Hawlgalka AMISOM oo hal sanno loogu kordhiyey

War-murtiyeed ka soo baxay Ururka Midowga Afrika (The African Union) ayaa lagu sheegay inay Hawlgalka AMISOM ku kordhiyeen muddo hal sanno ah.

AU-da ayaa go’aankaasi ku gaaray Shirkii 595-aad ee ay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika dhawaan ku yeesheen Xarunta Dhexe ee AU-da oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Go’aankaasi waxaa lag oggolaaday  in Hawlgalka ay Ciiddanka AMISOM ka wadaan Somalia sii socon doono tan iyo bisha May 30-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka.

Xilli-kordhintaasi ayaa lagu micneeyey inay Ciiddanka AMISOM oo tiradooda dhan tahay 22,000 Askari sii wadaan Hawlgalka ay kula dagaalamayaan Xarakadda Alshabaab.

Ururka AU-da waxay kaloo murugo xooggan ka muujiyeen Go’aankii ay Midowga Europe (EU) ku dhimeen 20% Taageeradda Dhaqaale ee ay siiyaan Hawlgalka AMISOM, isla markaana Qiimo-dhimistaasi lagu soo beegay xilli Xasaasi  u ah AMISOM.

Ururka AU-da waxay ugu baaqeen Midowga Europe inay dib uga fekeraan go’aankaasi, xilli ay foodda nagu soo hayaan Doorashooyinka ka dhici doona Somalia.

©Dadweyne Media

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*