Gacan-ku-dhiigle dilay Hindiya Xaaji Maxamed oo lagu xukumay dil toogasho.

Gacan-ku-dhiigle dilay Saxafiyad ka shaqeyn jirtey Warbaahinta Qaranka oo la xukumay

Lix Eedeysane oo lala xiriirinayo falkii qaraxa ee ay ku geeriyootay Marxumad Weriye Hindiya Xaaji Maxamed Kheyre ayaa maanta la soo taagay Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciiddanka Qalabka Sida ee Somalia.

Xafiiska Xeer-ilaalinta ee Maxkamadda waxa uu dilka Marxuumadaasi ku soo oogay Eedeysanayaasha lagu kala magacaabo C/risaaq Maxamed Barrow Caddow, Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamed Abuukar Cali, Maxamed Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere, Muxyadiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida, G/dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in  Gacan-ku-dhiigle C/risaaq Maxamed Barrow Caddow lagu xukumay  xukun dil toogasho ah, kadib, markii uu qirtay inuu isagu ahaa qofkii walxaha qarxa ku rakibay gaariga Marxuumad Hindiyo Xaaji Maxamed taariikhdu markay ahayd bishii December 3-dii ee sannadkii hore ee 2015-kii.

Gacan-ku-dhiigle C/risaaq Maxamed Barrow Caddow waxaa kaloo lagu helay inuu Kooxda Alshabaab ugu qaabilsanaa dabagalka iyo sahaminta dadka waxgalka u ah bulshada Soomaaliyeed oo ay Alshabaab beegsanayaan.

Dhinaca kale, Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida, waxay Xabsi Daa’im ku riday Eedeysanayaasha lagu kala magacaabo Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamed Abuukar Cali iyo Macalim Maxamed Sheekh Yuusuf, kadib, markii lagu helay inay ka shaqeyn jireen Dugsiyo lagu faafiyo Afkaarta Alshabaab.

Maxkamadda, waxay kaloo xabsi min 5 sanno ah ku xukuntay Eedeysanayaasha kala ah: Muxiyadiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni, kuwaasi oo lagu helay inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

©Dadweyne Media

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*