Qeeybaha| Diinta

Calan Towxiid Ku Qoran Yahay oo Lagu Dilo Muslimiinta

Posted on 30 May 2009 by admin

Dad badan aya rumeeysan in kooxda shabaab caalanka madoow ay ka taagaan meelaha ay qabsadaan iney garsho u leeyihiin ama wax fikra ka heeystaan balse arrinkaasi waa been oo waxa u dhiibay calankan dad u ku soo qaatay hanti oo ay u soo dhoiibtay kooxda al qaacida.
Badanka askartu waxba kama oga ee weey iska xambaarsan yihiin.
Calankan waxa ku qoran towxiida balse waxa wata dad Muslimiin an wax galansan dila maalin iyo habeen.
Somali manta waxa ka socda dagaalo aad u fool xun oo la isku adeegsaday hub, fikradu iska soo horjeeda, beelnimo iyo Nasiib daro diinta muqadiska ah ee Islaamka oo laga dhigay mid la isku tuur tuuro oo qof walba si gaar ah u sheegto.
Shareecada Islaamku waa mid qeexan oo si buuxda ugu tilmaaman Kitaabka Qur’aanka iyo Sunadii Nabigeena Mohamed Nabadgalyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaate.SOMALIA MILITIA

Waxaase ka dhacday in sida hoobiyaasha iyo Madaafiicda goobta la isugu tuurayo Aayadaha Qur’aanka iyagoo la waafajiyay Micnahooda dano gaar ah oo qof walba iska dhigayo muumin ku dagaalamaya sareynta shareecada Islaamka iyo Muslimiinta,halka kan ka soo horjeeda loo daliilinayo Aayadu lagu kufaarsiinayo ee looga bixinayo Muslimnimada laguna xalaalanayo dilka naftiisa iyo dhaca Maalkiisa.
Eedeha noocaan ah ee koox si gaar ah diinta u sheeganaysa waxaa horsed u ah kooxda Al Shabaab oo si muran aan ka jirin u xalaalaysay dhiiga Walaalahooda iyagoo aan marna eegin Qodobada Islaamiga ah ee la xiriira Garsoor waafaqsan Shareecada Islaamka.
Kooxda Marka hore maba aaminsana in ay u dagaalamayaan Shareecada Islaamka meelmarinteeda iyo in ay wadaan Halgan Islaami ah, sababtoo ah haddii ay og yihiin waxaa ay sameynayaan in ay Shareecad ku fadhido wejogooda ma dabooli lahayn sababto ah waxa is qariya oo wejigiisa bedela qofka ku dhaqaaqaya ficil xun ee ka baqaya in la aqoonsado ama la qabto.
Diinta Islaamku kama soo horjeedo in Maslaxad wixii jira lagu dhameysto iyo in la wadahadalo,sidaas darted waxa ay Shabaabku u diidayaan in la isu soo hor fariisto iyadoo aan hub la wadin waxaa aysan haysanin daliil waafaqsan waxaa ay sheeganayaan ama waxaa aysan lahayn dad aqoonta Diintu ku weyn tahay oo la xaajoon kara ciddii wax ka qabta dhaqankooda.
In Maxkamad La’aan la dilo qof isagoo si buuxda loogu cadeyn waxaa lagu eedeynaya ayaa ah mid Diinta ka soo horjeeda.
Shabaabku ilaa iyo hadda ma jiro mab’da qoran oo ay soo bandhigeen ee muujinaya sidii dalkan loogu xukumi lahaa Shareecada Islaamka,waxay si duu duuban u sheegan in Kitaabka lagu dhaqmayo waxaana nasiib daro ah in ay diidan in la kala furo Kitaabka oo dadka loo aqriiyo Kalmada Ilaahay.
Inta badan waxaa ay dilaan dad muuminiin ah oo ku soo cibaadeystay Masaajidyada iyagoo gudanaya mid ka mid ah Waajibka Islaamiga ugu waa weyn kadib marka ay dadka ku sugaan Masaajidyada iyagoo qalbiga ku haaya in ay qof dilaan Salaadda ay soo tukadaan ee Masaajidka ay ku yimaaden ay tahay in ay dhiig Islaameed galaan.
Mudada loo taagan yahay Salaada, qalbigooda waxa ay ku mashquulsan yihiin raadinta qofkii ay dili lahaayeen iyagoo marba marka kale dhinaca u jeesta, halkii ay uga qashuuci lahaayeen Salaadda Ilaahay ee loo tukanayo.
Waxaa kooxdan u dheer dilka, been iyagoo si buuxda u sheega inaan dilin qof la xaqiijiyay inuu gacantooda ku baxay taas oo muujinaysa in been la sheego sida ay shareecadu u fogeysay iyo in qur’aanka Kariimka sheegay in ay caro ilaahay ku soo degto.
Kooxdan ma fidiso Diinta Islaamka mana jiro Sheekh ka tirsan Shabaabka oo Qur’aan iyo Xadiis midna laga barto,sidoo kale ma jiro Sh weyn oo dadkii wax soo baray dalka ay joogan.
Waxaana hoggaan u ah Sida Axmed Cabdi Godane oo kale oo in yar oo Qur’aan ah ka soo bartay Shirkaddii Al Barakaat oo u ahaan jiray shaqaale.

1 Fikradaada

  1. KattyBlackyard Says:

    I really like your post. Does it copyright protected?

Leave a Reply