Maqal iyo Muuqaalo

Faallo: Calawga Siyaasadda iyo Qaraxyadda saamayn ma ku yeelan doonaan Jadwal-hawleedka Doorashooyinka?

qorida

Inkastoo ay dhowr bilood ka harsan tahay Xilliga loo qoondeeyey Doorashooyinka Qaranka ee lagu dooranayo Madaxweyne iyo Guddoomiye Barlamaan Cusub iyo Xildhibaanadda Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka, ayaa waxaa haddana la isweydiinayaa sidee looga gudbi doona caqabadaha taagan. Marka si deggan loo milicsado Xaalladda dalkeena, waa hubaal in la dareemayo cufnaan xooggan iyo baylahsanaan ka jirta dhinacyadda Siyaasadeed, ...

Read More »

Garqaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxay oof-wareen iyo Sharaf-ka-dhac ku tahay Tubta Garsoorka Qaranka

ilka xanaf

Bilowgii isbuucan, Guddoomiyaha Maxakmadda Sare, Avvocate Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf waxa uu si aan gambasho lahayn u xukun qaloociyey Dacwad uu Xoghayihii Guud ee hore ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NOSOJ), Cumar Faaruuq Cusmaan  ka soo gudbiyey Wasaaraddaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda, oo uu ku sheegay inay faragelin ku hayaan Suuxfiyiinta. Ilko Xanaf dacwadda uma qaadin ...

Read More »

Ambassador Ali Amerika oo iska difaacay Eedeymihii Guddiga QM ee Xayiraadda Hubka ee Somalia.

Amb.-Amerika

Danjirihii Dowladda Somalia u joogay dalka Kenya, Ambassador Mohamed Ali Amerika ayaa sheegay inuu  Kharajka u soo xerooday Safaaradda u adeegsaday inuu ku taageero dadka Soomaalida ee ku dhibaataysan gudaha Kenya. Qoraal E-mail oo uu Danjire Amerika u diray Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda saaran dalalka Somalia iyo Eritrea (The Monitoring Group on Somalia), ayaa waxa uu ku faahfaahiyey qaabka ...

Read More »

Golaha Ammaanka ee QM oo u codeeyey in Somalia lagu sii hayo Xayiradda Hubka

UN1

14-xubnood oo ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxay xalay u codeeyeen in Somalia iyo Eritrea lagu sii hayo Cunaqabatayntii Hubka ee ay Golaha Ammaanka ku soo rogeen sannadkii 2009-kii. Danjuraha dowladda Venezuela u jooga Golaha Ammaanka ee QM ayaan soo xaadirin xilligii codka loo qaaday Xayiraadaasi, iyadoo uu Danjiraha walaac ka muujiyey Erayadda lagu ...

Read More »

Canshuurihii laga qaadi jirey Ganacsatadda Suuqyadda oo la mamnuucay.

ganacsatada1

Iyadoo la tixraacayo wareegtada sumadeedu tahay MOF/OM/0060915 ee ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti, ayaa si toos ah loo joojiyay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee bil kasta laga qaadi jiray ganacsatada suuqyada wax ku iibisa. Wareegtada ayaa lagu sheegay iyadoo laga duulayo xaalada amaan xumo ee dalka ka jirtay mudada dheer, taas oo sababtay ...

Read More »

Boliska Kenya oo sheegay inay qabteen rag u dhashay Tanzania oo lala xiriirinayo Alshabaab

UPDF-1-640x372

Boliska Gobalka Laamo ee Kenya ayaa sheegay in labo nin oo Tanzanian ah ku qabteen Hawlgalladda Milliteri ee ka socda Kaymaha Forest. Mid ka mid ah Eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Mascuud Bashiir Xamisi ayaa la sheegay in lagu qabtay Kontoroolka Deegaanka Hola. Waana markii labaad ee Eedeysanahaasi lagu qabtay Kenya, iyadoo bishi iJanaayo ee sannadkan loo masaafuriyey Tanzania. Eedeysanaha labaad ...

Read More »