Gaadiid iyo Laptopyo lagu diyaarinayey Qaraxyo oo la soo qabtay

Hawlgal ay Ciiddanka Ammaanka gelinkii dambe ee shalay ka fuliyeen Degmadda H/wadaag ee magaalladda Muqdisho waxay ku soo qabteen nin watay gaari iyo 7 Laptopyo iyo Mobaylo la qorsheynayey in lagu xiro qaraxyo.

Qalabkaasi oo xalay lagu soo bandhigay Barxadda Taalladda Daljirka Dahsoon ayaa waxaa kaloo lagu soo bandhigay nin la sheegay inuu watay Gaariga iyo qalabka kale.

Sidoo kale, Dukumentiyo ay ku qoran yihiin magacyadda xubno ka tirsan Daacish ayey Ciiddanka Ammaanka ku soo qabteen Hawlgalkaasi.

Taliyaha Ciiddanka Boliska Gobalka Banaadir, Jeneral Cali Gaab oo Saxaafadda kula hadlay Daljirka Dahsoon ayaa sheegay in qalabka la soo qabtay la qorsheynayey in lagu dhibaateeyo Ummadda.

Waxa uu tilmaamay inay Dadweynaha suurtogeliyeen in la soo qabto Ninka diyaarinayey waxyaabaha qarxa iyo gaarigii uu watay.

13220005_568701159964869_123566702_n

13226811_925202390925885_3509071622337640724_n

13187888_568701239964861_791211497_n13178754_925201484259309_1645957883935761825_n13140885_568701816631470_1991615954_n

©Dadweyne Media

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*