Warar

Kanada oo walaac ka muujisay qorshaha lagu xirayo Xeradda Dhadhaab.

canada

Hadal Qoraal oo ay si wadajir ah u soo saareen Wasiiradda  Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalkaasi, Stephane Dion iyo  Marie-Claude Bibea, waxay ku sheegeen inay Kanada aad uga walaacsan tahay Go’aanka ay Dowladda Kenya ku gaartay inay shaqada ka joojiyaan Waaxda Arrimaha Qaxootiga iyo qorshaha lagu xirayo Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab oo hoy u ah ugu yaraan 600,000 ...

Read More »

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

XIL-WAREEJIN

Mogadishu, 14 May 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Golaha Wasiirada oo ansixiyey Sharciga Guddiga La-Dagaalanka Musuq-maasuqa, Ciidanka Dowladda oo la wareegey degaanka Mareerey, Howlgalo lagu dilay 15 Maleeshiyada Al-Shabaab ah, Dowladda Soomaaliya oo shaqo ...

Read More »

Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmadda Aadan Yabaal.

aadan yabaal

Wararka laga helayo Degmadda Aadan Yabaal ee Gobalka Sh/dhexe waxay sheegayaan inay Alshabaab isaga baxeen Deegaankaasi, kadib, markii ay Ciiddamada Huwanka ay gaareen duleedka Aadan Yabaal. Goobjoogayaal codsaday inaan magacooda la xiganin ayaa sheegay inay Ciiddamadda  Huwanta haatan ku sugan yihiin gudaha Aadan Yabaal, isla markaana ay wadaan baaritaano lagu adkeynayo Ammaanka. Dhinaca kale, Degmadda Aadan Yabaal waxaa xalay laga ...

Read More »

Madaxweynaha Somalia iyo dhigiisa Uganda oo ka wada hadlay Ammaanka iyo Doorashooyinka

2 P

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Gen. Yoweri Kaguta Museveni waxay shalay kulan muhiim ah ku yeesheen xarunta madaxtooyada dalka Uganda ee magaalada Entebbe. Kulankan ayaa ajendayaasha ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa iskaashiga dhinaca milateri ee labada dal ka dhexeeya, doorka ciidammada Uganda ee hawlgalka AMISOM, dagaalka lagula jiro Alshabaab iyo dib u ...

Read More »

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka  soo laabtey caleema saarka Madaxweynaha Uganda

xasan sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada Kampala kaga soo qeybgaley caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Gen. Yoweri Kaguta Museveni oo mar kale xilka loo doortay. Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Uganda kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Museveni oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka ...

Read More »

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Sheekh Shuute Sheekh Cali Maye

hassan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabkii Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Sheekh Shuute Sheekh Shariif Sheekh Mukhtaar Sheekh Maxamed Sheekh Cali Maye oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho. “Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan u tacsiyeynayaa qoyska, ehalada marxuumka oo ka mid ...

Read More »

Golaha Wasiiradda oo ka hadlay Go’aanka Kenya ku xirayaan Dhadhaab

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carte. Shirkan ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin howlgalada Ciidanka Xoogga dalka ay ka fulinayaan degaano ka tirsan gobolada Sh/dhexe iyo Galgaduud, dhibaatooyinka Roobabka iyo abaaraha weli taagan, go’aanka dowladda Kenya ay ku sheegtay inay ...

Read More »

Raashiya oo sheegtay inay Somalia ka iibin doonaan Hubka

russian flag

Dowladda Raashiya ayaa sheegtay inay Somalia hub ka iibin doonaan haddii ay soo hagaagto Xaalladda Ammaanka ee Gudaha Somalia. Madaxa Waaxda Ammaanka ee Shirkadda hubka dhoofisa ee Raashiya, Valery Varlamov ayaa shalay ku dhawaaqay Go’aankaasi, isagoo sheegay inay aad ula socdaan Xaalladaha Caalamka iyo inay jiraan dalal ay Golaha Ammaanka ee QM ku soo rogeen Xayiraadda Hubka. Waxa uu hoosta ...

Read More »

(SAWIRO): Wejiga Labaad ee Doodaha Bulshadda iyo Doorashooyinka oo ka furmay Hotelka Maka Almukarama.

1

Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan, Md. Xasan Cali Geesey ayaa waxa uu si rasmi ahaan u furay Barnaamij la xiriira Doorashooyinka Somalia, kaasi oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federalka, Hay’addo, Aqoonyahanno iyo qeybo ka mid ah Ururadda Bulshadda. Barnaamijkaasi oo ay Idaacadda Dalsan soo diyaarisay ayaa waxaa dadka lagu bari doonaa Doorashadda iyo Doorka ay ...

Read More »

(LA-YAABKA & SAWIRO): Haweeney 70-jir hooyo ku noqotay.

hooyo

Subxaana Laahi, Awlaadda waa Hidaayo Rabbi ugu deeqo Ummadiisa, loona baahan yahay in Ilaahay  looga mahadceliyo Hidaayadaasi iyo Nicmadaasi. Haddaba, Haweeney u dhalatay dalka Hindiya ayaa waxay ilmihii curudka u ahaa ku dhashay iyadoo 70 jir ah. Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Daljinder Kaur waxay bishii hore ee April dhashay Wiil, kadib, markii dadaal xooggan loo geliyo sidii ay u dhali ...

Read More »