Warar

Guddiga Fulinta NUSOJ oo Taageeray Guddiga Madaxa Banaan ee Xalinta Khilaafaadka

nusoj

  Shir degdeg ah oo ay guddiga fulinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ku qaateen xarunta dhexe ee ururka ee magaalada Muqdisho oo uu shir guddoominayay Xoghayaha Guud Md. Maxamed Ibrahim ayaa waxa ay uga doodeen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin qodobada soo socda: Guddiga fulinta waxa ay si wadajir ah u soo dhoweeyeen guddiga madaxabanaan ee ...

Read More »

Maamulka Gobalka Banaadir ma ku guuleysan doonaan Sugidda Ammaanka Gobalka Banaadir?

muqdisho

Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka waxay dadaal xooggan u galeen sidii ay uga hortegi lahaayeen Weeraradda qorsheysan ee Alshabaab ka fuliyaan gudaha magaalladda Muqdisho, waxaana jirta in inta badan laga hortago ama la fashiliyo, inkastoo ay mararka qaarkooda dhacaan weeraradda iyo qaraxyadda ay Alshabaab fuliyaan. Khubaradda Ammaanka ayaana soo dhaweeyey Go’aankii lagu gaaray in Maamulka Gobalka Banaadir lagu wareejiyo Ammaanka ...

Read More »

Faahfaahin: Qoyskii Soomaalida ee ku geeriyooday magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.

mayd somali ksa

Iyadoo ay Idaacadda Radio Dalsan iyo Shabakadda Wararka ee la mataanaysan eewww.radiodalsan.com noqdeen  Warbaahintii ugu horreysay ee ku hadasha Afka Soomaaliga ee laga baahiyey Dhacdada la xiriirtay Qoyska Soomaalida ee ku geeriyootay Degmadda Aljameeco ee ka tirsan magaalladda Jeddah ayaa waxaa arrintaasi faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Diplomaasi ka tirsan Qusulliyadda Soomaaliya ee magaalladda Jeddah. Madaxa Qunsulliyaddaasi ugu qaabilsan Xiriirka Dadweynaha, ...

Read More »

Robert Mugabe oo 300 oo lo’ ugu deeqay Ururka Midowga Afrika.

DEEQ LO' AH

Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe waxa uu guddoonsiiyey Ku-xigeenka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Erastus Mwencha 300 oo neef oo lo’ ah munaasabad Khamiistii la soo dhaafay lagu qabtay Xafiiska Madaxweyne Mugabe. Deeqdaasi ayaa loogu talagalay inay taageero ka geystaan sidii Ururka Midowga Afrika hoos uga dhigi lahayd ku-tiirsanaanshaha Deeqaha Dibedda. Lo’da loogu deeqay Midowga Afrika ayaa waxaa lagu hayaa meel ...

Read More »

Qoys Somali oo ka koobnaa 5 qof oo ku geeriyooday dab ka kacay magaalladda Jidda ee dalka Sacuudiga.

mayd somali ksa

Wargeyska Sabaq ee ka soo baxa caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaadh ayaa qoray in Aabe, Hooyo iyo  3 carruur ay ku geeriyoodeen dab ka kacay gurigooda oo ku yaalla Degmadda Aljameeca ee Koonfurta magaalladda Jidda ee kaabiga ku haysa Badda Cas. Wargeyska waxa uu qoray inay Ciiddanka Difaaca Maddaniga u soo gurmadeen Qoyskaasi, balse markii ay guriga jebiyeen ugu tageen qoyska oo wada ...

Read More »

War Saxaafadeed: Hadalka Madaxweynaha ee uu kaga hadlay tirada Askarta Kenyanka ee la dilay oo si qaldan loo fasirtay

MADAXWEYNE AASKA KDF

War saxaafadeedka ayaa lagu bilaabay inay Warbaahinta si qaldan u fasirteen hadal ay ka soo xigteen Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu kaga hadlay tirada Askartii Kenyaanka ee ay dhibaatooyinka ka soo gaareen Weerarkii Ceel-cadde lagu qaaday bartamihii bishii hore. Tiradda u dhexeysa 180 ilaa 200 Askari ee uu Madaxweynaha ku xusay Wareysiga uu siiyey Telefishin Maxali ah ugalama jeedin in ...

Read More »

Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti oo Kulmay.

laba madaxweyne 01

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah magaalada Djibouti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyn ayaa kulankooda kaga wada hadley xaaladda amniga gobolka, la dagaalanka argagixisada, iskaashiga labada dal iyo xoojinta iskaashiga ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaainta Midowga Afrika ee AMISOM. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Djibouti, Mudane ...

Read More »

Japan oo kordhinaya Shaqooyinka loo abuurayo Dhallinyaradda ku nool Somalia.

japan relief agency

Hay’adda Dowladda Japoan ugu qaabilsan Iskaashiga Calaamiga ee the Japan International Cooperation Agency (JICA) ayaa sheegtay inay ilaa 15 Dhallinyarro Soomaali ah u diri doonaan Degmadda Mbegani ee dalka Tanzania, si loo soo baro Xirfadaha Kalluumeysiga iyo Qalabka lagu kalluumeysto. Hadal qoraal oo ka soo baxay Hay’adda JICA ayaa lagu sheegay in Dhallinyaradaasi tababar hal bil loogu qaadi doono Kenya ...

Read More »

Turkiga oo Muqdisho ka hirgeliyey Isbitaal u gaar ah Haweenka iyo Carruurta

turkey flag

  Madaxa Hay’adda Samafalka Caalamiga ee Turkiga, Sad Danisman ayaa sheegay inay dhamaystireen Isbitaalkaasi oo dhismahiisa la bilaabay sannadkii 2011-kii. Isbitaalkaasi oo loogu talagalay Haweenka iyo Carruurta ayaa waxa uu ku fadhiyaa dhul baaxadiisu tahay 27,000 oo mitir oo isku wareeg ah, iyadoo Qalabaynta iyo Daawadaba laga keenay Turkiga.   Madaxa Hay’adda Samafalka Caalamiga ee Turkiga, Sadiiq Danisman waxa kaloo ...

Read More »

Alqaacidada Yemen oo ku boorisay Alshabaab inay sii wadaan Weerarkooda.

qoosi

Sheikh Ibraahim Qowsi oo ka tirsan Hoggaamiyayaasha Taliska Alqaacidada Yemen ee AQAB oo farriintiisa soo dhigay Aaladda Isku-xirka Warbaahinta Bulshadda ee Telegram, waxa uu ku sheegay inay Alshabaab Hawlgalkooda ku sii daraan Hawlgalo kale, waa sida uu hadalka u dhigay. Sheikh Ibrahim Qowsi oo mar ahaan jirey Dareewalka iyo Ilaaliyihii Khaaska ee Hoggamiyaha Ururka Alqaacida, waxa uu ku booriyey Alshabaab ...

Read More »