaalamayo Ciidamada Midow Africa iyo kuwa Dowlada ku meel gaarka ah.

Marna afkiisa kama soo bixin wax waan waan nabadeed ah dhowrki mar ee u hadlay, dadka ku dhowa mudadi u joogay Gobolada Dhexe waxa sheegeen in markasta u hurin cadaawad.

Waxa degaanka ka baxay marki ay soo xoogeeysteen xogaga ahlu suna wal jameeca oo soo bara kiciyay shabaabka.

Robow waxa u iska gaabsaday marki u fahmi waayay sida askarta shabaab u dhaqmeeyso.

Qof kasta oo garashadiisu si buuxda u joogto waxa u garan kara in dagaal aney jirin cid ku guleeysan karta balse loo baahan yahay wada xaajood iyo olole nabadeed ee wax lagu qaban karo si marka hore loo soo yareeyo khilaafka kadibna la helo qaab loo wada hadlo.

Balse afhayeenka waxa la mooda in u yahay wakiil ciidan dalkan kaligood qabsan kara, miyanu ogeeyn in ciidanka shabaab si buuxda loogu jabiyay gobaladfa dhaxe oo ishu ka aha horjooge.

Dagaaladn u ku baaqayo waa inu joojiya.



1 Fikradaada

  1. asmad Says:

    War nimankaan damiir malahan.
    waligoodba mooryaan ayay so ahaan jireen, dadka ayay dhici jireen , haweenka xoogijireen wax walboo xun ayay so sameyn jireen, iyago dantooda ahayd qabiil kina ha xoogeysto oo dadka ha gumeysto.

    marka maanta in ay labadood ayaadood soo aqristaan ayaya ku leeyihiin diiinta islamka ayaan ku dhaqmeynaa waa beentood tuugada shayadiinta ah.

    illaahey hanaga qabto balaayada ay hurinaayaan.

Leave a Reply