Warar

(La-Yaabka & Sawiro):- Ninka ugu cayilan Kolombiya oo si dirqi ah looga saaray qolkiisa!!!

cayilan1

Oscar Vasquez Morales waa 44 jir u dhashay dalka Columbia, waxa la kici la’ yahay cayilnaan xad-dhaaf ah, waana qofka 63-aad ee ugu buuran Caalamka. Waxay Dhakhaatiirta ku waaniyeen inuu ku dadaalo inuu tago Rug Caafimaad si looga yareeyo miisaankiisa xad-dhaafka ah. Cayilku cusleeyey waxa uu la mid yahay sidii faras weyn oo kale, waxayna Dhakhaatiirta uga digeen inuu geeriyoon ...

Read More »

Alshabaab oo soo bandhigtay Gaadiid Tekniko oo ay ku qabsadeen Xeradda Laanta Buur

tekniko

Baraha Warbaahinta Alshabaab ayaa waxay soo bandhigeen Sawiro Gaadiid Tekniko ah oo ay sheegeen inay ku qabsadeen dagaalkii ay habeen hore laa gaaleen ciiddaanka Dowladda Federalka ee uu fariisinkoodu yahay Deegaanka Laanta Buur ee Gobalka Sh/hoose. Alshabaab waxay Gaadiidkaasi Milliteri ku soo bandhigeen Deegaanka Aw Dheegle ee duleedka Degmadda Afgooye, waxaana la sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab ku gaaf wareegayeen gaadiidkaasi. Dhinaca ...

Read More »

Faahfaahin: Dabkii xalay ka kacay Isbitaaladda Banaadir iyo Madiina ee magaalladda Muqdisho

isbitaalka banaadir

Dab khasaaro xooggan geystay ayaa waxay xalay ka kaceen Isbitaalka Dhallaanka iyo Haweenka ee Banaadir iyo Isbitaalka Boliska ee Madiina oo ku wada yaalla Degmadda Wadajir ee magaalladda Muqdisho. Abaarihii 07:45 daqiiqo ee Fiidnimaddii xalay ayaa waxa uu ka kacay Bakhaar lagu kaydiyo Daawooyinka carruurta oo ku yaalla Isbitaalka Banaadir, waxaana halkaasi ku bas belay daawooyinkii kaydka u ahaa Isbitaalkaasi ...

Read More »

QM oo ka digtay Maraakiibta loo fasaxay inay ka kalluumeystaan Xeebaha Somaliland.

tony

Shirkad uu leeyahay Xoghayihii hore ee Kalluumeysiga ee dalka Britain, Tony Baldry ayaa lagu eedeynayaa inuu dib u soo kicinayo Hawlihii Burcad-baddeeda Soomaalida, kadib, markii uu Shirkad uu madax ka yahay oo lagu magacaabo Anglo-Somaliland Resources (ASL) bilowday inay Fasaxa Kalluumeysiga siinaysa Maraakiibta Shisheeyaha ee ka jilaabanayo Xeebaha ka baxsan Somaliland. Warbixin Golaha Ammaanka ee QM loo gudbiyey oo ay ...

Read More »

Somalia oo cagta saartay Bilow cusub.

actforsomalia1

Maanta, waxaa diiradda la saarayaa dhamaan Wada-xaajoodyadda gudaha Somalia iyo dhamaan Saaxiibadda iyo Beesha Caalamka looga hadlayaa Mustaqbalka iyo Doorashadad soo socota ee 2016-ka. Arrintaasi waxay bilowgii u muuqatay wax khiyaali ah. Waxaa iska cad in rajada Doorashadda Hal qof iyo Hal Cod  ee sannadkan suurtoobin, oo dib loogu dhigay ilaa Doorashadda kale ee 2020-ka. Somalia waxay khibrad u leedhaay ...

Read More »

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Shiinaha oo ka wada hadlay Abaaraha ka jira Gobollada dalka.

CHINA3

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Axmed Jaamac “Ilka-Jir”, ayaa la kulmay Safiirka dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei Hongtian (Warsame Geeljire). Waxana ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dalka iyo sidii dawladda Shiinaha ay gacan uga geysan lahayd wax-qabashada Abaaraha ka jira qeybo kamid ah Gobollada dalka. Ku-simaha R/Wasaaraha ayaa dawladda Shiinaha ...

Read More »

Maxkamadda Sare ee Ciiddamadda oo xukun ku riday raggii dilay Weriye Hindiya Xaaji.

MARXUUMAD DUNIYA

Maxkamadda Sare ee Ciiddamadad Qalabka Sida waxay maanta laashay Rafcaanka dhowr Eedeysane  ay  ka qaateen xukun at Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciiddamadda bishii hore 25-dkii ku riday rag loo haystay dilkii Allaha U Naxariistee Marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed Kheyre oo ka mdi ah Suxufiyiinta Warbaahinta Qaranka. Maxkamadda Sare ee Ciiddamadda Qalabka Sida waxay dib u eegtay Xukunkii ay Eedeysanayaasha ka ...

Read More »

FAALLO: Halbeegga Mustaqbalka Somalia oo Humaag la ciirciirayo.

FAALLO

Sannadkan dabayaaqadiisa waxaa lagu madalsan yahay inay Somalia ka dhacdo Doorashooyin lagu soo dooranyo Madaxweyne, Guddoomiye Barlamaan iyo Xildhibaanadda Labada Gole ee Barlamaanka Federalka. Waxay Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda isla garteen Istaraatijiyad lagu hiigsanayo Doorashooyinkaasi, inkastoo aan loo dhiraandhirinin qaabka looga gudbi karo caqabadaha dagaalladda lagula jiro Alshabaabka hubeysan. 22,000 Askari oo ka tirsan Nabad-ilaalinta AMISOM ayaan sidii la doonayey ...

Read More »

Dowladaha Gobalka iyo kuwa kale oo la sheegayo inay kala wataan Musharixiinta u taagan Madaxtinimadda Somalia

free vote

Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ee la qorsheynayo inay qabsoomaan dabayaaqadda sannadkan ayaa waxay noqotay arrin leh miisaan gaar ah, waxaana jirta Dowladdo farta lagu fiiqayo inay wataan Musharixiin Khaas ah. Dowladaha Ethiopia, Masar, Sacuudiga, Qatar iyo Turkiga ayaana ah kuwa ugu muhiimsan ee la hadal hayo inay Juhdi iyo Kharaj ku kala taageerayaan Musharixiinta u taagan doorashadda soo socota ee Madaxtinimadda ...

Read More »

Kenya oo sheegtay inay dileen 21 Alshabaab.

OBONYO2

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel David Obonyo ayaa sheegay inay 21 dagaalyahan Alshabaab ku dileen iska horimaad gelinkii dambe ka dhacay Tuulladda Qooqaani ee Gobalka J/hoose. Waxa uu intaasi ku daray inay ciiddanka iska caabiyeen weerar jidgal ah oo ay Alshabaab ku sameeyeen ciiddan Kenyan ku sii jeeday Degmadda Afmadow. Waxa uu qirtay in iska horimaadkaasi lagu dilay 2 Askari, laguna ...

Read More »