Qeeybaha| Qubane, Wararka

Sarkaal dhawaan ku soo biiray Xisbul Islam oo la dilay

Posted on 30 May 2009 by admin

Sarkaal sare oo ka tirsanaa xoogaga Muqaawamo ah oo dhawaan ka soo tagay  dowladda KMG isla markaana isu soo dhiibay Xisbul Islaam  ayaa Caawa lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

xamar

Ninkan oo ahaa nin horey uga torsanaa Shabaabka iyo Maxkamadaha Islaamiga kuna eedeysanaa dilal badan oo loo geystay dad ka tirsanaan jiray Maamulkii hore Gobolka Banaadir iyo Shaqsiyaad kale ayaa la dilay xilli uu ku sugnaa gudaha Suuqa Bakaaraha oo ah meel ay u badan yihiin kooxaha Dowladda ka soo horjeeda.

C/qaadir Xamza Abuu Qataatoow waxaa dilay sida ay sheegayan wararka  kooxo hubaysan oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn cidda ay ka tirsan yihiin,waxaana lagu dilay  Suuq Bakaaraha gaar ahaan Agagaarka Isgoyska Black Sea ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay Xisbul Islaam ayaa ayaa caddeeyay dilka Sarkaalkan dhawaan kooxdooda ku soo biiray balse waxaa uu yiri ma garanayo sababta loo dilay.

Sarkaalkan la dilay waxaa uu ahaa nin caan ah oo dadka ka ganacsada Suuqa Bakaaraha si weyn u yaqaanan

Leave a Reply