Dooni shixnad hub ah u soo waday Somalia oo lagu qabtay Bariga Dhexe.

Markab Dagaal oo laga leeyahay  dalka Australia, kana mid ah Maraakiibta gaaf wareega Badda Somalia waxay gacanta ku soo  dhigeen Dooni Kalluumeysi oo waday in ku dhow 2-kun oo qoryaha AK 47.

Koox ka tirsan Ciiddanka la socday Markabka laga leeyahay dalka Australia waxay Doonidaasi ku qabteen meel 300-KM ka baxsan Xeebaha dalka Cumaan.

Taliyaha Hawlgalladda Isku-dhafka ee Australia, Admiral David Johnston ayaa sheegay in lagu guuleystay in la qabto doonidaasi, iyadoo baaritaan kadib laga helay 1989 qoryaha AK 47,  100 Gantaalladda laga tuuro Baasuukaha, 49 qoryaha Boobaha iyo Hoobiyayaal.

Waxa uu tilmaamay in Hubkaasi lagu dhex qariyey Shabaagta Kalluumeysiga.

Qabashadda Hubkaasi ayaa waxa uu qeyb ka yahay Cunaqabataynta Hubka ee ay QM ku soo rogtay Somalia, waxayna Maraakiibta Dagaalka ee Australia qeyb ka yihiin Maraakiibta Caalamiga ee La-dagaalanka Burcad0-baddeeda, Argagixisadda iyo Ka-hortagga Hubka iyo Daroogadda ee ay wadaan Doonyaha isticmaala Badda Somalia.

DOONI HUB WADAY OO LA QABTAY

©Dadweyne Media

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*