Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, kooxo hubeysan ayaa isku deeyay in ay toogtaan Wasiirka Amniga Qaranka Dowladda KMG ah Somaliya Cumar Xaashi Aadan oo xilligaas ka gudbayay degaanka Goday isagoo doonayay inuu u talaabsado gudaha dalka Somaliya.
Wasiirka Amniga Qaranka Dowladda KMG ah Col Cumar Xaashi waxaa uu diyaarad ka raacay Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya isagoo kaga degay Magaalada Goday markaas kadibna waxaa uu qorsheynayay inuu u talaabsado dhinaca Soomaaliya balse kooxo hubeysan ayaa isku deeyay in ay dilaan Wasiirka iyagoo ku qaaday weerar hubeysan.
Laakiin Simon Barakat oo u hadlay Dowladda Itoobiya ayaa beeniyay warkan,waxaa uu sheegay in Wasiirku uu caafimaad qabo isla markaana uu joogo dhul Nabadeed waa sida uu hadalka u dhigay
Lama oga Sababta Cumar Xaashi Aadan u tagay Magaalada Goday ee dalka Itoobiya,waxaase la aaminsan yahay in Dowladdiisu dagaal adag kula jirto kooxaja Al Shabaab iyo Xisbul Islaam.
Ilaa iyo hadda Cumar Xaashi Aadan wax war ah kama soo saarin ama ma uusan ka hadlin wararka sheegaya inuu ka badbaaday isku day dil ah isagoo ku sugan Magaalada Goday





