Boliska Uganda oo Heegan galay iyo Alshabaab oo u digtay dalkaasi.

Wargeyska ugu akhriska badan Uganda ee The Monitor ayaa maanta daabacay inay Ciiddanka Boliska adkeeyeen Ammaanka Bariga dalkaasi iyo Xarumaha muhiimka, iyadoo ay soo baxeen Digniino sheegayo inay Alshabaab qorsheynayaan inay weerar ka geystaan Degmadda Mabale.

Digniinta Alshabaab ayaa la sheegay in lagu soo daabacay Waraaqo la sheegay in Nin watay Mootadda uu bishan April 4-dii ku daadiyey Saldhigga Dhexe ee Boliska ee Mbale Central Police Station.

Afhayeenadda Boliska Elgon, oo lagu magacaabo Diana Nandawula ayaa sheegtay inay Boliska qabteen Ninkii waraaqahaasi daadiyey, isla markaana uu sheegay xog ku aadan halka looga soo dhiibay Waraaqahaasi.
Waxay intaasi ku dartay in Ciiddamo badan loo daad-gureeyey si loo xoojiyo Ammaanka Guud ee Degmadda Mbale iyo Baraha Xuduudka ee Suam, Amudat, Malaba, Busia iyo Lwakhakha.
Dhinaca kale, Ku-xigeenka Taliyaha Boliska Gobalka ee Aagga Elgon, Peter Sirikye ahaa isagana sheegay in Hawlgalo Wadajir oo ay la leeyihiin Hay’addaha Ammaanka, si looga hortago cabsi kasta oo soo wajahda Dadka Reer Uganda.
Si kastaba ha ahaatee, Hay’addaha Ammaanka Uganda waxay dhowr jeer ka digeen weeraro ay Alshabaab ka geystaan gudaha Uganda, iyadoo Alshabaab horey falal Isqarxin ah ka geysteen  caasimadda dalka Uganda ee Kampala bishii July 12-dii ee sannadkii  2010-kii, laguna dilay  ugu yaraan 74 qof oo ka mid ahaa dadweyne fara badan oo daawanaysay Ciyaartii Finalka ee Koobka K/cagta ee Adduunka oo dhex martay Xulalka Spain iyo Holland.
@Dadweyne Media

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*