Faahfaahin: Maraykanka oo sheegay inay duqeyn ku dileen 150 Dagaalyahano Alshabaab

Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka “The Pentagon”, Captain Jeff Davis sheegay inay 150 dagaalyahano Alshabaab ku dileen duqeymo ay ka geysteen Xeradda Tababarka Raaso oo 120 maylis dhanka Waqooyiga kaga toosan magaalladda Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray inay Duqeymahaasi u adeegsadeen Diyaaradaha Duuliyaha leh iyo kuwa la hago ee Droneska.

Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka “The Pentagon”, Kabtan Jeff Davis waxa uu tilmaamay inay Sirdoonka Maraykanka muddo dhowr Toddobaad ilaalo ku hayeen Xeradda Rasso, ka hor inta aan la qaadin Weerarkaasi oo uu xusay in looga hortegay Khatar ka soo socotay Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka waxa uu tilmamaay inay ka hortageen waxa uu ugu yeeray Khatar ku soo fool lahayd Maraykanka iyo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ee ku sugan gudaha Somalia.

Afhayeenka Pentagon waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin kale ka bixiyo qaabka ay Maraykanka ugu suurtogashay inay beegsadaan Xeradaasi.

©Dadweyne Media

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*