Duqa Muqdisho”Waxaa jira canshuur laga qaado Bulshada oo aan ku dhicin qasnada dowladda”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Canshuuraha laga qaado Shacabka ku dhaqan 17-ka ee Gobolka Banaadir.

Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) ayaa sheegay iney jirto Canshuur badan oo laga qaado Shacabka balse aaney ku dhicin qasnada Dowladda oo ay si gaar ah u isticmaalaan dadka qaada Canshuurtaas iyo kuwa u dirsada ee amra in Canshuurtaas la soo qaado.

Maamulkiisa ayuu sheegay inay mudooyinkan ku mashquulsanaayeen hagaajinta Maareynta Maamulka iyo Maaliyada balse hadda ay usoo jeesanayaan arrimaha la xiriira Canshuurta.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay inay la xisaabtamayaan dadka leexsada Canshuurta Dowladda ayna sharciga horgeynayaan dadka arimahaa ku howlan, si loogu qaado danbiga ay galeen, Hay’adaha garsoorka ayuu sheegay iney horgeynayaan Kiisaskan oo uu Maamulkiisa Cusub soo ogaaday.

Injineer Yariisoow ayaa dhinaca kale sheegay in Shacabka marba hadii Canshuur laga qaadayo ay tahay iney ku soo dhacdo qasnada Dowladda, Si dadku ay uhelaan badalka lacagahaas ay Canshuur ahaanta ubixiyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*